| 
                
							|  |  
				
					| 
                
							|  Caasimadda 
							2aad ee dalka Finland oo maanta lagu qabtay 
							bandhigyo & dabaaldegyo ku saabsan 40guuradii 
							Afka-Soomaaliga & 69guuradii ururkii SYL. |  
							|  |  
							| Sabti, May 12, 2012 - 
							
							
							Caasimadda 
							2aad ee dalka Finland oo maanta lagu qabtay 
							bandhigyo & dabaaldegyo ku saabsan 40guuradii 
							Afka-Soomaaliga & 69guuradii ururkii SYL.
 
 Waxaa maanta lagu qabtay 
							magaalada Turku ee caasimadda 2aad ee dalka Finland 
							horayna u aheyd caasimaddii hore ee dalkaas xusas 
							loo sameeyay 40guuradii qoraalkii Afka-Soomaaliga & 
							aasaaskii 69guuradii ururkii dhallinyarada 
							Soomaaliyeed ee Somali Youth League.
 
 Maktabadda Turku waxay hoodo & ayaan u yeelatay in 
							qabto carwo buugeed sanadkii 2aad, iyadoo halkaasi 
							lagu soo bandhigay in ka badan 250 nooc ama 
							muunadood oo kal duwan.
 
 Madaxda & shaqalaha maktabadda Turku oo maktabadda 
							ugu weyn ee magaalada Turku oo beri ahaan jiray 
							caasimadda dalkan Finland intii aanan loo wareejinin 
							caasimadda waqtigan ee Helsinki ayaa dadaal ugu jira 
							sidii ay u horrumarin laheyd keydka dhinacyada 
							Taariikhda, Dhaqanka & Suugaanta Soomaalida eek u 
							halkaasi.
 
 Kulankan oo ay sanadkan ka soo qeybgaleen jaaliyadda 
							Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Turku, iyadoo 
							halkaasi ay ammaan & mahadcelin ballaaran halkaasi 
							uga soo jeediyeen Qoreyaasha Soomaalida ee ka kala 
							yimid Waqooyiga America & Ingiriiska & Sweden ee 
							sanadkan ka qeybgalay kulankaasi.
 
 Dhinaca kale waxaa iyagana halkaasi hadallo ka soo 
							jeediyay Max’ed Sheikh Xassan & C/casiis Cali 
							Ibrahim "Xildhiban" oo iyaguna halkaasi ka hadlayay 
							ayaa dhinacoodu ku ammaanay jaaliyadda Soomaalida ee 
							goobjoogga ka ahaa kulankaasi dadaalka, daryeelka & 
							horrumarinta afkeena hooyo, kaasi oo sanadani si 
							gaar ah ugu soo beegmay sanadguuradii 40aad ka dib 
							markii la qoray farteena ama afkeena hooyo.
 
 Guntii & gebagabadii waxaa isna halkaasi hadallo ka 
							soo jeediyay C/qaadir Abshir Kadiye oo ka tirsan 
							macallimiinta Soomaalida ee dalka Finland isla 
							markaana ah garwadeenii barnaamijkan suurtagaliyay 
							halkaasina hambalyo uga soo jeediyay dhammaan 
							qoreyaasha Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan 
							shirkadda Scansom publishers, dadaalkii ay u galeen 
							keydinta & qoraalka afka Soomaaliga.
 
 Munaasabaddan waxaa suurtagalisay Susanna 
							Kolehmainen oo ah agaasimaha & xiriiriyaha Dhaqamada 
							kala duwan ee bulshooyinka ku nool dalka Finland, 
							gaar ahaan Turku Library.
 
							Saadaq Max'ud CaliEspoo, Finland.
 |  
							|  |  |  
							| 
							Qalabka Hiddaha & dhaqanka |  
              				Dadweynaha magaalada Espoo, Finland |  
							|  |  |  
							| 
							Qalabka Hiddaha & dhaqanka |  
              				Dadweynaha magaalada Espoo, Finland |  
							|  |  |  
							|  
              				Max'ed Sh. Xassan "Scansom Publishers" |  
              				Dadweynaha magaalada Espoo, Finland |  
							| 
							 |  
							| 
							 |  
							|  |  
							| 
							  |  
							| Isha 
									qoraalkan; C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban", 
									London
 Ogeysiis: 
									Qoraalladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc 
									ah in aad daabacdo ama aad ku
 soo bandhigto 
									wargeys, haddii aad u baahato fadlan la 
									xiriir bahda wargeyska uu cinwaankiisu yahay
									
									www.xildhibanpublications.com ama qoraha 
									caanka ah ee C/casiis 
									Cali Ibrahim (Xildhiban)
 
 Xildhibanpublications. London
 |  |  
					|  |  
					| 
			
			
			Home   
			|   Publications   |   
			
			About us   
			|   
			
			Photo Gallery   |  
			
			Contact us 
			 |  |  |