XILDHIBAN Publications Xildhiban Publications

Home

Publications

About us

Gabayo & Guurow

Heesaha

Photo Gallery Contact us

Home

Publications

About us

Photo Gallery

Contact us

Wareysi VOA dood
ku saabsan qoraalka
Soomaaliga

Wareysi  ay laanta afka
Soomaaliga BBC la yeelatay C/casiis "Xildhiban"

Somali Radio

Barnaamijyada Idaacadda 04:00 GMT

Barnaamijyada Idaacadda 11:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 14:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 18:00 GMT
 

  4:00PM

  7:00PM

  8:00PM

Somali Links

Aminarts
Allpuntland
Allceeldheer
Dayniile
Dhagaxtuur
Hamarey
Hiiraan
Hornafrik

Markacadeey

Midnimo
Mareeg

Puntlandpost

Qaranimo

Shabelle

Somaliweyn

Somalitalk

Solamusic

Xamardaye

Universal TV


International News Agencies

Aljazeera

Arabnews

Reuters

Washington post

BBC
CNN

Ra'iisul wasaareyaashii soo maray Soomaaliya
C/llaahi Ciise Max'ud
Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare
C/llaahi Ciise Max'ud
1 July 1956-14 July 1960
Taariikh nololeedkii
 ra'iisul wasaare
C/rashiid Cali Sharmaarke
 12 July 1960-14 July 1964
C/risaaq Xaaji Xussein Xassan

Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare
C/risaaq Xaaji Xussein Xassan
14 June 1964-15 July 1967

Max'ed Xaaji Ibrahim Cigaal
Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare
Max'ed Ibrahim Cigaal
15 July 1967-21 Okt. 1969
Max'ed Cali Samatar
Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare S/Guud
Max'ed Cali Samatar
1 Feb. 1987-3 Sep. 1990
Max'ed Xawaadle Madar
Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare
Max'ed Xawaadle Madar
23 Sep. 1990-24 Jan. 1990

 

Taariikh nololeedkii Ra'iisul wasaare Max'ed C/llaahi "Farmaajo"


Taariikh nololeedkii Ra'iisul wasaare
Max'ed C/llaahi Max'ed "Farmaajo"


Last update:  Khamiis- 14 October 2010


Xildhiban Publications;-

Ra’iisul wasaare Max’ed C/llaahi Max’ed “Farmaajo” wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1962dii wuxuuna dugsigii hoose & dhexe ka dhigtay dugsigii loo yaqaanay 1da Luulyo ama Foorta Sheikh & Max’ud Xarbi ee magaalada Muqdisho, halka dugsigii sarena ka baxay dugsigii Farsamada Gacanta ee Lafoole.

C/llaahi Max’ed “Farmaajo” wuxuu shaqadii ugu horreysay ka bilaabay wasaaraddii arrimaha dibedda ee jamhuuriyadda dimoqraadiga Soomaaliya dabayaaqadii sanadkii 1982dii, halkaas oo uu ka hayay shaqada “Archivio Centrale”, muddo gaaban ka dibna wuxuu u soo wareegay xafiiska maamulk lacagta halkaas oo uu ka noqday Auditor.

Sanadkii 1985tii waxaa loo soo bedallay safaaradda Soomalaida ee magaalada Washington D.C ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu ka noqday madaxa maamulka lacagta ee safaaradda Soomaalida, wallow sanadkii 1988dii looga yeeray wasaradda arrimaha dibedda ee magaalada Muqdisho, ka dibna uu magangelyo siyaasadeed weydiistay dalka Mareykanka.

C/llaahi Max’ed “Farmaajo” wuxuu waxbarashadiisii dhinaca jaamacadda ku dhammeystay jaamacadda State University of New York at Buffulo wuxuuna ka qaatay shahaadada Master Degree, waxbarashadiisii ka dibna wuxuu mas’uuliyado kala duwan ka qabtay maamulka dowladaha hoose ee magaalada Buffalo, gaar ahaan Erie County ee Buffalo sidoo kalena wuxuu madax ka noqday xafiiska guryeynta ee magaalada Buffalo ee daryeelka shaqaalaha, waxaana markii dembe loo magacaabay “Buffalo Renewal Agency”.

Sanadkii 2000 waxaa loo magacaabay madaxa xafiiska isku xirka ganacsatada dadka laga tirada badan yahay “Erie county Minority Business Enterprise Co-ordinator” ee magaalada New York ee dalka Mareykanka, sidoo kalena waxaa sanadkii 2002da loo magacaabay in uu noqdo madaxa xuquuqul insaanka ee wasaaradda gaadiidka ee gobolka New York.

Ugu dambeyntii Max’ed C/llaahi Max’ed “Farmaajo” waa Professor wax ka dhiga jaamacadda State University of New York at Erie Community, halkaas oo uu ka dhigo maadooyinka Leadership Skills, Project Management, Art of thinking and Negotiation and Conflict Resolution.

Max’ed C/llaahi Max’ed “Farmaajo” waxaa loo magacaabay ra’iisul wasaaraha dowladda KMG ah ee dalka Soomaaliya taariikhdu markii ay aheyd 14kii bishii oktoobar sanadka, 2010, iyadoo laga sugayo in ay dowladdiisu wax ka qabato xaaladda ka taagan dalka ay dagaalladu aafeeyeen ee Soomaaliya.

Magacaabidda ra’iisul wasaare Max’ed C/llaahi Max’ed “Farnaajo waxay timid ka khilaafkii ragaadiyay xukuumaddii ra’iisul wasaarihii iska casilay xilka ee xukuumaddii uu hoggaaminayay ee C/rashiid Cali Sharmaarke.


Munaasabaddii lagu magacaabay ra’iisul wasaaraha cusub MD. Max’ed C/llaahi Max’ed “Farmaajo”. Muqdisho, Soomaaliya. 14kii Oktoobar 2010
 

Isha Qoraalkan
C/casiis cali Ibrahim "Xildhiban"
xildhiban@hotmail.com
 

Ogeysiis: Qoraaladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto wargeys, hadii aad u baahato fadlan la xiriir bahda wargeyska Xamar iyo Xamardaye uu cinwaankeedu yahay www.xildhibanpublications.com ama qoraha caanka ah ee C/casiis Cali Ibraahim (Xildhiban)

 

Xildhibanpublications. London


 
WAXAY KUU DHIGEEN MA KUGU DHAQEEN

Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen

Taxanaha Taariikhda SOOMAALIYA

Taxanaha Taariikhda Soomaaliya

MAAHMAAHYO Murti & Madadaallo

Maahmaahyo Murti
& Madadaallo

Sooyaalkii suugaanta

Sooyaalkii suugaanta
Cabdulle Raage
Read more..

Xulka maansooyinka

Xulka maansooyinka
Read more.....

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Published 2009

Dalaan dalkiisa Damqasho Laheyn

Coming soon

Maamulladii & madaxdii soo
martay Soomaaliya

Xildhiban Publications
Presents

Xildhiban Publications
Presents

Abwaano & Fanaan ka hadlaya taariikh nololeedkii Cabdulle Raage Taraawiil

Kulankii Qoreyaasha Soomaaliyeed ee dalka Sweden


Masjidka
C/casiis magaalada Muqdisho

Home   |   Publications   |   About us   |   Photo Gallery   |   Contact us

_______________________________________________________

Copy Right xildhibanpublications.com ® All Reserved 2008