XILDHIBAN Publications Xildhiban Publications

Home

Publications

About us

Gabayo & Guurow

Heesaha

Photo Gallery Contact us

Home

Publications

About us

Photo Gallery

Contact us

Wareysi VOA dood
ku saabsan qoraalka
Soomaaliga

Wareysi  ay laanta afka
Soomaaliga BBC la yeelatay C/casiis "Xildhiban"

Somali Radio

Barnaamijyada Idaacadda 04:00 GMT

Barnaamijyada Idaacadda 11:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 14:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 18:00 GMT
 

  4:00PM

  7:00PM

  8:00PM

Somali Links

Aminarts
Allpuntland
Allceeldheer
Dayniile
Dhagaxtuur
Hamarey
Hiiraan
Hornafrik

Markacadeey

Midnimo
Mareeg

Puntlandpost

Qaranimo

Shabelle

Somaliweyn

Somalitalk

Solamusic

Universal TV

Xamardaye

International News Agencies

Aljazeera

Arabnews

Reuters

Washington post

BBC

CNN

More Somali Books
Coming soon

Date:  

Ra'iisul wasaare C/llaahi Ciise Max'ud


Taariikh nololeedkii
Ra'iisul wasaare C/llaahi Ciise Max'ud

Last update:  Axad - 23 Sep 2007

                                   

Ra'iisul wasaare Cllaahi C/llaahi Ciise Max'ud ku dhashay magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose sanadku markuu ahaa 1922kii. Horraantii dagaalkii 2aad ee adduunka intii uu socday wuxuu ahaa ahaa arday wax ka barta dugsiyada magaalada Muqdisho.
1943dii markii la dhisay ururkii la oran jiray Somali Youth League ayuu xubin firfircoon ka noqday, taas oo markii dambe keentay in loo magacaabo Xoghayihii Guud ee ururkaasi.

C/llaahi Ciise Max'ud wuxuu safarro ku kala bixiyay magaalooyinka Paris & New York isaga oo hoggaaminaya wefdi ka socda ururkii Somali Youth League si uu bulshada caalamka ula socodsiiyo rabitaanka dadka Soomaaliyeed ee ah in ay helaan xorriyad & madaxbannaani ay helaan.

Sanadkii 1956dii waxaa loo doortay guddigii doorashooyinkii hoose ee ka dhacay koofurta dalka Soomaaliya, taas oo u horseedday in uu noqdo ra'iisul wasaarihii ugu horreeyay xukuumad ama maamul hoose oo ay Soomaalidu yeeshaan, xilligaas oo ay dalka Soomaaliya ku jirtay maamulkii maxmiyadda ee United Nations Trusteeship of Italy.

Sidoo kale doorashooyinkii dalka ka dhacay koofurta dalka Soomaaliya sanadku markuu ahaa 1959kii waxaa mar kale dib loogu doortay in uu noqdo ra'iisul wasaarihii xukuumaddii madaxbannaani gaarsiinta Soomaaliya, iyadoo xilliyada qaarkoodna isku hayay xilalka ra'iisul wasaarenimo, wasiirka arrimaha dibedda, arrimaha gudaha & garsoorka & arrimaha diinta.
 
     

Markii xornimada la qaatay bishii July sanadkii 1960kii waxaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibedda ee dowladdii madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan "Aadan Cadde", taas oo ay awooddisu gaarsiisay in uu qaddiyadda Soomaalida uga hadlo dhammaan kulamadii lagu qabtay United Nations General Assembly & magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Doorashooyinkii dalka Soomaaliya ka dhacay sanadkii 1964tii waxaa loogu doortay in uu ka mid noqdo xubnihii Golihii baarlamaanka ee dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya & ku xigeenkii xafiiskii ururrkii dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL ee magaalada Baledweyne xarunta gobolka Hiiraan.

Allaha u naxariistee C/llaahi Ciise Max'ud waxaa uu ku geeriyooday magaalada Rome ee dalka talyaaniga sanadkii 1988 isaga oo ay da'diisu tahay 66, waxaana lagu aasay qabuuraha Qaranka ee magaalada Muqdisho.

Xilliga uu geeriyooday Allaha u naxariistee C/llaahi Ciise Max'ud, wuxuu madaxweynihii hore ee dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya S/Gaas Max'ed Siyaad Barre booqasho ku marayay gobollada Waqooyi ee jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuuna markii la maqlay geeridiisa oo gebagabeeyay booqashadaasi, waxaana aaskiisa ka qeybgalay kumanaan ka tirsan qeybaha bulshada Soomaalida


Isha Qoraalkan
C/casiis cali Ibrahim "Xildhiban"
xildhiban@hotmail.com

 

Ogeysiis: Qoraaladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto wargeys, hadii aad u baahato fadlan la xiriir bahda wargeyska Xamar iyo Xamardaye uu cinwaankeedu yahay www.xildhibanpublications.com ama qoraha caanka ah ee C/casiis Cali Ibraahim (Xildhiban)

 

 
Xildhibanpublications. London

 

 

 
WAXAY KUU DHIGEEN MA KUGU DHAQEEN

Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen

.

Taxanaha Taariikhda SOOMAALIYA

Taxanaha Taariikhda Soomaaliya

 

MAAHMAAHYO Murti & Madadaallo

Maahmaahyo Murti
& Madadaallo

.

More Books ....

Coming soon

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA


Coming soon

Dal aan dalkiisa Damqasho Laheyn

Dalaan dalkiisa Damqasho Laheyn

Home   |   Publications   |   About us   |   Photo Gallery   |   Contact us

_______________________________________________________

Copy Right xildhibanpublications.com ® All Reserved 2008