XILDHIBAN Publications Xildhiban Publications

Home

Publications

About us

Gabayo & Guurow

Heesaha

Photo Gallery

Contact us

Home

Publications

About us

Photo Gallery

Contact us
Bandhigga buugaagta Soomaalida & magaalada London, BBC Somali Service.
18 - 19 June, 2011

Bandhigga buugaagta Soomaaliyeed oo lagu soo gebagabeeyay magaalada Helsinki, Finland.
Radio Wardheer
22 May, 2011.

Bandhigga buugaagta Soomaalida ee magaalada Helsinki, 20 May, sanadka 2011 & Radio Wardheer.
Yla Radio 1 Finland
& kulankii qoreyaasha Soomaaliyeed
19 May 2011

Geerida Max'ed Gacal Xaayow & wareysigii Abdulaziz "Xildhiban" ee Ibrahim Xassan Garabey "Daandurey"
VOA 17 May, 2011

Barnaamijkii
doodda gaaban VOA
Abdulaziz Ali Ibrahim "Xildhiban"
& C/Nuur Max'ed Axmed 22/April, 2011

Taariikh nololeedkii
Abwaankii  Qaraagii
Saalax Xaashi Carab 
Radio Eavafm, Leicester

Badhigga siyaasadda ee OWN la yeelatay C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban".
Wareysi VOA dood
ku saabsan Kacaankii

Oktoobar
C/casiis "Xildhiban" &
C/salaan Siciid
Wareysi ay laanta afka Soomaaliga ee Radio Warsan
Helsinki, Finland 
la yeelatay C/casiis "Xildhiban"

Wareysi VOA dood
ku saabsan qoraalka
Soomaaliga

Wareysi wariye Feysal Sh. Aadan "Amiin" oo ka tirsan Radio Warsan uu siiyay VOA
oo uu kaga waramayo kulanka qoreyaasha ee ka dhacay Helsinki, Finland

Wareysi ay laanta afka Soomaaliga ee BBC 
la yeelatay
C/casiis "Xildhiban"

Wareysi ay laanta afka Soomaaliga ee Radio Sweden 
la yeelatay C/casiis Xildhiban"

Halkan ka dhageyso
Idaacadda Radio Muqdisho

  8:00AM

  2:30PM

  8:00PM

Somali Radio

Barnaamijyada Idaacadda 04:00 GMT

Barnaamijyada Idaacadda 11:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 14:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 18:00 GMT

  4:00PM

  7:00PM

  8:00PM

Somali Links

Watch
Somali National TV

Wikileaks

Somalia

Radiomuqdisho.net
Balcad.com
Aaboow.com
Dhoobleey.com
Gureforpresident.com
Newsomali.com
XildhibanPublications.net
Waax & Waadi
VOA Somali Service
BaidoaNews
Cunaabi Heeso
Boocame
Mahiigaan
Keydmedia
XananoMediaNetwork
Allpuntland
Allceeldheer
Allgedo
Buurhakaba
BBC Somali Servive
Calanka
Dayniile
Daryeels
Dhagaxtuurnews
Dhahar
Hamarey
Hiiraan

Hornafrik

Jowhar
Janaale

Kasmonewspaper

Kubadda

Markacadeey

Midnimo
Mareeg

Onkod

Puntlandpost

Radio Banaadir

Qaranimo

Shabelle

Somaliweyn

Somalitalk

Solamusic

Waddaniga

Wardheernews

Waagacusub

Xamardaye

 
 
 
 

 

"Somalia's past and present administrations and leaders"


Maamulladii & madaxdii soo martay Soomaaliya

Xildhiban Publications;- 15 April, 2013.

This book entitled 'Somalia's past and present' Administrations and Leaders' by Abdulaziz Ali Ibrahim "Xildhiban" is a well-re-searched and well-written book. It gives the names, photographs and a complete background of all past and present Somali leaders, cabinet ministers, politicians, senior army high ranking officers as well as prominent diplomats who served the country since Somalia's Independence in 1960. 

This "Who’s Who" of Somalia’s noteworthy figures, makes a fascinating reading and in my opinion is an excellent guide to anybody who is interested in the political history of Somalia. The author has carried out an extensive and meticulous research to assemble and document all these facts about Somalia's leaders of the past half a century.

The author has written several books on Somalia, all in the Somali language. The Somali script, which was written in 1972, is widely used by the Somali people inside and outside of the country. Unfortunately, the written Somali language was adversely affected by the collapse of the Somali state in 1991 and the subsequent civil war which claimed the lives of hundreds of thousands of people including, women and children. 

Abdulaziz is one of the very few Somalis who are determined to preserve and maintain the development of the written Somali language, through his publications and speeches. 

I sincerely encourage the author to have this book translated into English so that the non-Somali speakers as well as the young Somalis in the Diaspora can enjoy reading this highly informative book.

Abdullahi Hajji, Former Senior BBC Producer,
Somali Section. BBC WORLD SERVICE. 
London, United Kingdom

United Kingdom
Xildhiban Publications.

Isha Qoraalka
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
Copyright © Xildhiban 2012
All rights reserved.


                           
            
                                                     GOGOLDHIG

Waxay dad badani is weydiin karaan waxa ku kallifay qoraaga buuggan C/casiis "Xildhiban" in uu qoro buuggan uu ugu magacdaray Maamulladii & madaxdii soo martay Soomaaliya. "Leadership is the challenge to be something more than average". Jim Rohn.

Ummad kasta waxay leedahay taariikh & waayo taxane ah, taariikhdana waxaa sameeya dadka, wallow fac kastaa uu ku qumo tubtii ay u sallaxeen jiilkii ka hor-reeyay. Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka faca & taariikhda weyn, gaar ahaan dalalka Geeska Africa.

Soomaaliya waxay gobannimadeedii hanatay 1dii bishii July, sanadkii 1960kii, iyadoo dagaalkii ay Soomaalidu la galeen gumeysteyaashii uu ahaa mid muddo dheer soo socday, taariikhduna ma illowdo dadkii ama xubnihii u soo halgamay, sidaas darteed ummadi ma hiigsato horrumarka nolosha haddii aanay hog-gaamineyn hoggaamiyeyaal u hagar baxa. Ummad kasta waxay leedahay taariikh u gaar ah oo lagu xusuusto halgammadii & marxaladihii ay u soo martay dhis-maha nolosheeda & jiritaanka qarannimadeeda, taariikhdaas oo kalena waxaa horseeda geesiyaal ka soo dhexbaxa bulshada, kuwaas oo hormuud u noqda himilada shacbiga, isla markaana ay ka tilmaan qaataan.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka adduunka ee ku caan baxay halgankii ay u soo galeen hanashada gobannimimada dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaa xusid mudan in ay dadka Soomaaliyeed yihiin ummad aan oggoleyn addoonsiga & cadaadiskii lagala kulmay isticmaarka oo ay kaga soo horjeedday gunnimada & dhagartii gumeysiga.

Taariikh ahaan wixii ka horreeyay qarnigii 18aad intii uusan billaaban duullaankii dhulka Soomaalida lagu qeybsaday, Soomaalida waxay dhaqan iyo dhaqaalo ahaanba aad ugu xirnaayeen caalamka Islaamka, gaar ahaa dhulalka xeebaha ku teedsan ee Banaadir, Berbera & Boosaaso. Qeybintii dhulka Soomaalida ka dib waxaa abuurmay nidaamyo ku cusubulshada Soomaalida kana duwan xeerarkii & shuruucdii ay ku dhaqmi jireen ummadda Soomaaliyeed, waxaana aad u yaraa-day xiriirkii ay Soomaalida la lahaayeen dalalkii Islaamka, iyadoo meelo badan oo ka tirsan dhulalka Soomaalida ay ka bilowdeen dhaqdhaqaaqyo lagaga soo horjeedo maamulkii soo galootiga ahaa ee gumeystaha.

Dhaqdhaqaaqyadii ugu caansanaa ee lagaga soo horjeeday waxay ahaayeen kii Axmed Ibraahim "Axmed Gurey" & kii Sayid Max’ed Cabdulle Xassan ee dhamaaday 1921kii, iyadoo halgamadaas ujeedadoodu aheyd sidii dib loogu celin lahaa dhulyowgii dadka Soomaaliyeed ee gumeystuhu qeybsaday. Horraantii sanadkii 1940kii waxaa qeybo badan oo dhulka Soomaalida ee gacanta u galay gumeysigii dalka qabsaday ka bilowday dhaqdhaqaaqyo tiro dhaafay, iyadoo urur-radii "SYL" & "SNL" ay billaabeen dhaqdhaqaaqyadii caanka noqday ee lagaga soo horjeeday gumeysiga.

Sidaas darteed markii ay madaxbannaanida gaareen gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ee Somaliland 26kii bishii Juun sanadkii 1960kii & gobollada Koo-fureed ee Soomaaliya , Italian Somaliland 1dii Luulyo isla sanadkaas 1960kii ay midoobeen labadaasi gobol isla waqtigaas, iyadoo midnimadaasi ka dib la isku raacay in labadaasi gobol ee midoobay in ay qaataan magaca "JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA" ama "Somali Republic".

Haddaba waxaan jeclaan lahaa in aan qoraalkeyga dadka Soomaaliyeed ugu soo bandhigo ujeeddada buuggan aan u qoray ay tahay wacyigelin & barashada hog-gaamiyeyaashii Soomaalida kana soo horjeeda doodaha ka dhex taagan qabaa’ilka Soomaalida, ujeeddada ugu weynse ay tahay in aan dadka Soomaaliy-eed u soo bandhigo xaqiiqada wixii aan kari karayay in aan ka sameeyo taariikh nololeedyadii hoggaamiyeyaashii, madaxdii, garyaqaannadii, culuma’udiinkii taariikhda galay ee ay yeesheen dalka & dadka Soomaaliyeed, intii aan awoodi karayay in aan helo.

Shaki kuma jiro in dhinacyo badan laga eegi karo sida;- ammaan loo tiriyo & eedo loo jeediyo, iyadoo laga eegayo muddadii ay mas’uuliyiinta ahaayeen ama hayeen xilalkii ay ka maamulladii soo maray dalka ay dagaalladu aafeeyeen ee jamhuuriyadda Soomaaliya.

Ma ahan wax ku cusub dhaqanka maamullada & madaxda soo marta dalalka Africa in nidaamba nidaamkii ka horreeyay uu eedo u tiriyo, haddii ay wax ka qaldamaan inta uu maamulkaa madax ama uu hoggaamiye madax ka ahaa xittaa haddii kartidarradu & waxqabad la’aantu ka imaaneyso dhiniciisa. Ka sokow taariikh nololeedyadii hoggaamiyeyaasha Soomaalida wuxuu buuggani wuxuu soo bandhigayaa muuqalladii & kulamadii ay madaxdaasi la yeeshaan hog-gaamiyeyaal ka tirsan beesha caalamka 60-kii - 70kii sanadood ee ugu dambeeyay.

Waxaa muhiim ah iyadoo la tixgelinayo burburka baahay ee ku dhacay
Soomaaliya in ay adag tahay in la helo wax kasta oo ka mid ah taariikhda dheer
ee ummadda Soomaaliyeed ee la saanqaadeysa waayaha & waqtiga caalamka in-tiisa kale uu marayo, sidaas darteed waxaa muhiim ah in iyadoo la ilaalinayo
xaqqa ama xuquuqda mujtamaca Soomaalida & qoraallo gala ama loo keydiyo
ummadda Soomaaliyeed.

Buuggani kama tarjumayo rabitaanka madax, hoggaamiyeyaal ama shaqsiyaad
ammaan ama xume loo tirinayo ee wuxuu ka turjumayaa xaqiiqada jirta, sidaas
darteed waxaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay akhriyaan buuggan si
ay wax uga bartaan taariikhda & xaqaa’iqa jirta ee maamulladii & madaxdii soo
martay dalka Soomaaliya, waayihii kheyrka & shartaba lahaa ee la soo maray.

Gebagebadii waxaan shaki ku jirin in buuggani daah fur u noqonayaa keydka
xagga aqoonta baahsan ee bulshada Soomaalida & cid kasta oo daneyneysa in
ay wax uga ogaato qoraalladii laga sameeyay madaxdii & hoggaamiyeyaashii soo
maray ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan qoraalkeygan ku soo gebagabeynayaa tix maanso ah oo uu tiriyay Allaha
u naxariitee Abwaan C/qaadir Xersi "Yamyam" oo aheyd;- "Ninkii timir
abuuriyo, ninkii tiin tallaalaba, taariikhdu waa warin".
Taariikhda ummadda Soomaaliyeedna kama salguuri doonto maskaxdooda inta ruux ama qof Soomaali ahi nool yahay.

"Tribalism provides no shelter; It only causes destruction".
"Dugsi ma leh qabyaaladi, waxay dumiso mooyaane".
C/llaahi Suldaan Timacadde.
Allaha u naxariisto.
Aamiin.


Xildhiban Publications:-Dadaalka bulshada caalamka + Daalaa dhacca & Dabac-sanaanta Sheikh Shariif + Dagaalyahannada Shisheeye & Damaca Al Shabaab
+ Dammanaanta Shariif Xassan & Daacaddarrida baarlamaanka + Duqeynta
AMISOM & Dalabka ciidamada shisheeye + Doodda Somaliland & Damaca
Puntland = Dareen la’aanta shacbiga Soomaaliyeed.

Murtidii Qoraaga Buugga
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"

           

Qoraa Sare
Abdulaziz Ali

Ibrahim "Xildhiban"

WAXAY KUU DHIGEEN MA KUGU DHAQEEN

Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen

Taxanaha Taariikhda SOOMAALIYA

Taxanaha
Taariikhda

Soomaaliya

MAAHMAAHYO Murti & Madadaallo

Maahmaahyo
Murti &
Madadaallo

Sooyaalkii suugaanta

Sooyaalkii suugaanta
Read more..

Xulka maansooyinka

Xulka
maansooyinka
Read more.....

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Horseedayaashii Halaagga
SOOMAALIYA

Published 2010

Dalaan dalkiisa Damqasho Laheyn

Coming soon


Maamulladii
& madaxdii soo
martay Soomaaliya

Coming soon

Bandhigga buugga
"Saa waxay tiri"

Xildhiban Publications
Presents

Xildhiban Publications
Presents

Abwaano & Fanaan ka hadlaya taariikh nololeedkii Cabdulle Raage Taraawiil

Kulankii Qoreyaasha Soomaaliyeed ee dalka Sweden

Madaxweyneyaashii
Soomaaliya

Taariikh nololeedkii Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan 1 1 July 1960-1967


Taariikh nololeedkii Madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke
10 July 1967-1969


Taariikh nololeedkii
Madaxweynihii KMG
Sh. Muqtaar Max'ed Xussein
16-21 Okt. 1969

Taariikh nololeedkii Madaxweyne S/Gaas Max'ed Siyaad Barre 21 Okt. 969-1990

Madaxweyneyaashii
Dagaallada Sokeeye

Taariikh nololeedkii Madaxweyne
Cali Mahdi Max'ed
28 Jan. 1991-1993

 
 

 

Home   |   Publications   |   About us   |   Photo Gallery   |   Contact us

_______________________________________________________

Copy Right xildhibanpublications.com ® All Reserved 2008