XILDHIBAN Publications Xildhiban Publications

Home

Publications

About us

Gabayo & Guurow

Heesaha

Photo Gallery Contact us

Home

Publications

About us

Photo Gallery

Contact us

Wareysi VOA dood
ku saabsan qoraalka
Soomaaliga

Wareysi  ay laanta afka
Soomaaliga BBC la yeelatay C/casiis "Xildhiban"

Wareysi ay laanta afka Soomaaliga ee Radio Warsan
Helsinki, Finland 
la yeelatay C/casiis "Xildhiban"

Wareysi wariye Feysal Sh. Aadan "Amiin" oo ka tirsan Radio Warsan uu siiyay VOA oo uu kaga waramayo kulanka qoreyaasha ee ka dhacay Helsinki, Finland

Somali Radio

Barnaamijyada Idaacadda 04:00 GMT

Barnaamijyada Idaacadda 11:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 14:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 18:00 GMT
 

  4:00PM

  7:00PM

  8:00PM

Somali Links

Aminarts
Allpuntland
Allceeldheer
Dayniile
Dhagaxtuur
Hamarey
Hiiraan
Hornafrik

Markacadeey

Midnimo
Mareeg

Puntlandpost

Qaranimo

Shabelle

Somaliweyn

Somalitalk

Solamusic

Universal TV

Xamardaye

International News Agencies

Aljazeera

Arabnews

Reuters

Washington post

BBC

CNN

More Somali Books
Coming soon

Date:  

Xildhiban Publications


Kulankii qoreyaasha Soomaaliyeed ee ka dhacay magaalada Helsinki ee dalka Finland intii u dhaxeysay
11-12 March, 2009

Waxaa maalmihii la soo dhaafay ee 11-12kii bishan March sanadka 2009ka lagu qabtay kulan ballaaran oo ay ka soo qeybgaleen qoreyaal Soomaaliyeed oo ka kala yimid magaalooyinka London, Toronto, Stockholm & Helsinki ee dalka Finland.

Waxaa bandhiggan furitaankiisii hadallo soo dhaweyn ah ka soo jeedisay Tuula Hatainen oo ahaan jirtay wasiirkii waxbarashada ee dalka Finland haddana ah ku xigeenka duqa magaalada Helsinki, waxayna hadalkeeda ku muujisay sida ay ugu faraxsan tahay bandhigga buugaagta Soomaalida ee sanadkiiba mar lagu qabto dalkaasi.

Kulankan oo lagu soo bandhigayay buugaagtii ay qoreen qoreyaasha Soomaaliyeed ee ku dhaqan adduunkan dacalladiisa, waxaa qoreyaashii sanadkan ka soo qeybgalay ka mid ahaa;-

1.
   
Max’ed Sh. Xassan Nuur oo ka socday Scansom Publishers, Toronto, Canada.
2.
   
C/casiis Cali Ibrahim “Xildhiban” oo ka socday Xildhiban Publications. London, UK.
3.
   
Khaalid Cali Guul, Copenhagen, Denmark. 
4.
   
Jawaahir Cabdalla Xaaji Faarax, UK
5.
   
Max’ed Baashe Xaaji Xassan, UK
6.
   
C/qaadir Cusmaan Max’ud “Oromo” UK
7.
   
Bashiir Ismaaciil Cusmaan, “Stockholm, Sweden.
8.
   
Axmed Wehliye Coofle, Helsinki, Finland.

Intii uu socday kulankan waxaa lagu soo bandhigay in ka badan 175 buug oo intoodii badneyd la qoray isla markaana la daabacay wixii ka dambeeyay intii ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka Soomaaliya.

Bandhiggan buugaaggta laga qoray taariikhda & suugaanta Soomaalida ayay bulshada ku dhaqan dalkaasi ku tilmaameen in ay ubadka ama dhallaanka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi si wanaagsan uga faa’iideysteen, iyadoo halkaasi ay hadallo mahadcelin ah ka jeediyeen waallidiintii ka soo qeybgashay kulankaasi.

Carwo buugeedkan oo sanadkiiba mar lagu qabto magaalo madaxda dalka Finland ee Helsinki waxaa gebagabadii bandhiggaasi hadal qiimo leh ka soo jeedisay haweeneyda madaxda ka ah Ita-Keskus Library, Mrs. Marja Leena & madaxa qoreyasha Soomaalida isla markaana ah guddoomiyaha shirkadda Scansom Publishers Dr. Max’ed Sh. Xassan Nuur.

Sidoo kale waxaa kulankan hadallo ka soo jeediyay gabar Soomaaliyeed oo xubin ka ah xisbiga Virheja Sahra C/llaahi & C/raxmaan Cali Jiimi oo isna ka tirsan howlwadeennada “Librarian & Diversity worker-Espoo library”, oo ku dheeraaday waxqabadka ballaaran ee ay gaareen muddadii 5ta sannadood aheyd ee ay howsha bandhigga buugaagta Soomaalida socotay.

Sahra C/llaahi xubin ka tirsan
xisbiga Virheja   C/raxmaan Cali Jiimi “Librarian & Diversity   
ee dalka Finland
                                           worker-Espoo library”

Helsinki, Finland.

Xildhiban Publications

WAXAY KUU DHIGEEN MA KUGU DHAQEEN

Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen

.

Taxanaha Taariikhda SOOMAALIYA

Taxanaha Taariikhda Soomaaliya

 

MAAHMAAHYO Murti & Madadaallo

Maahmaahyo Murti
& Madadaallo

.

More Books ....

_______________
 

Coming soon

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA


Coming soon

Dal aan dalkiisa Damqasho Laheyn

Dalaan dalkiisa Damqasho Laheyn

 

Home   |   Publications   |   About us   |   Photo Gallery   |   Contact us

_______________________________________________________

Copy Right xildhibanpublications.com ® All Reserved 2008