XILDHIBAN Publications Xildhiban Publications

Home

Publications

About us

Gabayo & Guurow

Heesaha

Photo Gallery Contact us

Home

Publications

About us

Photo Gallery

Contact us

Wareysi VOA dood
ku saabsan qoraalka
Soomaaliga

Wareysi  ay laanta afka
Soomaaliga BBC la yeelatay C/casiis "Xildhiban"

Somali Radio

Barnaamijyada Idaacadda 04:00 GMT

Barnaamijyada Idaacadda 11:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 14:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 18:00 GMT
 

  4:00PM

  7:00PM

  8:00PM

Somali Links

Aminarts
Allpuntland
Allceeldheer
Dayniile
Dhagaxtuur
Hamarey
Hiiraan
Hornafrik

Markacadeey

Midnimo
Mareeg

Puntlandpost

Qaranimo

Shabelle

Somaliweyn

Somalitalk

Solamusic

Xamardaye

Universal TV


International News Agencies

Aljazeera

Arabnews

Reuters

Washington post

BBC
CNN

Ra'iisul wasaareyaashii soo maray Soomaaliya
C/llaahi Ciise Max'ud
Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare
C/llaahi Ciise Max'ud
1 July 1956-14 July 1960
Taariikh nololeedkii
 ra'iisul wasaare
C/rashiid Cali Sharmaarke
 12 July 1960-14 July 1964
C/risaaq Xaaji Xussein Xassan

Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare
C/risaaq Xaaji Xussein Xassan
14 June 1964-15 July 1967

Max'ed Xaaji Ibrahim Cigaal
Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare
Max'ed Ibrahim Cigaal
15 July 1967-21 Okt. 1969
Max'ed Cali Samatar
Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare S/Guud
Max'ed Cali Samatar
1 Feb. 1987-3 Sep. 1990
Max'ed Xawaadle Madar
Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare
Max'ed Xawaadle Madar
23 Sep. 1990-24 Jan. 1990

Date:  07 December 2009

Maxaa loo beegsanayaa berimageydada


Qaraxyadii ka dhacay Hargeysa, Boosaaso,
Baledweyne & Muqdisho?


Last update:  Isniinn- 07 Deccemer 2009

Xildhiban Publications;- 07 December, 2009 Weerarkii bahalnimada ahaa ee lagu xasuuqay Allaha u naxariistee xubnihii ka midka ahaa Golaha wasiirada & dhallinyaradii ka qalin jibineysay jaamacadda Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Taariikhdu markii aheyd 29kii bishii Oktoobar, sanadkii 2008 waxaa magaalooyinka Hargeysa & Boosaaso oo ka mid ah maamullada Soomaaliya ka abuurmay wixii ka dambeyay markii la riday dowladdii dhexe ee dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ka dhacay qaraxyo xiriir isla markaana ay ku geeriyoodeen dad la xaqiijiyay in ay tiradoodu kor u dhaafeyso 22 ruux, halka ay dhaawacyo ka soo gaareen iyaguna 28 ruux oo kale.

Sida uu wakaaladaha wararka u sheegay Siciid Caddaani oo ah afhayeenka maamulka ka jira gobollada Waqooyi ee Soomaaliya dadka halkaasi ku dhintay in uu ka mid ahaa Daahir Cali Ciid oo ahaa Xoghayihii madaxtooyada Somaliland & illaalo ka tirsaneyd hogya maamulkaasi, iyadoo qaraxii halkaasi ka dhacayna uu burburiyay qeybo ka mid ah dhismihii madaxtooyada magaalada Hargeysa.

Daahir Rayaale Kaahin oo ka hadlayay qaraxyadii halkaasi ka dhacay ayaa sheegay in Somaliland ammaankeeda la handaday, wuxuuna shacabka maamulkiisa taageerada siiya ugu baaqay in ay soo sheegaan cid kasta oo ay u arkayaan in ay nabadgelyadooda ka soo horjeedaan.

Dhinaca kale waxaa isna ka hadlay weeraradaasi Gen. Max’ud Muuse Xersi Cadde Muuse oo xilligaasi ahaa hoggaamiyihii maamul gobolleedka Puntland ee dalka Soomaaliya qaraxyadii is-miidaaminta ahaa ee lala beegsaday xaruntii  ciidamada sirdoonka Puntland ku lahaayeen magaalada Boosaaso & kii isna ka dhacay Hargeysa ugu baaqay in ay wada shaqeyn ka yeeshaan sugidda ammaanka  ee maamulladoodaasi, wuxuuna tacsi u diray dadkii qaraxyadaas ku geeriyooday.

Cadde Muuse oo xilligaasi ka dhoofayay garoonka diyaaradaha Boosaaso mar saxaafadda uu la hadlay ayaa wuxuu sheegay in labo nin oo fuliyay qaraxyadii maanta Boosaaso ka dhacay ay ahaayeen kuwo meelo kale ka yimid oo aan u dhalan Puntland, wuxuuna sheegay in ay arrintaas caddeymo u hayaan. Sanad ka dib waxay weeraradii ugu cuslaa ka dhaceen magaalooyinka Baledweyne & Muqdisho iyadoo weerarradaasi lagu dilay wasiiro ka tirsan dowladda KMG ah ee dalka Soomaaliya, weeraradaasi oo dhacay bilihii June & December, sanadka 2009 waxaa ku kala geeriyooday xubnaha kala ah;-

1.            Col. Cumar Xaashi Aaden, Wasiirkii Amniga ee dowladda KMG ah;

2.            Ambassador C/kariim Faarax Laqanyo;

3.            Gen. Max’ed Nuur Max’ed Kheyre, ku xigeenkii ciidanka boliiska;

4.            Brigther General Juvenal Niyoyungurusa, ku xigeenkii ciidamada AMISOM;

5.            Prof. Ibraahim Xassan Caddow, Wasiirkii Hiddaha & Tacliinta Sare;

6.            Qamar Aaden Cali, Wasiirkii Caafimaadka dowladda KMG ah;

7.            C/llaahi Axmed Waayeel, Wasiirkii Waxbarashada.

                                               
Cumar Xaashi                 C/kariim "laqanyo"        Gen. M. N. M. Kheyre               Gen. Junvenal
                    
                   Dr. Qamar Aden Ali    Prof. Ibrahim Caddow     C/llaahi A. Waayeel
               

                      Dhallinyaradii Jaamacadda Banaadir ee magaalada Muqdisho

Weeraradan oo ay ku geeriyoodeen saraakiil, Waxgarad,  Aqoonyahanno, Hoggaamiyeyaal dhaqameedyo, Ardey dhammeysatay waxbarashadii jaamacadda Banaadir ee magaalada Muqdisho. Qaraxyan oo ay sheegteen kooxda arxanlaaweyaasha ah ee uu mowqifkoodu fogaaday ee Al-Shabaab in ay iyagu mas’uul ka ahaayeen, wallow ay beeniyeen kii ugu dambeeyay, ka dib markii ay cabsi & welwel kaga timid qeybaha bulshada Soomaaliyeed.

                                           
                                          Hon. Saleebaan Colaad Rooble

Weerarkan bahalnimada ah ee lagu qaaday xubnihii loo dhaariyay in ay bulshada Soomaaliyeed ammaankooda ilaaleeyaan waxaa ka mid ah Wasiirkii Sport-ga ee dowladda KMG ah Hon. Saleebaan Colaad Rooble oo lagu daweynayo Isbitaalka Aga Khan Hospital ee magaalada Nairobi, isla markaana xaaladdiisa laga deyrinayo.

Bahda & maamulka website www.xildhibanpublications.com waxay tacsi u dirayaan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, Qoysaskii, Ehelladii & Qaraabadii ay ka geeriyoodeen mas'uuliyiintii, Saraakiishii, Aqoonyahannadii, Hoggaamiyeyaashii kaleba ee ku geeriyooday qaraxyadii ka dhacay magaalooyinka Hargeysa, Boosaaso, Baledweyne & Muqdisho.

               Allaha u naxariisto, qabrigoodana naruuro & neecaaw qabow Alle haku siiyo.

Aamiin.
 

Isha Qoraalkan
C/casiis cali Ibrahim "Xildhiban"
xildhiban@hotmail.com
 

Ogeysiis: Qoraaladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto wargeys, hadii aad u baahato fadlan la xiriir bahda wargeyska Xamar iyo Xamardaye uu cinwaankeedu yahay www.xildhibanpublications.com ama qoraha caanka ah ee C/casiis Cali Ibraahim (Xildhiban)

 

Xildhibanpublications. London


 
WAXAY KUU DHIGEEN MA KUGU DHAQEEN

Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen

Taxanaha Taariikhda SOOMAALIYA

Taxanaha Taariikhda Soomaaliya

MAAHMAAHYO Murti & Madadaallo

Maahmaahyo Murti
& Madadaallo

Sooyaalkii suugaanta

Sooyaalkii suugaanta
Cabdulle Raage
Read more..

Xulka maansooyinka

Xulka maansooyinka
Read more.....

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Published 2009

Dalaan dalkiisa Damqasho Laheyn

Coming soon

Maamulladii & madaxdii soo
martay Soomaaliya

Xildhiban Publications
Presents

Xildhiban Publications
Presents

Abwaano & Fanaan ka hadlaya taariikh nololeedkii Cabdulle Raage Taraawiil

Kulankii Qoreyaasha Soomaaliyeed ee dalka Sweden


Masjidka
C/casiis magaalada Muqdisho

Home   |   Publications   |   About us   |   Photo Gallery   |   Contact us

_______________________________________________________

Copy Right xildhibanpublications.com ® All Reserved 2008