XILDHIBAN Publications Xildhiban Publications

Home

Publications

About us

Gabayo & Guurow

Heesaha

Photo Gallery Contact us

Home

Publications

About us

Photo Gallery

Contact us

Wareysi VOA dood
ku saabsan qoraalka
Soomaaliga

Wareysi  ay laanta afka
Soomaaliga BBC la yeelatay C/casiis "Xildhiban"

Somali Radio

Barnaamijyada Idaacadda 04:00 GMT

Barnaamijyada Idaacadda 11:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 14:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 18:00 GMT
 

  4:00PM

  7:00PM

  8:00PM

Somali Links

Aminarts
Allpuntland
Allceeldheer
Dayniile
Dhagaxtuur
Hamarey
Hiiraan
Hornafrik

Markacadeey

Midnimo
Mareeg

Puntlandpost

Qaranimo

Shabelle

Somaliweyn

Somalitalk

Solamusic

Universal TV

Xamardaye

International News Agencies

Aljazeera

Arabnews

Reuters

Washington post

BBC

CNN

More Somali Books
Coming soon

Date: 18 - 19 June, sanadka 2011  

Bandhigga buugga Taariikhda luqadda bulshada Soomaaliyeed oo lagu qabtay magaalada London.
 

Bandhigga buugga Taariikhda luqadda bulshada Soomaaliyeed oo lagu qabtay magaalada London.

 

Waxaa magaalada London ee dalka Ingiriiska lagu qabtay kulamo labadii maalmood ee la soo dhaafay ay ku lahaayeen qoreyaasha Soomaaliyeed. Kulamadaasi oo lagu kala qabtay xaafadaha Southall & Bethnal Green ee magaalada London taariikhduna ay aheyd 18 – 19kii bishan June ee sanadkan 2011.

Kulamadan oo ay soo qabanqaabiyeen Naadiga Qalinleyda iyo hal-abuurka Soomaaliyeed ee PEN, laguna soo bandhigayay, buug uu dhawaan soo saaray Prof. Cabdalla Cumar Mansuur oo ka yimid dalka Talyaaniga, Max’ed Sh. Xassan Nuur oo ka socday shirkadda buugaagta ee Scansom Publishers, C/casiis Cali Ibrahim “Xildhiban” & C/raxmaan Max’ed Abtidoon, Jawaahir Xaaji Cabdalla, Seynab Xaaji Aadan & Siciid Cali Shire oo deggan dalka Ingiriiska.

Muddadii ay socdeen bandhigga buugaagta iyo hal-abuurka Soomaaliyeed ee PEN halkaasi hadallo ka jeediyay Prof. Cabdalla Cumar Mansuur oo buuggiisa cusub uu ka hadlay Taariikhda luqadda bulshada Soomaaliyeed, iyadoo labadaasi maalmoodba uu uu barnaamijkani isku xiriirinayay Qadar Dirir oo ah tafaftiraha Guud ee ku baxa luqadaha Somaliga & Ingiriiska ee Somali Eye ee ka soo baxa magaalada London.

Dhinaca kale labadii maalmood ee uu socdeen kulamadani halkaasi goobjoog ka ahaa Siciid Jaamac oo ah guddoomiye ku xigeenkii hore ee Naadiga Qalinleyda & Hal – Abuurka Soomaaliyeed iyadoo intii ay socdeen bandhigyadaasi goobahaasi lagu qabtay doodo ku saabsan afka Soomaaliga, iyadoo halkaasi ay fikradahooda ka jeedinayeen dadweynihii ka soo qeybgalay bandhigga buugaagta & qoraalka afka Soomaaligaba.

Ugu dambeyntii waxaa goobahaasi hadallo guubaabo & dardaaranba isugu jira ka soo jeedisay guddoomiye ku xigeenka Naadiga Qalinleyda Soomaaliyeed Aamina Muusse Wehliye isla markaana ammaan & mahad ballaaran u jeediyay dowladda jamhuuriyadda Djibouti, gaar ahaan madaxweynaha jamhuuriyaddaasi MD. Ismaaciil Cumar Geelle & dadkii Soomaaliyeed ee gacanta ka geystay horrumarinta afka Soomaaliga, iyadoo naadiga Qalinleyda Soomaaliyeed xaruntiisu tahay magaalada Djibouti ee dalka jamhuuriyadda Djibouti.

Dadweynihii ka soo qeybgalay carwada

Dadweynihii ka soo qeybgalay carwada

Guddoomiye ku xigeenka Naadiga Qalinleyda Soomaaliyeed & Qoreyaashii Soomaaliyeed ee ka qeybgalay bandhigyadii shalay & maanta lagu qabtay magaalada London.

 
Isha qoraalkan;
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban", London
xildhiban@hotmail.com

Ogeysiis: Qoraalladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto wargeys, haddii aad u baahato fadlan la xiriir bahda wargeyska uu cinwaankiisu yahay www.xildhibanpublications.com ama qoraha caanka ah ee C/casiis Cali Ibrahim (Xildhiban)

Xildhibanpublications. London




 

Home   |   Publications   |   About us   |   Photo Gallery   |   Contact us

WAXAY KUU DHIGEEN MA KUGU DHAQEEN

Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen

.

Taxanaha Taariikhda SOOMAALIYA

Taxanaha Taariikhda Soomaaliya

 

MAAHMAAHYO Murti & Madadaallo

Maahmaahyo Murti
& Madadaallo

.

More Books ....

Coming soon

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA


Coming soon

Dal aan dalkiisa Damqasho Laheyn

Dalaan dalkiisa Damqasho Laheyn

 

_______________________________________________________

Copy Right xildhibanpublications.com ® All Reserved 2008