Birmingham
& Leicester oo lagu qabtay bandhigyo buugaagta Soomaalida.
Xildhiban
Publications;- 07-14 - January, 2012.
Magaalooyinka Birmingham & Leicester ee dalka Ingiriiska oo
lagu qabtay carwooyin lagu soo bandhigayay buugaagta
Soomaalida & buuggii uu dhawaan soo saaray madaxweyihii hore
ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed.
Read More...........
News Xildhiban Publications 28,
December, 2011
Daahfurkii buugga Halgan iyo Hagardaamo ee uu
qoray Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo maanta lagu soo bandhigay magaalada
London, December 28-29, 2011.
Xildhiban
Publications;- 28 - December, 2011.
Magaalada London ayaa hoodo iyo
ayaan u yeelatay inay noqoto goobtii afraad ee daahfurka buugga lagu soo
bandhigo shalay & maanta oo taarriikhdu tahay 28-29-2011. Kitaabku wuxuu ka
xogwarramayaa Taariikh nololeedkii qoraaga Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf.
Waa kitaabkii ugu horreeyey (Intaan ognahay ) ee uu madaxweyne Soomaaliyeed qoro
isagoo nool kaddib markii uu xilka toos uga degay. Waa qoraal daahfurayaa oo
ifinayaa dhacdooyinkii badnaa ee isdaba-joogga ahaa ee ka socday dalka
Soomaaliya lixdankii sano ee ugu dambeeyey (1950-2010). Waa dhacdooyin uu
qoraagu isagu intooda badan goobjoog ka ahaa.
Read more....
News Xildhiban Publications 30,
October, 2011
Allaha u naxariistee waxaa
magaalada Cophengen ee dalka Denmark ku geeriyooday Qoraa
sare Khaalid Cali Guul. Xildhiban
Publications Presents;- 30-October, 2011.
Waxaa magaalada Cophengen ee dalka Denmark ku geeriyooday
Qaraa Sare Allaha u naxariistee Khaalid Cali Guul Warsame oo
ka mid ahaa qoreyaasha Soomaaliyeed ee doorka weyn ka galay
ururinta & keydinta Taariikhda & Suugaanta Soomaalida.
Eebbe raxmad & naruuro ha siiyee Qoraa Sare Khaalid Cali
Guul Warsame.
Haddaba aniga oo ku hadlaya maamulka
Xildhiban Publications & bahda Qoreyaasha Soomaaliyeed,
tacsi u dirayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, Qoyskii,
Ehelladii & Qaraabadii ay ka geeriyootay Qoraa Sare
Khaalid Cali Guul Warsame.
News of the day Xildhiban
Publications 06, October, 2011
Waxaa magaalada London ee dalka Ingiriiska
lagu qabtay kulamo labadii maalmood ee la soo dhaafay ay ku
lahaayeen qoreyaasha Soomaaliyeed. Kulamadaasi oo lagu kala
qabtay xaafadaha Southall & Bethnal Green ee magaalada
London taariikhduna ay aheyd 18 – 19kii bishan June ee
sanadkan 2011.
Kulamadan oo ay soo qabanqaabiyeen Naadiga Qalinleyda iyo
hal-abuurka Soomaaliyeed ee PEN, laguna soo bandhigayay,
buug uu dhawaan soo saaray Prof. Cabdalla Cumar Mansuur oo
ka yimid dalka Talyaaniga, Max’ed Sh. Xassan Nuur oo ka
socday shirkadda buugaagta ee Scansom Publishers, C/casiis
Cali Ibrahim "Xildhiban", C/raxmaan Max’ed Abtidoon,
Jawaahir
Xaaji Cabdalla, Seynab Xaaji Aadan & Siciid Cali Shire oo
deggan dalka Ingiriiska.
Read moree..........
News Xildhiban Publications - 12,
June, 2011
Bandhiggii buugaagta taariikhda, dhaqanka & codka
hal-abuurka Soomaalida oo lagu soo gebagabeeyay magaalada
Gothenburg ee dalka Sweden.
Xildhiban
Publications Presents;- 12 June, 2011
Axad, June 12, 2011-
Bandhiggii
buugaagta taariikhda & suugaanta Soomaalida ee labadii
maalmood ee ugu dambeysay ka socday magaalada Gothenburg ee
dalka Sweden ayaa la soo gabagabeeyay iyadoo kulankaasi uu
ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee magaaladaasi lagu
qabto tan & intii ay dadka Soomaaliyeed ka mid noqdeen
dadyowga wax ka deggan dalkaasi. Bandhigga carwada ee
sanadkan ee halkaasi lagu qabtay ayaa waxaa ka soo qeybgalay
dadweyne Soomaaliyeed oo tiradooda lagu qiyaasay in ka badan
300 oo isugu jira qeybaha bulshada Soomaalida ee ku dhaqan
magaaladaasi. Read
more..........
News Xildhiban Publications - 10,
June, 2011
Bandhigga buugaagta dhaqanka codka hal-abuurka Soomaalida oo ka furmay magaalada
Gothenburg ee dalka Sweden. Xildhiban
Publications Presents;- 10 June, 2011
Jimco, June 10, 2011- Bandhiggii ugu horreeyay ee ku saabsan dhaqanka, suugaanta
iyo taariikhda Soomaalida ayaa ka furmay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.
Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa oo lugu qabto magaaladda
Gothenburg ayaa lugu soo bandhigay horrumarka dhinaca afka Soomaaliga uu gaaray
muddadii burburka ba'an ee weli ka soconaya Soomaaliya lagu jiray.
Read more....
News Xildhiban Publications - 22, May, 2011
Kulankii Qoreyaasha Soomaaliyeed ee ka socday
Helsinki oo la soo gebagabeeyay.
Xildhiban
Publications Presents;- 22 May, 2011
Axad, May 22, 2011- Bandhigga buugaagta taariikhda &
suugaanta Soomaalida oo muddo saddex maalmood ka socday
magaalada Helsinki ee dalka Finland oo la soo gebagabeeyay
iyadoo kulankan carwo sanadeedka ee sanadkiiba mar lagu
qabto dalkaasi.
Kulankan oo ay ka qeybgalyeen qoreyaal Soomaaliyeed oo ka
kala yimid dalalka Canada, Ingiriiska & qalinleyda
Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Finland. Bandhiggan oo
bilowday 19kii bishan May ayaa la soo gebagabeeyay 21ka May,
sanadka 2011.
Read More............
News Xildhiban Publications - 20, May, 2011
Kulankii qoreyaasha
Soomaaliyeed oo ka furmay magaalada Helsinki ee dalka
Finland. Xildhiban
Publications Presents;- 20 May, 2011
Jimco, May 20, 2011- Bandhig buugeedkii 7aad
ayaa ka furmay magaalada Helsinki ee dalka Finland.
Bandhiggan oo ah sanadkii 7aad waxaa dhidibada loo taagay
sanadkii 2005tii. Munaasabaddan oo ah mid si weyn loo soo
agaasimo sanad walba, isla markaana ay ka soo qeybgalaan
jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Finland.
Read more
News Xildhiban Publications - 17, May, 2011
Xildhiban
Publications Presents;- 17 May, 2011
Geerida Allaha u naxariistee Abwaan Max'ed Gacal Xaayow.
Illaahay ha u naxariistee waxaa shalay magaalada Muqdisho ku
geeriyooday Abwaan Max'ed Gacal Xaayow oo Soomaalida
dhexdeeda si wanaagsan looga yaqaanay, kuna caan baxay
Guurowga iyo Shiribka.
Wareysi geeridii marxuum Max'ed Gacal Xaayow ku saabsan ayaa
waxan la yeelanay C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban" oo wax
ka qora suugaanta iyo taariikhda Soomaalida, suugaanta
marxuumkana wax ka qoray.
Allaha
u naxariistee waxaa maanta ku geeriyooyaday magaalada
Muqdisho Allaha u naxariistee Abwaan Max'ed Gacal Xaayow oo
ka mid ahaa abwaannadii ugu caansanaa abwaannada dalka
Soomaaliya.
Allaha u naxriistee wuxuu abwaan Max'ed Gacal Xaayow ka mid
ahaa abwaannada Soomalaiya ee u ololeysa nabad & dib u
heshiisiin ka dhacda dalka ay dagaallada aafeeyeen ee
Soomaaliya. Haddaba maamulka Xildhiban Publications wuxuu
tacsi u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed Qoyskii,
Ehelladii & Qaraabadii uu ka baxay abwaankaasi. Halkan ka akhri
taariikh nololeedkii Allaha u naxariistee abwaan Max'ed Gacal Xaayow.
Is another Somalia is possible? "We have to face
the reality. We can have peace and bring our selves
up.
We have to start with the people and the
communities".
Abdulaziz Ali Ibrahim "Xildhiban"
__________________________________________________
"The only think that we have to fear is fear itself"
United States President,
Franklin D. Roosevelt, 1933.
Xildhiban Publications Presents:- 21/2/2010
Maalinta Xuska Afka Hooyo, Muqdisho, Soomaaliya
Dr. Xussein Sh. Axmed "Kaddare" oo ka
mid ahaa
guddigii qoraalka Afka Soomaaliga oo si
kooban uga
hadlayay taariikhda qoraalka Afka Soomaaliga in "Guddigii
ugu horreeyay ee qoraalka Afka Soomaaliga la sameeyay
sanadku markii uu ahaa 1958-dii, doodo fara badan ka
dib lagu
guuleystay in afka Soomaaliga lagu qoro Laatiin,
hasse yeeshee ay ka hortimid caqabado badan, taas oo
keentay in la
qoro 1972-kii" ayuu yiri "Kaddare". Dood ku
saabsan dhaqanka Soomaalida Dr. Xussein "Kaddare",
Axmed Faarax "Idaajaa" & Prof Max'ed Cumar Dalxa.
Heshiisyadii nabadda ee Soomaaliya: Hurinta
kooxaysiga.
19
sanadood ee tagay Soomaalidu waxay qabteen shirar
badan oo ah nabadda iyo dib-u-heshiisiinta isla
markaana ay ku gaareen heshiisyo badan oo nabadda
ah, qaar waxay ka dhexeeyeen dhawr qof kuwa kalena
xulufo siyaasadeed oo ka weyn.
London "OWN" Waxaan jecleysanay in aan halkan
idinkugu soo gudbino wareysi uu barnaamijka Badhigga
siyaasadda ee website-ka Oodweynenews la yeelatay C/casiis
Cali Ibrahim "Xildhiban" oo ka mid ah qoreyaasha
Soomaaliyeed.
Haddaba si aad u dhageysato wareysigan halkan riix.
Buuggani
Maamulladii & Madaxdii soo martay Soomaaliya
waxaan shaki ku jirin in uu daah fur u noqonayno
keydka xagga aqoonta baahsan ee bulshada Soomaalida
& cid
kasta oo daneyneysa in ay wax uga ogaato
qoraalladii laga sameeyay madaxdii &
hoggaamiyeyaashii soo maray ummadda Soomaaliyeed.
Waxaan qoraalkeygan ku soo gebagabeynayaa tix maanso
ah oo uu tiriyay Allaha u naxariitee
Abwaan C/qaadir
Xersi "Yamyam"
oo aheyd;-
"Ninkii timir
abuuriyo, ninkii tiin tallaalaba, taariikhdu waa
warin".
Taariikhda ummadda Soomaaliyeedna kama salguuri
doonto maskaxdooda inta qof Soomaali ahi uu nool
yahay.
"Tribalism provides no shelter; It only causes
destruction".
"Dugsi ma leh qabyaaladi, waxay dumiso mooyaane".
C/llaahi Suldaan Timacadde
Read More......
Xildhiban Publications;- 10 March, 2009 Dal aan dadkiisu damqasho laheyn.
PEOPLE WHO DIDN’T HAVE FEELING FOR THEIR COUNTRY.
Somalis are described as the
most homogenous society, having the same language,
religion and culture. It may not
be surprising for
such community to engage the disastrous conflict
that we have been witnessing during the last 19
years. But what is agonisingly
surprising is the failure to solve
differences by a community that is
so connected in many ways.
Somalis are known for their oratory
in proverbs and sayings. One of the most famous
sayings says, "let us talk means
let us agree".
Unfortunately everything Somalis have done
so far is
the reverse of this saying. This book, "The people
who
didn't have feeling for their country" publishes
all the agreements reached by the Somali sides and
groups since the civil war started. Those
agreements include:-
Coming soon.
Read more..
Xildhiban Publications Presents;- 4
March, 2010
Kulamada & Bandhigyada buugaagta Soomaaliyeed.
Halkan ka daawo dhammaan kulamadii & bandhigyadii
buugaagtii laga qoray Soomaalida & Soomaaliya &
halganka ay Qoreyaasha Soomaaliya ugu jiraan
keydinta & Xafidaadda Taariikhda dalka & dadka
Soomaaliyeed, gaar ahaan
muddadii lagu jiray
dagaallada sokeeye ee weli ka
soconaya geyiga
Soomaaliya.
Abdulaziz
Ali Ibrahim "Xildhiban" is a
British-Somali author
& Peace
activist. "Xildhiban" studied
political science & international
relations at University of Florence.
He is also director of Xildhiban
Publications.
Warsan Cismaan Saalax is a writer
in politics with
background in
psychology & transculturasim. She is
a peace activist who works with the
Somali community in London.
:
Xildhiban Publications;- 07
December, 2009 Weerarkii bahalnimada ahaa ee lagu
xasuuqay Allaha u naxariistee xubnihii ka midka ahaa
Golaha wasiirada & dhallinyaradii ka qalin
jibineysay jaamacadda Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Taariikhdu markii aheyd 29kii
bishii Oktoobar, sanadkii 2008 waxaa magaalooyinka
Hargeysa & Boosaaso oo ka mid ah maamullada
Soomaaliya ka abuurmay wixii ka dambeyay markii la
riday dowladdii
dhexe ee dalka Jamhuuriyadda
Soomaaliya ka dhacay qaraxyo xiriir isla markaana ay
ku geeriyoodeen dad la xaqiijiyay in ay tiradoodu
kor u haafeyso 22 ruux, halka ay dhaawacyo ka soo
gaareen iyaguna 28 ruux oo kale.
Xildhiban Publications 25 November,
2009 Buugaagtii uu qoray qoraaga Soomaaliyeed
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban". Abdulaziz Ali
Ibrahim "Xildhiban"
Somali Peace activist & Author,
"Xildhiban"
living in UK is one
of the promising
Somali writers of the future. So far the author has
published 7 excellent books. The Author will share
and elaborate with his publications:-
1. "Waxay kuu
dhigeen ma kugu dhaqeen?"
2. Taxanaha
Taariikhda Soomaaliya.
3. Maahmaahyo
murti & madadaallo.
4. Sooyaalkii
suugaanta Cabdulle Raage. 5. Xulka
maansooyinka Soomaaliyeed.
6.
Horseedayaashii halaagga Soomaaliya. 7. Dal aan
dadkiisu damqasho laheyn.
8. Maamulladii & Madaxdii soo
martay Soomaaliya.
9 Sheeko mise
Shaahid.
Taariikhdu markii ay aheyd 30-31kii bisha Oktoobar
ayaa
lagu qabtay koofurta magaalada London, gaar
ahaan Peckham Library. Kulankan oo ay ka soo
qeybgaleen
qoreyaal ka kala magaalooyinka Toronto,
Canada &
London ee dalka Ingiriiska Read more.......
Xildhiban
Publications;- 23 Oktoobar, 2009 Kulankii Somali Festival
Week oo ka furmay magaalada London.
Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen qeybaha bulshada
Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingiriiska waxaa ka soo
qeybgalay Duqa xaafadda Tower Hamlet ee magaalada
London Mayorcouncillor Ahmed Omer & xubno
kaleba, ayaa ugu horreyn hadalkaasi hadallo ka soo jeediyay.
Read more..
Xildhiban
Publications 1 October, 2009.
Buugaagtii
uu qoray qoraaga Soomaaliyeed C/casiis Cali Ibrahim
"Xildhiban".
Abdulaziz Ali Ibrahim "Xildhiban"
Somali Peace activist & Author,
"Xildhiban" living
in UK is
one of the promising
Somali writers of the future.
So far the author
has
published
7 excellent books. The Author will share and
elaborate
with his publications:-
1. "Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen?"
2. Taxanaha
Taariikhda Soomaaliya.
3. Maahmaahyo murti & madadaallo.
4. Sooyaalkii
suugaanta
Cabdulle Raage.
5. Xulka maansooyinka Soomaaliyeed.
6. Horseedayaashii
halaagga Soomaaliya.
7. Dal aan dadkiisu damqasho laheyn.
Magaalada London oo lagu soo bandhigay
buugga "Horseedayaashii halaagga Soomaaliya"
ee dhawaan la daabacay isla markaana uu qoray qoraaga
Soomaaliyeed C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban".
London, 26-Sep-2009 [XP]
Waxaa maanta magaalada
London
oo lagu
soo dhaweynayay xubno ka tirsan dowladda KMG ah ee
Soomaaliya isla markaana ay uga waramayeen xaaladda dalka
Soomaaliya ayaa lagu
soo bandhigay
buugga cusub ee dhawaan
soo baxay "Horseedayaashii
halaagga Soomaaliya.
OGEYSIIS:-
11 Septembar, 2009
"Xildhiban Publications":- Buugga Horseedayaashii halaagga Soomaaliya oo dhawaan
lagu soo bandhigayo magaalada London ee dalka Ingiriiska.
The Architects of the destruction of Somalia
Those who forget the lessons of the history are
condemned
to repeat. History is preserved to warm against
its negatives and cherish its positive memories.
This books,
"The architects of the destruction of
Somalia"
contains all
the major developments that had happened in the
country during the past 30 years, from the time the armed
factions, who later on destroyed the country emerged in 1978
until 2008. Read
More.........
Carwo buugeeed aad u
baaxad weyn. Carwadaas waxaa si wadajir u soo qabanqaabiyey
Shirkadda buugta daabacda
ee Scansom Publishers iyo
ururrada kala ah ( Somali
Culture & Research Institute ( SCRI), and
Somali Women
& Children Alliance ( SWCA).
Labada ururba waxaa
xarun u
ah suuqa caanka ee la yiraahdo (
Global Mall). Haddaba
shirkadda Scansom, Read More........
Jimce,
24-25 July, 2009 (XP):- Kulankii qoreyaasha Soomaaliyeed ee
lagu qabtay magaalada Boston ee dalka mareykanka.
Waxaa magaalada Boston ee dalka mareykanka lau qabtay
kulankii qoreyaasha Soomaaliyeed taariikhdu markii ay
aheyd 24-25kii
bishan July sanadka 2009ka kulan
ballaaran oo ay ka soo qeybgaleen qoreyaal Soomaaliyeed
oo
ka kala yimid magaalooyinka London,
Toronto.
Jimce, 11-12 March, 2009 (XP):-
Kulankii
qoreyaasha Soomaaliyeed ee lagu qabtay magaalada Helsinki city
library/multilingual library service, Finland.
Waxaa taariikhda markii ay aheyd 11-12kii bishan March
sanadka
2009ka lagu qabtay kulan ballaaran oo ay ka soo
qeybgaleen
qoreyaal Soomaaliyeed oo ka kala yimid
magaalooyinka London,
Toronto, Stockholm & Helsinki ee dalka
Finland. Read more..........
Kulanka
Abwaannada & Qoreyaasha Soomaaliyeed oo ka dhacay
magaalada London ee dalka Britain.
Axad, November 9, 2008 (XP):
Waxaa magaalada London
ee dalka Ingiriiska lagu qabtay
maalinnimadii shalay aheyd kulan ballaaran
oo ay ka soo
qeybgaleen qeybaha bulshada oo Soomaalida ee ku dhaqan
magaaladaasi. Kulankaasi oo loogu magacdaray "Haddiyadda
Jabuuti, Hiilka Afka Hooyo, Hal- abuurka Qalinka &
Himilada Soomaalida UK.
Read more.........
Innaa Lillaahi
Wa'inaa Illeyhi Raajicuun
Isniin, November 3, 2008 (XP):
Ma dhinte waa Illaahay ruux kasta oo noolna waa
dhimanayaa, waxaan anniga oo ku hadlaya magaca
qoreyyaasha Soomaaliyeed halkan tacsi
uga dirayaa guud
ahaan
ummadda Soomaaliyeed gaar
ahaan qoyskii, ehelladii
& qaraabadii
uu ka geeriyooday
Allaha u naxariistee
Abwaan Cabdi Muxumed Amiin
oo
maanta lagu aasay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Read more.....
Kulan ay magaalada London
ku yeesheen Qoreyaasha
& Suugaanleeyda Soomaaliyeed
Talaado, October 28, 2008 (XP):
Qorayaal iyo suugaanleey
ku caan ah bushada soomaaliyeed dhexdeeda ayaa magaalada
London ee dalka Britain waxa ay ka qeybgaleen kulan uu
soo qaban qaabiyey ururka
Somali Pen oo ah urur kulmiya
Qorayaasha iyo Hal-abuurka
Soomaaliyeed.
Axad, Octobar
26, 2008 (XP) Stockhlom Kulankii qoreyaasha & abwaannada Soomaaliyeed ee lagu
qabtay magaalada Stockhlom ee dalka Sweden
Waxaa magaalada Stockhlom ee dalka Sweden lagu soo gebagabeeyay
kulankii ay ka qeybgalayeen qoreyaasha & abwaannada
Soomaaliyeed. Kulankaasi oo socday intii u dhaxeysay 25-26kii
bishan Oktoobar isla markaana ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen
ururrada Somali
Swedish Union & Scansom Publishers
Read more............
Magaalada London oo lagu soo bandhigay
buugga Taxanaha Taariikhda Soomaaliya ee qorey C/casiis
Cali Ibrahim "Xildhiban"
London, 16-Dec-2006 [XP] Munaasabad si heer sare ah loo
soo qabanqaabiyay laguna qabtay magaalada London ee dalka
Ingiriiska laguna soo bandhigayay buugga TAXANAHA TAARIIKHDA
SOOMAALIYA
ee uu qorey C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
ayaa lagu qabtay
Streatham Library, qabanqaabadeeduna
uu lahaa Tom O'Dell oo ah Reader's Devolopment Officer
in Lambeth Libraries, lana qabtay 16/12/2006.
Ururka
Somali Community in Cardiff oo qabtay xaflad lagu
soo
bandhigay buugaagta Soomaalida
Cardiff, 30-Nov-2005 [XP]
Munaasabad aad u weyn oo ay si wadajir
ah
u soo qabanqaabiyeen Ururka Soomaalida magaalada
Cardiff &
Cardiff Central Library iyo Ururka Scansom
Publishers.
Munaasabadan oo ay ka soo qeybgaleen marti sharaf fara badan waxaa ugu horreyn
ka hadlay ku xigeenka duqa magaalada Cardiff, Lord Mayor
Cabdulle Raage Taraawiil
suugaantii uu ka tagay waa
hanti ummaddu leedahay,
waxaan filayaa ninkan ku
magac dheer C/casiis
"Xildhiban" ayaa faafinaya,
dadkana waxaan ugu baaqayaa
suugaantaa haddii Illaahay
ka dhigo ujeedada culus leh
ee aan qosolka
ka marneyn, qofku isaga oo
waajib
culus aqriyaya ayuu
haddana mararka qaar ku
qoslayaa ama ku farxayo
weeye suugaantiisu sidaan
filayo, ugu dambeyntii
waxaan dadka
Soomaaliyeed ka
codsanayaa in ay u duceeyaan
isla markaana ay ku
biirsadaan suugaantiisa
wixii ay horey
u hayeen.
Abwaan Max’ed Ibrahim Warsame "Hadraawi"
Oxford House, London, UK.