XILDHIBAN Publications Xildhiban Publications

Home

Publications

About us

Gabayo & Guurow

Heesaha

Photo Gallery Contact us

Home

Publications

About us

Photo Gallery

Contact us

Wareysi VOA dood
ku saabsan qoraalka
Soomaaliga

Wareysi  ay laanta afka
Soomaaliga BBC la yeelatay C/casiis "Xildhiban"

Somali Radio

Barnaamijyada Idaacadda 04:00 GMT

Barnaamijyada Idaacadda 11:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 14:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 18:00 GMT
 

  4:00PM

  7:00PM

  8:00PM

Somali Links

Aminarts
Allpuntland
Allceeldheer
Dayniile
Dhagaxtuur
Hamarey
Hiiraan
Hornafrik

Markacadeey

Midnimo
Mareeg

Puntlandpost

Qaranimo

Shabelle

Somaliweyn

Somalitalk

Solamusic

Universal TV

Xamardaye

International News Agencies

Aljazeera

Arabnews

Reuters

Washington post

BBC

CNN

More Somali Books
Coming soon

 

Xildhiban Publications


Xildhiban Publications;- 15 March 2013. Buugga Maamulladii &
madaxdii soo martay SOOMAALIYA
oo maanta lagu soo bandhigay Xuska sanadguuradii 70aad ee aasaaskii ururkii Somali Youth League "SYL".


Waxaa maanta lagu qabtay deegaanka Espoo oo ka tirsan Helsinki ee dalka Finland xus & dabaaldeg aad weyn oo lagu xusayay sanadguuradii aasaaskii maalintii dhidibadda loo dhigay ururkii Somali Youth League ee dhaqdhaqaaqii dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL.

Munaasabaddan oo ay ka soo qeybgaleen dadweyne aad & aad u fara badan laguna qiyaasay in ku dhow 270 illaa 300 oo ruux oo ka kala yimid dhammaan magaalada Helsinki & magaalooyinka kale ee hoos yimaada.

Xuskan oo ugu horreyn lagu furay aayadaha quraanka kariimka ah waxaa hadallo soo dhaweyn ah ka jeediyay Xildhibaanka laga doorto deegaanka ESPOO C/raxmaan Max'ud Cali "JIIMI", ahna qabanqaabiyaha munaasabadaha noocan ah ee loo sameeyo dadkii taariikhda ka galay halgankii gobannimodoonka Soomaaliyeed.
 
Sidoo kale waxaa iyadna halkaasi ka hadashay agaasimaha dhaqanka & jaaliyadaha ee deegaanka ESPOO, Helena VARI oo ka hadashay muhiimadda uu leedahay xuska noocan oo kale ah, ummad waliba oo caalamka ku noolna ay leedahay munaasabado u gaar ah.
   
Dhinaca kale waxaa isna halkaasi hadallo qiimo leh ka soo jeediyay Dr. C/qaadir Cali Boolaay odey Soomaaliyeed kana mid ahaa dadka yare e goobjoogga u ahaa halgankii gobonnimodoonka Soomaaliyeed wuxuuna ku fogaaday taariikhdii dheereyd ee loo soo maray madaxbannaanida aan maanta harsaneyno ee dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya.
 
Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Dr. C/salaam Xaaji Max’ed oo isna ku guubaabiyay lagama maarmaannimada midnimada & wadajirka dadka Soomaaliyeed, wuxuuna dhallinyaradii halkaasi goobjoogga ka aheyd ugu baaqay in ay u soo jeestaan sidii ay dalkooda & dadkooda halganka ay ugu jiraan dib u dhiska uga qeyb qaadan lahaayeen.
 
Ugu dambeyntii waxaa isna halkaasi ka hadlay C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban" oo ah qoraa Soomaaliyeed horayna u qoray buugaag tiradoodu tahay 9 buug oo ka hadlaya Taariikhda, Dhaqanka & Suugaanta Soomaaliyeed, sanadkanna si gaar ah buuggiisii ugu dambeeyay ugu soo bandhigay taariikhda halgameyaashii gobannimodoonka Soomaaliyeed ee SYL & dhammaan halgankooda mirihii laga dhexlay ee madaxbannaanida dhulka jamhuuriyadda Soomaaliya.
 
C/casiis "Xildhiban" ayaa ka codsaday dhallinyaradii Soomaaliyeed ee sanadkan ka soo qeybgashay xuskaasi lagama maarmaannimada barashada taariikhda dadka Soomaaliyeed.
     
Ugu dambeyntii waxaa iyagana hadallo aad u qiimo badan halkaasi ka soo jeediyay Max’ed Sheikh Xassan Nuur oo ah madaxa shirkadda daabacaadda buugaagta Soomaaliyeed ee Scansom Publishers, Qoraaga Soomaaliyeed C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban" & Dr. C/salaam Xaaji Max’ed oo dadkii Soomaaliyeed ee ka qeybgalay kulannadaasi ku dhiirigaliyay ka qeybgalka howlaha lagu horrumarinayo dhammaan dadaallada is biirsaday ee ay hormuudka ka yihiin Qoreyaasha Soomaaliyeed.
                

Xildhiban Publications, Helsinki

 

 
WAXAY KUU DHIGEEN MA KUGU DHAQEEN

Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen

.

Taxanaha Taariikhda SOOMAALIYA

Taxanaha Taariikhda Soomaaliya

 

MAAHMAAHYO Murti & Madadaallo

Maahmaahyo Murti
& Madadaallo

.

More Books ....

_______________
 

Coming soon

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA


Coming soon

Dal aan dalkiisa Damqasho Laheyn

Dalaan dalkiisa Damqasho Laheyn

 

Home   |   Publications   |   About us   |   Photo Gallery   |   Contact us

_______________________________________________________

Copy Right xildhibanpublications.com ® All Reserved 2008