XILDHIBAN Publications Xildhiban Publications

Home

Publications

About us

Gabayo & Guurow

Heesaha

Photo Gallery Contact us

Home

Publications

About us

Photo Gallery

Contact us

Wareysi VOA dood
ku saabsan qoraalka
Soomaaliga

Wareysi  ay laanta afka
Soomaaliga BBC la yeelatay C/casiis "Xildhiban"

Somali Radio

Barnaamijyada Idaacadda 04:00 GMT

Barnaamijyada Idaacadda 11:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 14:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 18:00 GMT
 

  4:00PM

  7:00PM

  8:00PM

Somali Links

Aminarts
Allpuntland
Allceeldheer
Dayniile
Dhagaxtuur
Hamarey
Hiiraan
Hornafrik

Markacadeey

Midnimo
Mareeg

Puntlandpost

Qaranimo

Shabelle

Somaliweyn

Somalitalk

Solamusic

Universal TV

Xamardaye

International News Agencies

Aljazeera

Arabnews

Reuters

Washington post

BBC

CNN

More Somali Books
Coming soon

Date:  

C/rashiid Cali Sharmaarke


Taariikh nololeedkii madaxweyne
C/rashiid Cali Sharmaarke

Last update:  Axad - 23 Sep 2007

Allaha U naxariistee Madaxweynihii Jamhuuriyadda Soomaaliya MD. C/rashiid Cali Sharmaarke wuxuu ku dhashay degmada Xaradheere ee gobolka Mudug sanadkii 1919.

Wuxuu dugsiga Quraanka iyo waxbarashadiisii dhameeyay sanadkii 1936dii, wuxuu bilaabay in uu noqdo ganacsade ka dibna shaqaale ka shaqeeya howlaha Civil servant maamulkii talyaaniga ee maxmiyadda, wuxuu noloshiisa ku qaatay wixii intaas ka dambeeyay magaalada Muqdisho.

Wuxuu ka mid noqday ururkii Somali Youth League waxyar ka dib markii la aasaasay sanadkii 1943dii, wuxuuna ku biirey maamulkii ingiriiska ee Soomaaliya British Administartion Civil Service.

Wuxuu waxbarashadiisii dugsiga sare dhameystay 1953dii, isagoo weli ka shaqeynaya Civil service, wuxuuna helay Course Schoolership ah dalka Talyaaniga gaar ahaan Jaamacadda University of Rome “La Sapienza”, halkaas oo uu ka qalin jibiyay sanadku markuu ahaa 1958dii, wuxuuna sanad ka dib ku soo laabtay dalka Soomaaliya, ka dibna waxaa loo doortay in uu noqdo xubinka tirsan Golihii lagu magacaabi jirey Somali Legislative Assembly.

Markii ay Soomaaliya noqotay dal madaxbannaan bishii 1, July 19960kii, wuxuu noqday Ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee ay yeelato dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Wuxuu markiiba bilaabay in uu dadaal u galo sidii uu guulo uga soo hoyn lahaa dhinaca arrimaha dibedda, wuxuuna dalka Ra’iisul wsaare ka ahaa illaa 1964tii.

Ka dib doorashooyin dalka ka dhacay wuxuu mar kale noqday xubin ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Sanadkii 1967dii doorashooyin la qabtay laguna dooranayay madaxweyne cidda ka noqoneysa dalka ayaa loo doortay in uu dalka Madaxweyne ka noqdo, ka dib markii doorashooyinkii dhacay uu kaga guuleystay madaxweynihii xilka kaga horreeyay ee Soomaaliya MD. Aadan Cabdulle Cusmaan “Aadan cadde”, wuxuuna xafiiska kala wareegay isla sanadkaas oo ku beegan 10kii June 1967dii.

Labo sano ka dib markii uu dalka Madaxweyne ka noqday ayaa askari ka tirsan ciidamadii ilaalada ka hayay uu toogasho ku dilay 15kii bishii Oktoobar 1969kii, isagoo booqanaya magaalada Laascaanood oo ka tirsaneyd gobolkii Togdheer haddana ka tirsan gobolka Sool ee dalka Soomaaliya halkaas oo ay abaaro ka dhaceen.

Lix maalmood ka dib markii dilku dhacay ayay ciidamadii dalka talada xoog kula wareegeen iyadii weli lagu jiro baroordiiqda madaxweynahaasi la dilay. Waxaana 21kii Oktoobar 1969kii dalka Madaxweyne ka noqday Allaha u naxariistee Sarreeye gaas Max’ed Siyaad Barre oo ahaa Taliyihii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

   C/rashiid Cali Sharmaarke
               Ra'iisul wasaare C/rashiid Cali Sharmaarke & madaxweyne John F. Kannedy


Isha Qoraalkan:
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
xildhiban@hotmail.com
 

Ogeysiis: Qoraaladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto wargeys, hadii aad u baahato fadlan la xiriir bahda wargeyska Xamar iyo Xamardaye uu cinwaankeedu yahay www.xamardaye.com ama qoraha caanka ah ee C/casiis Cali Ibraahim (Xildhiban)

 

 

Xildhibanpublications. London

 

 

 
WAXAY KUU DHIGEEN MA KUGU DHAQEEN

Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen

.

Taxanaha Taariikhda SOOMAALIYA

Taxanaha Taariikhda Soomaaliya

 

MAAHMAAHYO Murti & Madadaallo

Maahmaahyo Murti
& Madadaallo

.

More Books ....

Coming soon

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA


Coming soon

Dal aan dalkiisa Damqasho Laheyn

Dalaan dalkiisa Damqasho Laheyn

Home   |   Publications   |   About us   |   Photo Gallery   |   Contact us

_______________________________________________________

Copy Right xildhibanpublications.com ® All Reserved 2008