XILDHIBAN Publications Xildhiban Publications

Home

Publications

About us

Gabayo & Guurow

Heesaha

Photo Gallery Contact us

Home

Publications

About us

Photo Gallery

Contact us

Wareysi VOA dood
ku saabsan qoraalka
Soomaaliga

Wareysi  ay laanta afka
Soomaaliga BBC la yeelatay C/casiis "Xildhiban"

Somali Radio

Barnaamijyada Idaacadda 04:00 GMT

Barnaamijyada Idaacadda 11:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 14:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 18:00 GMT

  4:00PM

  7:00PM

  8:00PM

Somali Links

Aminarts
Allpuntland
Allceeldheer
Dayniile
Dhagaxtuur
Hamarey
Hiiraan
Hornafrik

Markacadeey

Midnimo
Mareeg

Puntlandpost

Qaranimo

Shabelle

Somaliweyn

Somalitalk

Solamusic

Xamardaye

Universal TV


International News Agencies

Aljazeera

Arabnews

Reuters

Washington post

BBC
CNN

Ra'iisul wasaareyaashii soo maray Soomaaliya
C/llaahi Ciise Max'ud
Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare
C/llaahi Ciise Max'ud
1 July 1956-14 July 1960
Taariikh nololeedkii
 ra'iisul wasaare
C/rashiid Cali Sharmaarke
 12 July 1960-14 July 1964
C/risaaq Xaaji Xussein Xassan

Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare
C/risaaq Xaaji Xussein Xassan
14 June 1964-15 July 1967

Max'ed Xaaji Ibrahim Cigaal
Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare
Max'ed Ibrahim Cigaal
15 July 1967-21 Okt. 1969
Max'ed Cali Samatar
Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare S/Guud
Max'ed Cali Samatar
1 Feb. 1987-3 Sep. 1990
Max'ed Xawaadle Madar
Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare
Max'ed Xawaadle Madar
23 Sep. 1990-24 Jan. 1990
Ra'iisul wasaareyaashii
Dagaallada Sokeeye

Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare
Cumar Carte Qaalib
12 July 1991-8 March 1993

Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare
Cali Khaliif Galeyr
8 Okt. 2000-28 Okt. 2002
Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare
Osman Jama Aali "Kalluun"
28 Okt. 2002-12 Nov. 2002

Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare
Xassan Abshir Faarax
12 Nov. 2002-8 Nov. 2004

Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare
Max'ed Cabdi Yuusuf
08 Dec. 2003-3 Nov. 2004
Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare
Cali Max'ed Geeddi
3 Nov.2004-29 Okt. 2007
Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare
Saalim Caliyow Ibrow
29 Okt. 2007-22 Nov 2007
Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare
Nuur Xassan Xussein
22 Nov. 07- 31 Jan. 09
Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare
Cumar C/rashiid Cali
13 February 2009 -
 

Last Update; Tuesday, 16 March 2010

Xildhiban Publications

Buugga

"Maamulladii & Madaxdii soo martay Soomaaliya"
Coming Soon

 

GOGOLDHIG

Waxay dad badani is weydiin karaan waxa ku kallifay qoraaga buuggan C/casiis “Xildhiban” in uu qoro buuggan uu ugu magacdaray Maamulladii & madaxdii soo martay Soomaaliya. "Leadership is the challenge to be something more then average". JimRohn.

Ummad kasta waxay leedahay taariikh & waayo taxane ah, taariikhdana waxaa sameeya  dadka, wallow fac kastaa uu ku qumo tubtii ay u sallaxeen jiilkii ka horreeyay. Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka faca & taariikhda weyn , gaar ahaan dalalka Geeska Africa.

Soomaaliya waxay gobannimadeedii hanatay sanadkii 1dii bishii July, sanadkii 1960kii, iyadoo dagaalkii ay Soomaalidu la galeen gumeysteyaashii wuxuu ahaa mid muddo dheer soo socday, taariikhduna ma illowdo dadkii ama xubnihii u soo halgamay, sidaas darteed ummadi ma hiigsato horrumarka nolosha haddii aanay hoggaamineyn hoggaamiyeyaal u hagar baxa.

Ummad kasta waxay leedahay taariikh u gaar ah oo lagu xusuusto halgammadii & marxaladihii ay u soo martay dhismaha nolosheeda & jiritaanka qarannimadeeda, taariikhdaas oo kalena waxaa horseeda geesiyaal ka soo dhexbaxa bulshada, kuwaas oo hormuud u noqda himilada shacbiga, isla markaana ay ka tilmaan qaataan.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka adduunka ee ku caan baxay halgankii ay u soo galeen hanashada gobannimimada dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaa xusid mudan in ay dadka Soomaaliyeed yihiin ummad aan oggoleyn addoonsiga & cadaadiskii lagala kulmay isticmaarka oo ay kaga soo horjeedday gunnimada & dhagartii gumeysiga. 

 Taariikh ahaan wixii ka horreeyay qarnigii 18aad intii uusan billaaban duullaankii dhulka Soomaalida lagu qeybsaday, Soomaalida waxay dhaqan iyo dhaqaalo ahaanba aad ugu xirnaayeen caalamka Islaamka, gaar ahaa dhulalka xeebaha ku teedsan ee Banaadir, Berbera & Boosaaso.

Qeybintii dhulka Soomaalida ka dib waxaa abuurmay nidaamyo ku cusub bulshada Soomaalida kana duwan xeerarkii & shuruucdii ay ku dhaqmi jireen ummadda Soomaaliyeed, waxaana aad u yaraaday xiriirkii ay  Soomaalida la lahaayeen dalalkii Islaamka, iyadoo meelo badan oo ka tirsan dhulalka Soomaalida ay ka bilowdeen dhaqdhaqaaqyo lagaga soo horjeedo maamulkii soo galootiga ahaa ee gumeystaha. Dhaqdhaqaaqyadii ugu caansanaa ee lagaga soo horjeeday waxay ahaayeen kii Axmed Ibraahim "Axmed Gurey" & kii Sayid Max’ed Cabdulle Xassan ee dhamaaday 1921kii, iyadoo halgamadaas ujeedadoodu aheyd sidii dib loogu celin lahaa dhulyowgii dadka Soomaaliyeed ee gumeystuhu qeybsaday.

Horraantii sanadkii 1940kii waxaa qeybo badan oo dhulka Soomaalida ee gacanta u galay gumeysigii dalka qabsaday ka bilowday dhaqdhaqaaqyo tiro dhaafay, iyadoo ururradii SYL & SNL ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyadii caanka noqday ee lagaga soo horjeeday.

Ka dib markii ay madaxbannaanida gaareen gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ee Somaliland 26kii bishii Juun sanadkii 1960kii & Gobollada Koofureed ee Soomaaliya , Italian Somaliland 1dii Luulyo isla sanadkaas 1960kii ay midoobeen labadaasi gobol isla waqtigaas, iyadoo midnimadaasi ka dib la isku raacay in  labadaasi gobol ee midoobay in ay qaataan magaca "JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA" ama "Republic of Somalia".

Haddaba waxaan jeclaan lahaa in aan qoraalkeyga dadka Soomaaliyeed ugu bandhigo ujeeddada buuggan loo qoray ay tahay wacyigelin & barashada hoggaamiyeyaashii Soomaalida kana soo horjeeda doodaha ka dhex taagan qabaa’ilka Soomaalida, ujeeddada ugu weynse ay tahay in aan dadka Soomaaliyeed u soo bandhigo xaqiiqada wixii aan kari karayay in aan ka sameeyo taariikh nololeedyadii hoggaamiyeyaashii, madaxdii, garyaqaannadii, culuma’udiinkii taariikhda galay ee ay yeesheen dalka & dadka Soomaaliyeed, intii aan awoodi karayay in aan helo.

Shaki kuma jiro in dhinacyo badan laga eegi karo sida;- ammaan loo tiriyo & eedo loo jeediyo, iyadoo laga eegayo muddadii ay mas’uuliyinta ahaayeen ama hayeen xilalkii ay ka maamulladii soo maray dalka ay dagaalladu aafeeyeen ee jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaa muhiim ah iyadoo la tixgelinayo burburka baahay ee ku dhacay Soomaaliya in ay adag tahay in la helo wax kasta oo ka mid ah taariikhda dheer ee ummadda Soomaaliyeed ee la saanqaadeysa waayaha & waqtiga caalamka intiisa kale uu marayo, sidaas darteed waxaa muhiim ah in iyadoo la ilaalinayo xaqqa ama xuquuqda mujtaca Soomaalida & qoraallo gala ama loo keydiyo ummadda Soomaaliyeed.

Ma ahan wax ku cusub dhaqanka maamullada & madaxda soo marta dalalka Africa in nidaamba nidaamkii ka horreeyay uu eedo u tiriyo, haddii ay wax ka qaldamaan inta uu maamulkaa madax ama uu hoggaamiye madax ka ahaa xittaa haddii kartidarradu & waxqabad la’aantu ka imaaneyso dhiniciisa. Ka sokow taariikh nololeedyadii hoggaamiyeyaasha Soomaalida wuxuu buuggani wuxuu soo bandhigayaa muuqalladii & kulamadii ay madaxdaasi la yeeshaan hoggaamiyeyaal ka tirsan beesha caalamka muddo ku dhow 60-kii - 70kii sanadood ee ugu dambeeyay.

Buuggani kama tarjumayo rabitaanka madax, hoggaamiyeyaal ama shaqsiyaad ammaan ama xume loo tirinayo ee wuxuu ka turjumayaa xaqiiqada jirta, sidaas darteed waxaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay aqriyaan buuggan si ay wax uga bartaan taariikhda  & xaqaa’iqa jira ee maamulladii & madaxdii soo martay dalka Soomaaliya, waayihii kheyrka & shartaba lahaa ee la soo maray.

Gebagebadii waxaan shaki ku jirin in buuggani daah fur u noqonayno keydka xagga aqoonta baahsan ee bulshada Soomaalida & cid kasta oo daneyneysa in ay wax uga ogaato qoraalladii laga sameeyay madaxdii & hoggaamiyeyaashii soo maray ummadda Soomaaliyeed. Waxaan qoraalkeygan ku soo gebagabeynayaa tix maanso ah oo uu tiriyay Allaha u naxariitee Abwaan C/qaadir Xersi "Yamyam" oo aheyd;- "Ninkii timir abuuriyo, ninkii tiin tallaalaba, taariikhdu waa warin". Taariikhda ummadda Soomaaliyeedna kama salguuri doonto maskaxdooda inta qof Soomaali ahi uu nool yahay.

"Tribalism provides no shelter; It only causes destruction".

"Dugsi ma leh qabyaaladi, waxay dumiso mooyaane".  

C/llaahi Suldaan Timacadde.

Qoraha Buugga

C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"

 
 
 

 


 
WAXAY KUU DHIGEEN MA KUGU DHAQEEN

Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen

Taxanaha Taariikhda SOOMAALIYA

Taxanaha Taariikhda Soomaaliya

MAAHMAAHYO Murti & Madadaallo

Maahmaahyo Murti
& Madadaallo

Sooyaalkii suugaanta

Sooyaalkii suugaanta
Cabdulle Raage
Read more..

Xulka maansooyinka

Xulka maansooyinka
Read more.....

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Published 2010

Dalaan dalkiisa Damqasho Laheyn

Coming soon

Maamulladii & madaxdii soo
martay Soomaaliya

Xildhiban Publications
Presents

Xildhiban Publications
Presents

Abwaano & Fanaan ka hadlaya taariikh nololeedkii Cabdulle Raage Taraawiil

Kulankii Qoreyaasha Soomaaliyeed ee dalka Sweden

Madaxweyneyaashii
Soomaaliya

Taariikh nololeedkii Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan 1 1 July 1960-1967


Taariikh nololeedkii Madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke
10 July 1967-1969


Taariikh nololeedkii
Madaxweynihii KMG
Sh. Muqtaar Max'ed Xussein
16-21 Okt. 1969

Taariikh nololeedkii Madaxweyne S/Gaas Max'ed Siyaad Barre 21 Okt. 969-1990

Madaxweyneyaashii
Dagaallada Sokeeye

Taariikh nololeedkii Madaxweyne
Cali Mahdi Max'ed
28 Jan. 1991-1993

Taariikh nololeedkii Madaxweyne C/qaasim Salaad Xassan
27 Aug. 2000-2004

Taariikh nololeedkii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed
10 Okt. 2004-2008


Taariikh nololeedkii
Madaxweynaha KMG 
Sh. Aadan M. Nuur
29/12/08-31/01/09


Taariikh nololeedkii
Madaxweyne 
Sh. Shariif Sh. Axmed
31/01/09

Calanka
Jamhuuriyadda
Soomaaliya

 

 

Home   |   Publications   |   About us   |   Photo Gallery   |   Contact us

_______________________________________________________

Copy Right xildhibanpublications.com ® All Reserved 2008