XILDHIBAN Publications Xildhiban Publications

Home

Publications

About us

Gabayo & Guurow

Heesaha

Photo Gallery Contact us

Home

Publications

About us

Photo Gallery

Contact us

Wareysi VOA dood
ku saabsan qoraalka
Soomaaliga

Wareysi  ay laanta afka
Soomaaliga BBC la yeelatay C/casiis "Xildhiban"

Somali Radio

Barnaamijyada Idaacadda 04:00 GMT

Barnaamijyada Idaacadda 11:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 14:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 18:00 GMT
 

  4:00PM

  7:00PM

  8:00PM

Somali Links

Aminarts
Allpuntland
Allceeldheer
Dayniile
Dhagaxtuur
Hamarey
Hiiraan
Hornafrik

Markacadeey

Midnimo
Mareeg

Puntlandpost

Qaranimo

Shabelle

Somaliweyn

Somalitalk

Solamusic

Universal TV

Xamardaye

International News Agencies

Aljazeera

Arabnews

Reuters

Washington post

BBC

CNN

More Somali Books
Coming soon

Date:  

Xildhiban Publications

Bandhigga buugaagta Soomaalida & magaalada Columbus, Ohio ee dalka Mareykanka


Columbus, Ohio, 7-8 August 2009@[Xildhibanpublications] Magaalada Columbus, Ohio waxaa bishan August 7-9ka, 2009  lagu soo bandhigay Carwo buugeeed aad u baaxad weyn. Carwadaas waxaa si wadajir u soo qabanqaabiyey Shirkadda buugta daabacda  ee Scansom Publishers  iyo ururrada kala ah ( Somali Culture & Research Institute ( SCRI),  and Somali Women & Children Alliance ( SWCA). Labada ururba waxaa xarun u ah Suuqa caanka ee la yiraahdo ( Global Mall). Shirkadda Scansom waxay halkaas ku soo bandhigtay buug aad tiro badan oo qiyaastii ahayd 145 muunadood oo kala duwan oo la daabacay  10-15 sano ee ugu dambeeyey. Waxaa buugtaas ka mid ahaa;
                                
               
Buugaagta carruurta, Suugaanta,Diiniga, Taariikhda, Ciyaaraha, Qaamuusyo kala duwan & buugaag kale.
               
Sidoo kale waxaa isla madasha lagu soo bandhigay sawirro gacmeed iyo agab farashaxaneed ay soo bandhigeen Macallin Diiriyoos iyo Ardadiisa. Macallin Diiriyoos wuxuu saldhig iyo laf-dhabar u yahay ururita iyo kaydinta agabka hiddaha iyo dhaqanka Soomalaiyeed. Waa khabiir ku xeel-dheer hawlaha la xiriira kaydinta, ururinta, daryeelka qalabka kala duwan ee hiddaha iyo dhaqanka ( Ethnography).
               
Bandhigga waxaa iyana kaalin lama illaawaan ah ka qatay ururka haweenka hooyada iyo dhallanka oo ay garwadeen u ahayd Xaawo M. Siyaad oo kaalin aad u weyn ka qaadatay hirgelinta bernaamajka.
               
Waxaa iyana bernaamjka qayb Libaax ka qaatay aqoonyahanno iyo qorayaal reer Columbus ah, waxaana ugu hilin cuslaa macallinkii weynaa ee Cali Mire Cawaale. Abwaankii ay maskaxdiisu dihatay heesta loo doortay inay noqoto astaanta qaranka Soomaaliyeed ( Waa heestii caanka ahayd ee Soomaaliyey Toosow isku tiirsada…. ee uu curiyay bishii Luulyo, 1947.
               
Waxaa iyana kaalin wax-ku-ool ah ah ka qaatay bernaamajka, Dr. Cabdinuur SH. Maxamad oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha waxbarashada kana  tirsan shaqalaaha wasaaradda Waxbarshada ee Gobolka Ohio ( Ohio Department of educations). Dr Cabdinuur wuxuu xogwarran fiican ka bixiyey guud ahaan caqabadaha hor taagan iyo fursadaha ay haystaan ardayga Soomalaiyeed ee ku dhaqan gobolka Ohio gaar ahaan reer Columbus. Wuxuu siiyey baraarujin waalidiinta Soomaaliyeed. Waxaa xusid iyo tixgelin mudan markii uu  Dr. Cabdinuur ka warbixiyey macnaha iyo fikradda laga haysato qadada lacag la’aanta  ee iskuuladda laga bixiyo, looguna talo galay ardayda saboolka ah ee ay waalidintooda ku adagtahay inay qadadaas ka bixiyaan ilmahooda
.Ardada Soomaaliyeed ayaa ugu badan dadka la siiyo qadadaas.
                 
Tirakoobka ay wasaaraddu soo saarto ay si wanaagsan arrintu ugu qeexan tahay. Arrintaas ayaa ardayga ugu filan  quursi in ardayga kale  ee dhiggiisa ah  ee waalidkiis u huro inuu  u iibiyo ilmaha qadadiisa inta uu iskuulka joogo. Qadada bilaashka ah ee loogu talo galay dadka saboolka ayaa lagu sarbeebi karaa astaan saboolnimo iyo quursi. Waalidiin badan ayay arrintaasu ku noqotay dhaygayg, ashqaraar, iyo dhabannno- hays markii loo ifiyey arrintaas. (War la helaa, talo la hel).
                  
Waxaa isna madasha ka hadlay Professor Banda ( Ohio State University) oo ka hadlay waxbarashada luqada afka-Soomalaiga ee ay bixiso jaamicadda (OSU) iyo sida loo kobcin lahaa tirada ardayda Soomaaliyeed. Tirada ardayda ayaa weli aad u hoosaysa oo aan si fiican u gaarin meeshii laga rabay. Wuxuu bogaadin iyo dhiillo-gelin u jeediyey waalidiinta Soomaaliyeed, kuna bogaadiyey inay gacan fiican siiyaan si loo hormariyo luqadda afka Soomaaliga oo loola simo lugadaha kale ee Afrikanka ee jaamicadda laga dhigo. Ardayda Soomaaliyeed keligood ayaa ka badan wadara guud ee dhammaan ardayda Afrikaanka ah. Haddana inkasta oo tallaabo toosan oo taariikhi ah horay loo qaaday, haddana tirade ardaydu aad bay uga hoosaysa meeshii laga rabay. Halkaas baraarujin ayaa looga baahan yahay waalidka Soomaaliyeed inu ku dhiirri geliyo inay ardaydoodu ka dhigtaan afkooda hooyo Jaamicaada ( OSU) oo hadda ugu horraysay hirgelinta luqadaha Afrikaanka.
                 
Suugaantaas waxaa ka abwanka ka soo xulay kaydkiisa Tix iyo Taariikh oo la rajaynayo inuu buug ahaa ahaa ku soo baxo dhammaadka sannadkan ( haddii Alle idmo) waxaana soo saari doontaa oo hadda faraha kula jirta shirkadda Scansom Publishers. Ugu dambyn wuxuu qoraagaa Maxamad Sh. Xasna xogwarran fiican ka bixiyey  dalagga qoraal ee u soo go’ay afkeenna hooyo.

Tiradaas uu abwaanku ku sheegay qiyaastii 190-200 buug oo kala duwan oo la daabacy 15kii sano e ugu dambeeyey, wuxuuna qoraagu faallo ka bixiyay dhawr buug oo ka mid buugtiisa badan uu uu daabacay 15kii sano ee ugu dambeeyey. Waxaa si aad loo jeclaaday marka uu ka akhriyay buugga maahmaahyada gaar ahaan qaybta tirooleyda-Saddexleyda. Waxaa isna aad loo jeclaystay marka uu ka hadlay godadka kala duwan ee laga gabyo ( ilaa  qiyaastii 350 gabay oo kala duwan ayaa ku urursan  Lixda Diiwaan ee Silsiladda Gurmad  Vol.1-6- 1997-2007). Waxaa iyana aad loo jeclaaday buugta ciyaaraha gaar ahaan Taariikhda Kubbadda Cagta Soomaaliyeed iyo Taariikhda Kubbada Kolayga Soomaaliyeed oo ay ku urursanyihiin xogwarran, iyo sawirro ku saabsan Naadiyadii heerka 1aad ee dalkeena muddadii u dhaxaysay 1940-1990.
                    
Gebogebadii bernaamijka wuxuu qoraaga Max'ed Sh. Xassan oo fikradda Bernaamajka isku soo dubba riday u mahadceliyey dhammaan dadkii gacanta ku siiyey inuu bernaamjaku hirgalo oo ku taageeray hiil iyo hoo iyo af iyo addin. Waxaa mahad gaar mudan dhallinyaradii qalabka warbaahinta u gudbiyey dadweynaha gaar ahaan Sawir qaadayaal Max'ed Xassan Weyne, Cabdisaalaam Caato, Max'ed Max'ud Diiriyoos, Wiilwaal. Mahad ballaaran waxaa iyana loo celiyay Website_yada kala ah.
                  
Xildhibanpublications.com, Bartamaha.com,  Alldalka.Com , Wardheer.com, Ceegaag.Online & dhammaan dadkii geystay taageero  hiil & hoo ah & mid af & addinba ah.
Shirkadda Scansom ballanqaaday in munaasabad tan oo kale ah soo bandhigtay sannadkiiba hal mar. Wixii fikrad, talo iyo tusaale ah fadlan u soo dir dhambaal ku socda: Scansom Publishers: scansom@scansom.com, scansom@hotmail.com. Fadlan booqo bogga Scansom:  www.scansom.com.

Qoraaga Max'ed Sh. Xassan Nuur.

Xildhiban Pblications, London

 

 
WAXAY KUU DHIGEEN MA KUGU DHAQEEN

Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen

.

Taxanaha Taariikhda SOOMAALIYA

Taxanaha Taariikhda Soomaaliya

 

MAAHMAAHYO Murti & Madadaallo

Maahmaahyo Murti
& Madadaallo

.

More Books ....

_______________
 

Coming soon

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA


Coming soon

Dal aan dalkiisa Damqasho Laheyn

Dalaan dalkiisa Damqasho Laheyn

 

Home   |   Publications   |   About us   |   Photo Gallery   |   Contact us

_______________________________________________________

Copy Right xildhibanpublications.com ® All Reserved 2008