XILDHIBAN Publications Xildhiban Publications

Home

Publications

About us

Gabayo & Guurow

Heesaha

Photo Gallery Contact us

Home

Publications

About us

Photo Gallery

Contact us

Wareysi VOA dood
ku saabsan qoraalka
Soomaaliga

Wareysi  ay laanta afka
Soomaaliga BBC la yeelatay C/casiis "Xildhiban"

Somali Radio

Barnaamijyada Idaacadda 04:00 GMT

Barnaamijyada Idaacadda 11:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 14:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 18:00 GMT

  4:00PM

  7:00PM

  8:00PM

Somali Links

Aminarts
Allpuntland
Allceeldheer
Dayniile
Dhagaxtuur
Hamarey
Hiiraan
Hornafrik

Markacadeey

Midnimo
Mareeg

Puntlandpost

Qaranimo

Shabelle

Somaliweyn

Somalitalk

Solamusic

Universal TV

Xamardaye

International News Agencies

Aljazeera

Arabnews

Reuters

Washington post

BBC

CNN

More Somali Books
Coming soon

C/llaahi Ciise Max'ud

Taariikh nololeedkii
 ra'iisul wasaare
 C/llaahi Ciise Max'ud
 1 July 1956-14 July 1960

Taariikh nololeedkii
  ra'iisul wasaare
 C/rashiid Cali Sharmaarke
  12 July 1960-14 July 1964

C/risaaq Xaaji Xussein Xassan

Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare
C/risaaq Xaaji Xussein Xassan
14 June 1964-15 July 1967

Max'ed Xaaji Ibrahim Cigaal
Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare
Max'ed Ibrahim Cigaal
15 July 1967-21 Okt. 1969
Max'ed Cali Samatar
Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare S/Guud
Max'ed Cali Samatar
1 Feb. 1987-3 Sep. 1990
Max'ed Xawaadle Madar
Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare
Max'ed Xawaadle Madar
23 Sep. 1990-24 Jan. 1990

Ra'iisul wasaareyaashii
Dagaallada Sokeeye

Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare
Cumar Carte Qaalib
12 July 1991-8 March 1993

Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare
Cali Khaliif Galeyr
8 Okt. 2000-28 Okt. 2002
Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare
Osman Jama Aali "Kalluun"
28 Okt. 2002-12 Nov. 2002

Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare
Xassan Abshir Faarax
12 Nov. 2002-8 Nov. 2004

Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare
Max'ed Cabdi Yuusuf
08 Dec. 2003-3 Nov. 2004
Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare
Cali Max'ed Geeddi
3 Nov.2004-29 Okt. 2007
Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare
Saalim Caliyow Ibrow
29 Okt. 2007-22 Nov 2007
Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare
Nuur Xassan Xussein
22 Nov. 07- 31 Jan. 09
Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare
Cumar C/rashiid Cali
13 February 09 -21 09-10
Taariikh nololeedkii
Ra'iisul wasaare C/waaxid Cilmi Cumar "Goonjeex"
21/ 09/10 - 14/10/10
Taariikh nololeedkii
Ra'iisul wasaare Max'ed C/llaahi Max'ed "Farmaajo"
14 Ok. 2010 - 19 June, 2011
Taariikh nololeedkii ra'iisul wasaare C/weli M Cali "Gaas".
23/06/2010 -17/10/12
Taariikh nololeedkii Ra'iisul wasaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon "Saacid" 06/10/2012 - 02/12/2013
Taariikh nololeedkii ra'iisul wasasre C/weli Sh. Max'ed
12/12/2013 -

 

More Somali Books
Coming soon

Date:  

Ra'iisul wasaare C/risaaq Xaaji Xussein Xassan
 

Taariikh nololeedkii ra'iisul wasaare
C/risaaq Xaaji Xussein Xassan

 
Ra'iisul wasaare C/risaaq Xaaji Xussein Xassan

C/risaaq Xaaji Xussein Xassan wuxuu ku dhashay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ee dalka Soomaaliya, sanadku markuu ahaa 1924tii. Wuxuu Quraanka bartay aabbihii Xaaji Xussein Catoos oo ahaa nin aqoon dheer u lahaa diinta Islaamka.

Intii uu jiray xukunkii British Military Koofurta dalka Soomaaliya, wuxuu ka mid noqday ciidamadii loo qoray Gumeysiga intii u dhaxeysay 1942dii illaa 1947dii.

Ka dib markii ay koofurta dalka Soomaaliya ka bilowdeen dhaqdhaqaaqyadii gobannimodoonka Soomaaliyeed horraantii sanadkii 1943dii.

C/risaaq Xaaji Xussein wuxuu xubin firfircoon ka dhaqdhaqaaqii xornimadoonka Soomaaliyeed ee Somali Youth League ee “SYL”, wuxuuna ka mid ahaa saraakiishii ay maamulkii maxmiyadda ee Qaramada Midoobay ee la oran jiray United Nations Trusteeship of Italy sida weyn ula shaqeyn jiray.

Sanadkii 1950kii xilligaas oo ay koofurta dalka Soomaaliya ka talinayeen Gumeysigii Talyaaniga waxaa loo taxaabay Xabsiga muddo 6 bilood ah sababo xagga siyaasadda ah.

Sanadkii 1944 wuxuu ka mid noqday ururkii Somali Youth Club "SYC", waxaana loo doortay in uu noqdo Guddoomiyihii Somali Youth League "SYL" muddadii u dhaxeysay 1955 - 1956dii, sanadkii 1959kii waxaa loo doortay in uu ka mid noqoto xubin ka tirsan Golihii baarlamaanka Soomaaliya ee loo yaqaanay Somali Legislative Assembly, xilligaasna wuxuu ahaa guddoomiyihii waxbarashada sare ee sharciga & dhaqaalaha.
      
Markii la qaatay gobonnimadii Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa loo magacaabay in uu noqdo wasiirkii arrimaha gudaha dowladdii ra'iisul wasaare C/rashiid Cali Sharmaarke muddadii u dhaxeysay 1960dii - 1962dii, ka dibna waxaa loo magacaabay wasiirkii shaqada & warfaafinta, xilkaas oo uu hayay illaa 14kii bishii June sanadkii 1964tii.
       
Sanadkii 1964tii isla bishii June ayaa loo magacaabay in uu noqdo ra'iisul wasaarihii 2aad ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya, xilkaas oo uu hayay illaa laga soo gaaro 15kii bishii July, sanadkii 1967dii.
  

Ra'iisul wasaare C/risaaq Xaaji Xussein

                                                   Ra'iisul wasaare C/risaaq Xaaji Xussein

Ka dib afgembigii aan dhiigga ku daadan ee ay ciidamada kula wareegeen awoodda dalka Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xussein wuxuu ka mid ahaa xubnihii loo taxaabay xabsiga wuxuuna ku jiray muddadii u dhaxeysay 1969kii - 1973dtii, muddo ka dibse laga sii daayay.

C/risaaq Xaaji Xussein wuxuu ka mid ahaa xubnihii mucaaradka ku ahaa dowladii madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke & ra'iisul wasaare Max'ed Xaaji Ibrahim Cigaal, xilligaas oo ku beegnaa intii u dhaxeysay 1967dii ilaa 1969kii oo lagu dilay madaxweynihii jamhuuriyadda Soomaaliya, Allaha u naxariistee C/rashiid Cali Sharmaarke.

Dowladdii madaxweyne Max’ed Siyaad Barre ayaa sanadkii 1974tii waxay u magacowday in uu noqdo
danjirihii dalka Soomaaliya u fadhin jiray Golaha Guud ee Qaramada Midoobay dabayaaqadii sanadihii 1976dii illaa 1978dii, wuxuuna wax ka saxiixay heshiisyo Caalami ah oo ay Soomaaliya wax ka gashay, wixii intaas ka dambeeyayna wax mas’uuliyad ah kama qaban gudaha dalka Soomaaliya.

Markii la riday dowladdii dhexe ee dalka Soomaaliya MD. C/risaaq Xaaji Xussein wuxuu ka mid ahaa odayaashii Soomaaliyeed ee dadaalka u galay dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed isla markaana wax ka saxiixay shirarkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay magaalada Djibouti ee dalka jamhuuriyadda Djibouti.

C/risaaq Xaaji Xussein wuxuu ka mid ahaa xubnihii isu soo sharaxay in ay hoggaamiyaan dhismihii maamul gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland ee la dhisay bishii August sanadkii 1998dii, wuxuuna siyaasadda isaga fariistay ka dib markii uu kaga guuleystay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf Axmed.

Dhismihii dowladdii madaxweyne C/qaasim Salaad Xassan ee lagu soo dhisay magaalada Carte ee dalka Jibouti bishii August sanadkii 2000 waxaa loo magacaabay in uu xubin ka noqdo guddi ka koobnaa 25 xubnood, guddigaas oo la oran jiray National Commission for Reconciliation & Property Settlement of Somalia, taariikhdu markii ay aheyd 6dii bishii May, sanadkii 2001da, arrintaas oo ay si weyn uga soo horjeestay maamulkii Puntland ee Col. C/llaahi Yuusuf, wuxuuna C/risaaq Xaaji Xussein xilkaasi si buuxda isaga casilay 25kii bishii July, sanadkii 2001.

Ra’iisul wasaare C/risaaq Xaaji Xussein wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiintii Soomaalida ee sida weyn uga biyo diiday soo gelitaankii ciidamada dalka Ethiopia ee gudaha dalka Soomaaliya dabayaaqadii 29kii bishii December, sanadkii 2006da, wuxuuna ka qeybgalay bannaanbaxyo looga soo horjeedo oo ka dhacay dalka Mareykanka.

       Madaxweyne Aadan Cadde & Nagruma & ra'iisul wasaare

Madaxweyne Aaden Cadde & ra'iisul wasaare C/risaaq Xaaji Xussein & madaxweynaha dalka Ghana, President Nakruma

Ra’iisul wasaare C/risaaq Xaaji Xussein wuxuu ku geeriyooday magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka taariikhdu markii ay aheyd 31dii bishii Jannaayo, sanadkii 2014kii, waxaan lagu aasay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, taariikhdu markii ay aheyd 07dii bishii Febraayo, sanadka 2014ka.
 
Aaskiisa waaxaa ka soo qeybgalay madaxda Soomaaliya, marka laga reebo madaxda gobollada Waqooyi ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
 
Markii uu geeriyoonayay ra'iisul wasaare C/risaaq Xaaji Xussein waxay da'diisu aheyd 90 sano jir.
 
 

  
Eebbe ha u naxariisto.

Qeyb kale oo laga qoray halkan ka AKHRISO. .................................

Isha Qoraalkan
C/casiis cali Ibrahim "Xildhiban"
xildhiban@hotmail.com

Ogeysiis: Qoraaladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto wargeys, hadii aad u baahato fadlan la xiriir bahda wargeyska Xamar iyo Xamardaye uu cinwaankeedu yahay www.xildhibanpublications.com ama qoraha caanka ah ee C/casiis Cali Ibraahim (Xildhiban)

Xildhibanpublications. London


 

Home   |   Publications   |   About us   |   Photo Gallery   |   Contact us

WAXAY KUU DHIGEEN MA KUGU DHAQEEN

Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen

.

Taxanaha Taariikhda SOOMAALIYA

Taxanaha Taariikhda Soomaaliya

 

MAAHMAAHYO Murti & Madadaallo

Maahmaahyo Murti
& Madadaallo

.

More Books ....

Sooyaalkii suugaanta

Sooyaalkii suugaanta

Xulka maansooyinka

Xulka
maansooyinka

Published 2010

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA


Maamulladii
& madaxdii soo
martay Soomaaliya

Published 2013

Dalaan dalkiisa Damqasho Laheyn

Sheeko ama Shaahid
Coming soon

Madaxweyneyaashii
Soomaaliya

Taariikh nololeedkii Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan 1 1 July 1960-1967


Taariikh nololeedkii Madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke
10 July 1967-1969


Taariikh nololeedkii
Madaxweynihii KMG
Sh. Muqtaar Max'ed Xussein
16-21 Okt. 1969

Taariikh nololeedkii Madaxweyne S/Gaas Max'ed Siyaad Barre 21 Okt. 969-1990

Madaxweyneyaashii
Dagaallada Sokeeye

Taariikh nololeedkii Madaxweyne
Cali Mahdi Max'ed
28 Jan. 1991-1993

Taariikh nololeedkii Madaxweyne C/qaasim Salaad Xassan
27 Aug. 2000-2004

Taariikh nololeedkii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed
10 Okt. 2004-2008


Taariikh nololeedkii
Madaxweynaha KMG 
Sh. Aadan M. Nuur
29/12/08-31/01/09

Taariikh nololeedkii
Madaxweyne 
Sh. Shariif Sh. Axmed
31/01/09 - 16/09/12

Taariikh nololeedkii madaxweyna Dr. Xassan Sh. Max'ud 10 Sep. 2012

Calanka
Jamhuuriyadda
Soomaaliya

Astaanta Qaranka
Soomaaliya 

Taariikhdu
waa ma guurto

Taariikh nololeedkii S/Gaas Daa'uud Cabdulle Xersi
1924-1965

Gen. Max'ed Abshir Muusse
"Haamaan"

Taariikh nololeedkii Prof. Ismaaciil Jimcaale Cosoble

Taariikh noloeedkii Dr. Xussein Xaaji Max'ed "Bood"
 1933-2008

Taariikh noloeedkii Faarax Wehliye Caddow "Sindico"

Dr. Xussein Sh. Axmed "Kaddare" Dhaqan & Suugaanyahan Soomaaliyeed. Muqdisho, Soomaaliya

 

 

 

_______________________________________________________

Copy Right xildhibanpublications.com ® All Reserved 2008