Max’ed 
							Xaaji Ibrahim Cigaal 
							
							
							wuxuu ku dhashay magaalada Oodweyne 15kii bsihii 
							August, sanadkii 1928dii ee hoos iman jiray 
							maamulkii loo yaqaannay British Somaliland ee 
							waqooyiga dalka Soomaaliya.
							
							
							Max’ed 
							Xaaji Ibrahim Cigaal 
							waxaa uu ahaa hoggaamiyihii ururkii xornimadoonka ee 
							waqooyiga Soomaaliya ee la oran SYC, wuxuuna madaxka 
							ahaa dhaqdhaqaaqyadii dhinaca siyaasadda ee ka 
							soconayay halkaasi dabayaaqadii sanadihii 1959kii – 
							1960kii.
							
							
							26kii bishii June, sanadkii 1960kii markii ay 
							madaxbannaanida heleen gobollada waqooyi ee 
							Soomaaliya, waxaa loo doortay in uu noqdo ra’iisul 
							wasaarihii ugu horreeyay ee Somaliland, 
							
							Max’ed 
							Xaaji Ibrahim Cigaal 
							wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii Soomaalida ee 
							aasaaska u dhigay midowgii labadii gobol ee ay kala 
							gumeysanayeen dalalka Ingiriiska & Talyaaniga & 
							dhismihii dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya.
							
							
							Midnimadii labadii gobol ee jamhuuriyadda Soomaaliya 
							ka dib waxaa dowladdii madaxweyne Aaden Cabdulle 
							Cusmaan loo magacaabay 
							
							Max’ed 
							Xaaji Ibrahim Cigaal
							
							
							xilalka kala ah;- 
							
							
							
							1.     
							
							
							Wasiirka difaaca 1960kii-1962dii
							
							
							
							
							2.     
							
							
							Wasiirkii Waxbarashada 1962dii-1963
							
							
							
							3.     
							
							
							
							Ra’iisul wasaarihii madaxweyne C/rashiid Cali 
							Sharmaarke ee 1967dii-1969kii.
							
							
							Dilkii la dilay madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke 
							isla markaana uu MD. 
							
							Max’ed 
							Xaaji Ibrahim Cigaal
							
							
							ra’iisul wasaaraha ka ahaa ka dib markii uu dalka si 
							degdeg ah ugu soo laabtay waxaa lagu xukumay xabsi 
							guri, ka dib markii ay talada dalka afgembi aan 
							dhiig ku daadan kula wareegeen ciidamadii qalabka 
							sida ee Soomaaliya ee uu hoggaaminayay S/Gaas Max’ed 
							Siyaad Barre.
							
							
							Intii u dhaxeysay 1976dii-1978dii wuxuu ahaa 
							danjirihii dowladda dhexe ee Soomaaliya u fadhin 
							jiray dalka Hindiya, waxaana wixii ka dambeeyay 
							intii ay talada dalka la wareegeen ciidamadii 
							Soomaaliya muddo 2 jeer ah ayaa xabsiga loo taxaabay.
							
							
							Ka dib markii la riday xukuumaddii uu madaxda ka 
							ahaa madaxweyne Max’ed Siyaad Barre 26kii bishii 
							January sanadkii 1991dii, wuxuu 
							
							Max’ed 
							Xaaji Ibrahim Cigaal
							
							
							shirarkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay 
							magaalada Djibouti ee dalka Jibouti ee mar kale lagu 
							soo doortay madaxweyne Cali Mahdi Max’ed, wuxuuna 
							noqday wasiirkii dib u heshiisiinta ee dowladdii 
							ra’iisul wasaare Cumar Carte Qaalib, wuxuuna si weyn 
							uga soo horjeeday dhawaqii ka soo yeeray 
							maamuleyaashii gobollada waqooyi ee jamhuuriyadda 
							Soomaaliya.
							
							
							16kii bishii May sanadkii 1993dii waxaa Max’ed Xaaji 
							Ibrahim Cigaal loo doortay in uu hoggaamiyo maamulka 
							Somaliland, wuxuuna ku guuleystay in uu hubka ka 
							dhigo maleeshiyadii qabaa’ilka ku dhaqan gobollada 
							waqooyi ee Soomaaliya, wallow uu dagaal uu dhiig 
							fara badani ku daatay la galay hoggaamiyihii kaga 
							horreeyay xilka C/raxmaan Axmed Cali “Tuur”, iyadoo 
							dagaalkii ka dhacay magaalada Burco 1996kii ay hal 
							maalin oo kaliya ku geeriyoodeen in ka badan 2.000 
							oo ruux oo isugu jira dhinacyadii dagaallamayay & 
							dad rayid ah. 
							
							Sidoo kale wuxuu ku guuleystay in lacag gaar ah u 
							sameeyo ama u soo daabaco maamulka Somaliland & 
							Passport aan caalamka wax aqoonsi ah ka helin intii 
							uu noolaa & calan ka duwan kii ay sameystay 
							Somaliland ka dib markii ay sheegeen in ay ka go’een 
							Soomaaliya inteeda kale.
							
							
							Max’ed 
							Xaaji Ibrahim Cigaal
							
							
							wuxuu ku geeriyooday magaalada Pretoria ee dalka 
							South Africa taariikhdu markii ay aheyd 03dii bishii 
							May sanadkii 2002da, wuxuuna ku guuldarreystay in uu 
							aqoonsi u helo maamulkii uu madaxda ahaa ee ku 
							dhawaaqay in ay Soomaaliya ka go’day 18kii bishii 
							May sanadkii, 1991kii.
							
							
							
							Cigaal waxaa lagu aasay magaalada Berbera ee gobolka 
							W/Galbeed ee Soomaaliya, waxaana la sheegay in ay 
							aaskiisu ka soo qeybgaleen dad tiradooda lagu 
							qiyaasay 3.000 oo ruux, waxaana xilkii uu ka 
							geeriyooday buuxiyay G/Sare Daahir Riyaalle Kaahin 
							oo ka mid ahaan jiray saraakiishii ciidamadii 
							nabadsugidda ee dowladdii madaxweyne Max'ed Siyaad 
							Barre, xilkaas oo uu hayo illaa maanta oo aan qorayo 
							qoraalkan, isla markaana uu khilaaf xooggani kala 
							dhaxeeyo ururrada kale ee siyaasadda ee ka jira 
							deegaannadaas.
Dhinaca kale geeridii Cigaal 
							ka dib, waxaa loogu magacdaray Airport-ka magaalada 
							Hargeysa oo loo bixiyay Egal International Airport 
							of Hargeysa.