XILDHIBAN Publications Xildhiban Publications

Home

Publications

About us

Gabayo & Guurow

Heesaha

Photo Gallery Contact us

Home

Publications

About us

Photo Gallery

Contact us

Wareysi VOA dood
ku saabsan qoraalka
Soomaaliga

Wareysi  ay laanta afka
Soomaaliga BBC la yeelatay C/casiis "Xildhiban"

Somali Radio

Barnaamijyada Idaacadda 04:00 GMT

Barnaamijyada Idaacadda 11:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 14:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 18:00 GMT
 

  4:00PM

  7:00PM

  8:00PM

Somali Links

Aminarts
Allpuntland
Allceeldheer
Dayniile
Dhagaxtuur
Hamarey
Hiiraan
Hornafrik

Markacadeey

Midnimo
Mareeg

Puntlandpost

Qaranimo

Shabelle

Somaliweyn

Somalitalk

Solamusic

Universal TV

Xamardaye

International News Agencies

Aljazeera

Arabnews

Reuters

Washington post

BBC

CNN

More Somali Books
Coming soon

Date:   30 August, 2009

Cusmaan Jaamac Cali "Kalluun"


Taariikh nololeedkii ra'iisul wasaarihii KMG ahaa
Cusmaan Jaamac Cali "Kalluun"

Last update:  Axad - 30 August 2009

                                                   Cusmaan Kalluun
                                      Cumaan Jaamac Cali "Cusmaan Kalluun"

Cusmaan Jaamac Cali wuxuu ku dhashay waqooyiga dalka Soomaaliya
, sanadku markuu ahaa 1941dii. Wuxuu warbarasho dhinaca Injineernimada ku soo qaatay dalkii la oran jiray Midowgii Sofiyeetka ama “USSR”, wuxuuna xubin ka ahaa muddo dheer  xubnihii golihii wasiirada ee dowladdii dhexe ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya ee uu hoggaamin jiray Allaha u naxariistee madaxweyne Max’ed Siyaad Barre.

Ing. Cusmaan Jaamac Cali “Cusmaan Kalluun” wuxuu ka soo qabtay dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya xilalka kala ah;-

  1. Wasiirka Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda 13kii December 1973dii;
  2. Wasiirka Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda 7dii December 1974tii;
  3. Wasiirka Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda 6ii January 1975tii;
  4. Wasiirka Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda 1dii July 1976dii;
  5. Wasiirka Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda 3dii February 1977dii;
  6. Wasiirka Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda 1dii April 1978dii;
  7. Wasiirka Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda 7dii February 1980kii;
  8. Wasiirka Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda 2dii March 1982dii;
  9. Wasiirka Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda 2dii June 1984tii;
  10. Wasiirka Shaqada & Guryeynta 13kii April 1989kii;

N.B;- Eeg buugga Taxanaha Taariikhda Soomaaliya ee uu qoray C/casiis Cali Ibrahim “Xildhiban”, lana daabacay 18kii bishii November, sanadkii 2006da.

Cusmaan Jaamac Cali wuxuu muddadii u dhaxeysay 28kii bsihii Oktoobar sanadkii 2002da illaa 12kii bishii November, isla sanadkii 2001 noqday ra’iisul wasaare KMG ah ka dib markii xilkii uu hayay laga qaaday ra’iisul wasaarihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee lagu soo dhisay magaalada Carte ee dalka Jamhuuriyadda Djibouti, Prof. Cali Khaliif Galeyr, dowladdaas oo uu horay uga ahaa ra'iisul wasaare ku xigeen.

Cusmaan Jaamac Cali “Cusmaan Kalluun” wuxuu ka mid yahay ururrada rayidka bulshada ee Soomaaliya, welina midnimada & qarannimada dalka jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuuna ka qeybgalaa shirarka ay isugu tagaan qeybaha bulshada Soomaaliya, wuxuuna ku nool yahay magaalada London ee dalka boqortooyada midowday ee Ingiriiska.


Isha Qoraalkan
C/casiis cali Ibrahim "Xildhiban"
xildhiban@hotmail.com

 

Ogeysiis: Qoraaladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto wargeys, hadii aad u baahato fadlan la xiriir bahda wargeyska Xamar iyo Xamardaye uu cinwaankeedu yahay www.xamardaye.com ama qoraha caanka ah ee C/casiis Cali Ibraahim (Xildhiban)

 

 
Xildhibanpublications. London

 

 

 
WAXAY KUU DHIGEEN MA KUGU DHAQEEN

Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen

.

Taxanaha Taariikhda SOOMAALIYA

Taxanaha Taariikhda Soomaaliya

 

MAAHMAAHYO Murti & Madadaallo

Maahmaahyo Murti
& Madadaallo

.

More Books ....

Coming soon

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA


Coming soon

Dal aan dalkiisa Damqasho Laheyn

Dalaan dalkiisa Damqasho Laheyn

Home   |   Publications   |   About us   |   Photo Gallery   |   Contact us

_______________________________________________________

Copy Right xildhibanpublications.com ® All Reserved 2008