| 
							Sabti, June 12, 2011- 
							
							
							
							
							Bandhiggii buugaagta taariikhda & suugaanta 
							Soomaalida ee labadii maalmood ee ugu dambeysay ka 
							socday magaalada Gothenburg ee dalka Sweden ayaa la 
							soo gabagabeeyay iyadoo kulankaasi uu ahaa kii ugu 
							horreeyay ee noociisa ah ee magaaladaasi lagu qabto 
							tan & intii ay dadka Soomaaliyeed ka mid noqdeen 
							dadyowga wax ka deggan dalkaasi.
							
							
							Bandhigga 
							carwada ee sanadkan ee halkaasi lagu qabtay ayaa 
							waxaa ka soo qeybgalay dadweyne Soomaaliyeed oo 
							tiradooda lagu qiyaasay in ka badan 300 oo isugu 
							jira qeybaha bulshada Soomaalida ee ku dhaqan 
							magaaladaasi.
  
 Kulankan oo ay ka qeybgalyeen qoreyaal Soomaaliyeed 
							oo ka kala yimid dalalka Canada, Ingiriiska & 
							qoreyaasha Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada 
							Gothenburg ee dalka Sweden ayaa bilowday 
							maalinnimadii shalay aheyd ee ay taariikhdu aheyd 
							10kii bishan June lana soo gabagabeeyay 11ka June, 
							sanadka 2011.
 
							
							
							Labadii maalmood ee uu haddaba socday barnaamijkaasi 
							ayaa lagu soo bandhigay hannaanka ugu habboon ee loo 
							badbaadin lahaa afka Soomaaliga, maadaama uu afka 
							Soomaaliga ahi ku jiro 12ka af ee lagaga dalalka 
							caalamka lagana cabsi qabo dabar go’ ku yimaada, 
							sida ku xusan qoraal ay dhawaan soo saartay hey’adda 
							Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca ilaaleynta & 
							dabar go'a afafka laga hadlo adduunka. 
							
							
							Haddaba 
							furitaankii barnaamijyadii xiriirka ahaa ee halkaasi 
							ka dhacay waxaa ugu horreyn ka hadlay C/casiis 
							Cali Ibrahim " Xildhiban " oo 
							ka mid ah qoreyaasha Soomaaliyeed ee dadaalka ugu 
							jira ilaaleynta & xafidadda Taariikhda & Suugaanta 
							Soomaalida isaga oo halkaasi ku soo bandhigay 
							buugaagtii uu qoray ee 1. 
							Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen?, 2.  Taxanaha 
							taariikhda Soomaaliya, 3. Maahmaahyo murti & 
							madadaallo, 4. Sooyaalkii suugaanta Cabdulle Raage 
							Taraawiil, 5. Xulka maansooyinka Soomaaliyeed & 
							buuggii ugu dambeeyay ee uu daabaco ee 
							6. Horseedayaashii halaagga Soomaaliya. 
							
							
							Dhinaca kale waxaa iska halkaasi ka hadlay Dr. 
							Max’ed Daahir Afrax oo 
							ka mid ah Dhaqdhaqaaqa 
							ama xarakada 
							gurmadka & tabliiqa ee afka Soomaaliga isaga 
							oo aad ugu dheeraaday baahida loo qabo sidii dadka 
							Soomaaliyeed gacan & maskaxba uga qeybgeli lahaayeen 
							arrintaasi. 
 Dr. Max'ed Daahir Afrax waxa uu ka tirsan yahay 
							guddi-qaaradeedka af-Soomaaliga ee Golaha Guud ee 
							Daryeelka Af-Soomaaliga ama "Somali Cross-border 
							Language Commission of the African Academy of 
							Languages", isaga oo ka haya xilka Xoghayaha Guud, 
							isla markaana ah aasaase & guddoomiye sharafeed 
							bahda qalinleyda & hal-abuurka Soomaaliyeed ee marka 
							la soo gaabiyo loo yaqaanno "Somali PEN".
 
							  Dr. 
							Max’ed Daahir Afrax wuxuu 
							ahaa ninkii asaasay Naadiga Somali PEN, fikraddaasna 
							keenay, hirgelinteeda u howlgalay, xubnaha kalena ku 
							qanciyey, isuguna keenay oo midba meel ka soo helay. 
							Waana sababta loogu doortay in uu noqdo 
							guddoomihihii ugu horreeyay ee PEN hoggaaminayay 
							muddo ku dhow 15 sano 
							
							
							
							oo ka 
							hadlayay dadka Soomaalida ah ee ka qeybgalay 
							gurmadka ballaaran ee lagu badbaadinayo afka 
							Soomaaliga in ay ka mid ahaayeen;- 
 1. 
							Ow jaamac Cumar Ciise
 2. 
							C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban " – 
							Xildhiban Publications
 3. Max’ed Sh. Xassan Nuur   –  Scansom 
							Publishers
 4. 
							C/llaahi Sh. Xussein "Hantiwadaag".
 
 Dhinaca kale wuxuu ammaan & mahad ballaaran u 
							jeediyay Madaxweynaha 
							Jamhuuriyadda Djibouti H. E. Ismaaciil Cumar Geelle oo 
							dadaal ballaaran ugu jira sidii afka Soomaaliga 
							looga badbaadin lahaa khataraha laga cabsi qabo in 
							uu ka mid noqdo afafka duulaanka ba’ani lagu soo 
							qaaday.
 
							Dr. 
							Max’ed Daahir Afrax oo 
							ah cilmibaare ku howlan mustaqbalka afka Soomaaliga 
							& sidii loo badbaadin lahaa wuxuu Soomaalidii ka 
							qeybgashay barnaamijkii bandhigga buugaagta & codka 
							hal abuurka Soomaalida ee lagu qabtay magaalada 
							Gothenburg ee dalka Sweden sidii ay uga mid noqon 
							lahaayeen guddiga gurmadka afka Soomaaliga iyagoo ka 
							bilaabaya in ay carruurtooda ku ababiyaan adeegsiga 
							afkooda hooyo. 
 
  Sidoo 
							kale waxaa iska halkaasi ka hadlay Max’ed 
							Sh. Xassan Nuur oo 
							ah guddoomiyaha shirkadda daabacaadda ee Scansom 
							Publishers oo halkaasi ku soo bandhigay tirada 
							buugaagta Soomaalida ee illaa & hadda la 
							diiwaangeliyay in ay gaarayaan illaa 300 oo buug 
							isaga oo ku dheeraaday hannaankii ay shirkaddaasi u 
							martay xafidaadda buugaagta Soomaalida ee maanta 
							yaalla dhammaan dalalka Scandinavian-ka & North 
							America. 
 Gebagabadii kulankaasi waxaa isna halkaasi ku soo 
							bandhigay gabayo,, heeso, Guurow, Masafo, & Shirib & 
							buraanburro ka soo jeediyay hobollo ay ka mid 
							ahaayeen abwaan Hurfe 
							Cali Qeylo & Caasho Jamaac Garow oo 
							loo yaqaanno "Caasho 
							Cuud" soo 
							jiitay dhagaha & maqalka dadweynihii Soomaaliyeed ee 
							ka qeybgalay munaasabaddaasi, waxaana ugu dambeyntii 
							halkaasi hadallo qiimo badan, guubaabo & dardaaran 
							ka soo jeediyay guddoomiyaha jaaliyadda Puntland ee 
							Gothenburg, MD. 
							C/llaahi Max’ed Axmed  "C/llaahi 
							Jowhar" oo 
							ka mid ahaa guddigii qabanqaabada ee bandhiggaasi.
 
 Waxaana xusid gaar ah mudan kaalintii ay ka qaateen 
							jaaliyadda Puntland ee magaalada Gothenburg ee dalka 
							Sweden, "Puntland 
							Community Organisation" iyaga 
							oo ballan qaaday in ay halkaasi ka sii wadi doonaan 
							qabashada & abaabulka loogu jiro barnaamijyada 
							noocan oo kale ah, kaas oo lagu ballamay in 
							sanadkiiba mar la qabto.
 
 Ikraam Cali-kaar
 Gothenburg, Sweden
 ikraam_calikaar@hotmail.com.
 |