| 
                
							|  |  
							|  |  
                
							| 
							
							
							Sanadguuradii 10aad ee bandhigga buugaagta Taariikhda, 
							Dhaqanka & Suugaanta Soomaalida oo lagu qabtay 
							magaalada Helsinki ee dalka Finland. 23 - 24 May, 
							2014 |  
							|  |  
							|  Sanadguuradii 
							10aad ee bandhigga buugaagta Taariikhda, Dhaqanka & 
							Suugaanta Soomaalida oo lagu qabtay magaalada 
							Helsinki ee dalka Finland. 23 - 24 May, 
							2014. 
 Kulankan oo ka dhacay maalintii ay taariikhdu ay 
							aheyd 23kii bishan May, sanadka 2014, waxaa ka 
							soo qeybgalay Qoreyaal Soomaaliyeed oo ka kala yimid 
							magaalooyinka London, Toronto, Washington ee dalalka 
							Ingiriiska, Canada & USA.
 
 Kulanka waxaa ugu horreyntii hadallo soo dhaweyn & 
							marxabeysiin ah ka soo jeediyay Xildhibaan laga soo 
							doorto deegaanka Espoo ee dalka Finland, Xildhibaan 
							C/raxmaan Max'ud Cali "Jiimi" ahna qabanqaabiyaha & 
							isku xiraha keydka keydan ee Qoreyaasha Soomaaliyeed 
							kana tirsan maamulka maktabadda Pasila ee magaalada 
							Helsinki ee dalka Finland.
 
 Sidoo kale waxaa iyadna halkaasi hadallo qiimo badan 
							ka soo jeedisay Nimco Max'ed Nuur oo ka mid aheyd 
							qabanqaabiyeyaasha bandhiggan buugaagta & dhaqanka 
							Soomaalida ahna hooyo si gaar ah isugu xilsaartay 
							qabsoomidda kulankan lagu xusayay sanadguuradii 
							10aad ee bandhigga buugaagta Soomaaliyeed.
 
 Qoreyaashii maanta halkaasi ka hadlay waxaa ka mid 
							ahaa;-
 
 1. Max'ed Sheikh Xassan Nuur
 2. C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
 3. C/llaahi "Soomaaliyow"
 4. Axmed Xijji
 5. Siciid Kaarshe
 6. Siciido Goobdoon
 7. Nimco Max'ed Nuur
 
 Sidoo kale waxaa iyagana halkaasi hadallo soo 
							dhaweyn ah ka soo jeedisay agaasimaha guud ee 
							wasaaradda waxbarashada, hiddaha & dhaqanka ee dalka 
							Finland, Ms. Riita Kaivasoja & madaxda maktabadaha 
							magaalada Helsinki ee dalka Finland, Ms. Tuula 
							Haavisto
 
 Sidoo kale waxaa iyaguna barnaamijkan Suugaan, 
							Gabayo, Guurow & Geeraarba ka soo jeediyay xubno ka 
							socday qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan 
							dalkaasi, wuxuuna bandhiggaasi ku soo gebagaboobay 
							si wanaagsan.
 
 Guntii & gebagabadii 
							waxaa halkaasi hadallo aad & aad u qiimo badan ka 
							soo jeediyay Dr. Max'ed Sheikh Xassan Nuur oo ka mid 
							ah Qoreyaasha Soomaaliyeed ahna madaxa shirkadda 
							SCANSOM PUBLISHER, kana mid ahaa hal abuureyaashii 
							salka u dhigay in kulamo noocan oo kale ah ah ka 
							dhacaan dalalka Europe & North America.
 
 Waxaana intii ay socdeen xuska sanadguuradaasi ay 
							ikhyaarta magaaladaasi C/risaaq Cali Cusmaan & Asad 
							Caalin u sameeyeen Qoreyaasha Soomaaliyeed, 
							casho sharaf si wanaagsan loo soo agaasimay oo ka 
							dhacday Hotel Scandic & Restaurant Kilo oo ku yaalla 
							magaaladaasi, halkaasi oo ay isku dhaafsadeen aqoon 
							is weyrdaarsi aad u qiimo badan.
 
 Xassan Max'ud Cali "Saadaq"
 Helsinki, Finland
 
 |  
							|  |  |  
							| 
							Bandhigga Dhaqan Soomaaliga | 
							Casho sharaftii loo sameeyay Qoreyaasha |  
							|  |  |  
							| C/casiis 
							"Xildhiban" oo guddoonsiinaya | C/casiis 
							"Xildhiban" & Gabadha Dhaqanka |  
							|  |  |  
							| 
							Scansom Publishers & Xildhiban Publications  | 
							Buugaagtii la soo bandhigay |  
							| 
							
							
							
							
  |  
							| 
							
							Bandhigga Buugaagta Taariikhda, Dhaqanka & Suugaanta 
							Soomaalida. |  
							| 
							 |  
							| Isha 
									qoraalkan; C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban", 
									London
 Ogeysiis: 
									Qoraalladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc 
									ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto 
									wargeys, haddii aad u baahato fadlan la 
									xiriir bahda wargeyska uu cinwaankiisu yahay
									
									www.xildhibanpublications.com ama qoraha 
									caanka ah ee C/casiis 
									Cali Ibrahim (Xildhiban)
 
 Xildhibanpublications. London
 |  |  |