XILDHIBAN Publications Xildhiban Publications

Home

Publications

About us

Gabayo & Guurow

Heesaha

Photo Gallery Contact us

Home

Publications

About us

Photo Gallery

Contact us

Wareysi VOA dood
ku saabsan qoraalka
Soomaaliga

Wareysi  ay laanta afka
Soomaaliga BBC la yeelatay C/casiis "Xildhiban"

Somali Radio

Barnaamijyada Idaacadda 04:00 GMT

Barnaamijyada Idaacadda 11:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 14:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 18:00 GMT
 

  4:00PM

  7:00PM

  8:00PM

Somali Links

Aminarts
Allpuntland
Allceeldheer
Dayniile
Dhagaxtuur
Hamarey
Hiiraan
Hornafrik

Markacadeey

Midnimo
Mareeg

Puntlandpost

Qaranimo

Shabelle

Somaliweyn

Somalitalk

Solamusic

Universal TV

Xamardaye

International News Agencies

Aljazeera

Arabnews

Reuters

Washington post

BBC

CNN

More Somali Books
Coming soon

Date: 10 June, sanadka 2011  

Bandhigga buugaagta dhaqanka codka hal-abuurka Soomaalida oo ka furmay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.
 

Bandhigga buugaagta dhaqanka codka hal-abuurka Soomaalida oo ka furmay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.

 

Jimco, June 10, 2011- Bandhiggii ugu horreeyay ee ku saabsan dhaqanka, suugaanta iyo taariikhda Soomaalida ayaa ka furmay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden. Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa oo lugu qabto magaaladda Gothenburg ayaa lugu soo bandhigay horrumarka dhinaca afka Soomaaliga ku talowsaday.

Kulankan ayaa waxaa furay ku xigeenka duqa magaalada Gothenburg, Thomas Martinsson oo halkaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay & ereyo soo dhaweyn & dhiirigelin isu jiray isagoo markii dambena ka codsaday in qoreyaashii Soomaalida ee kulankaasi ka qeybgalayay in xoojiyaan kulamada noocan oo kale, kulankii maanta uu horrudhac u yahay bandhigyada buugaagta & dhaqanka Soomaalida, wuxuuna hdalkiisa ku soo gabagabeeyay in maalin uun uu ku abaal sheegan doono bulshada in uu goobjoog ka ahaa kulankii ugu ee lagu suurtagaliyay kulamada waa weyn ee mustaqbalka dhici doona.

Sidoo kale waxaa iyagana halkaasi maanta hadallo qiimo badan ka soo jeediyay, guddoomiyaha xaafadda Angered, Hakan Werner, madaxa maktabadda magaalada Gothenburg, Madeleine Bergmark & Mirjam Onner.

C/llaahi Sh. Xussein H/Wadaag oo kamid ah qorayaasha soomaaliyeed ee sida weyn caanka uga ah dalka Soomaaliyeed ayaa halkaasi kaga hadlay buuggiisii ugu dambeeyey ee uu daabaco kana hadlayey carruurta iyo ujeedada uu qoray intaba. Waxaa uu sheegay in muhiim tahay siddii carruuraha soomaaliyeed eek u dhalatay qurbaha ay u heli lahaayeen fursad ay ku bartaan afkooda hooyo.

Ma aheyn dadkii halkaasi ka hadlay H/wadaag oo keliya, waxaa ka mid ahaa qorayaashii ka hadlay Max’ed Sh. Xassan Nuur oo ah madaxa shirkadda Scansom Publishers ee daabacda buugaagta Soomaalida. Waxaana halkaas lagu soo bandhigay waxaa ka mid ahaa;- buugaagta carruurta, suugaanta, taariikhda, siyaasadda, ganacsiga, ciyaaraha, diinta, caafimaadka, qaamuusyada, buugga codeysan.

Qoreyaashii ka qeybgalay furitaankii maanta waxaa ka mid ahaa;-

1. Max’ed Daahir Afrax;
2. C/casiis Cali Ibrahim “Xildhiban”;
3. C/llaahi Sh. Xussein “Hantiwadaag”
4. Max’ed Sh. Xassan Nuur;
5. Bile Max’ed Xaashi.

Dhinaca kale waxaa munaasaddan goobjoog ka ahaa dhammaan qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.

1. C/rashiid Cali Bulay;
2. Cabdi Xersi Siiqe;
3. Ruqiyo Max’ed Xassan;
4. Sharmaarke Xaaji Dayib
5. Sucdi Khaliif
6. Feysal Axmed Gacashe
7. Siciido Cabdulle Guuleed.

Ugu dambeyntii waxaa kulankan la soo gebagabeyn doonaa maalinta Sabtida ah ee bishuna tahay 11ka bishan June, sanadka 2011.

Ikraam Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam_calikaar@hotmail.com.

Abdullahi Sh. Hussein "Hantiwadaag"

Hantiwadaag, M.D. Afrah & "Xildhiban"

Jaamacadda Gothenburg, afka Soomaaliga

Dadweynaha magaalada Gothenburg

Max'ed Sh. Xassan "Scansom Publishers"

Dadweynaha magaalada Gothenburg

Cameraman Mustafa & Abdulaziz "Xildhiban"

Wariye Ikraan Cali-kaar, Gothenburg, Sweden

 
Isha qoraalkan;
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban", London
xildhiban@hotmail.com

Ogeysiis: Qoraalladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto wargeys, haddii aad u baahato fadlan la xiriir bahda wargeyska uu cinwaankiisu yahay www.xildhibanpublications.com ama qoraha caanka ah ee C/casiis Cali Ibrahim (Xildhiban)

Xildhibanpublications. London




 

Home   |   Publications   |   About us   |   Photo Gallery   |   Contact us

WAXAY KUU DHIGEEN MA KUGU DHAQEEN

Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen

.

Taxanaha Taariikhda SOOMAALIYA

Taxanaha Taariikhda Soomaaliya

 

MAAHMAAHYO Murti & Madadaallo

Maahmaahyo Murti
& Madadaallo

.

More Books ....

Coming soon

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA


Coming soon

Dal aan dalkiisa Damqasho Laheyn

Dalaan dalkiisa Damqasho Laheyn

 

_______________________________________________________

Copy Right xildhibanpublications.com ® All Reserved 2008