XILDHIBAN Publications Xildhiban Publications

Home

Publications

About us

Gabayo & Guurow

Heesaha

Photo Gallery Contact us

Home

Publications

About us

Photo Gallery

Contact us

Wareysi VOA dood
ku saabsan qoraalka
Soomaaliga

Wareysi  ay laanta afka
Soomaaliga BBC la yeelatay C/casiis "Xildhiban"

Somali Radio

Barnaamijyada Idaacadda 04:00 GMT

Barnaamijyada Idaacadda 11:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 14:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 18:00 GMT
 

  4:00PM

  7:00PM

  8:00PM

Somali Links

Aminarts
Allpuntland
Allceeldheer
Dayniile
Dhagaxtuur
Hamarey
Hiiraan
Hornafrik

Markacadeey

Midnimo
Mareeg

Puntlandpost

Qaranimo

Shabelle

Somaliweyn

Somalitalk

Solamusic

Universal TV

Xamardaye

International News Agencies

Aljazeera

Arabnews

Reuters

Washington post

BBC

CNN

More Somali Books
Coming soon

Date:  

Heshiishyadii nabadda ee Soomaaliya: Hurinta colaadaha & kooxaysiga.


Heshiishyadii nabadda ee Soomaaliya: Hurinta kooxaysiga.


Warsan Cisman Saalax iyo Abdulaziz Ali Ibrahim "Xildhiban"

19 sannadood ee tagay Somalidu waxay qabteen shirar badan oo ah nabadda iyo dib-u-heshiisiinta waxayna ay soo saareen heshiisyo badan oo nabadda ah, qaar waxay ka dhexeeyeen dhawr qof kuwa kalena xulufo siyaasadeed oo ka weyn.

Heshiisyadaa intooda badan lama hirgelin qaar badan xitaa uma ay qalmin warqadda lagu qoray. Dib-u-heshiisiintii lagu guulaystaba waxa sii kordhaayey tirade qaybaha ka qaybgalaaya, hase-ahaatee dhammaantood waxay ku fashilmeen in ay nabad ka dhaliyaan Somaliya.

Qoraalkan waxa uu soo gudbinayaa waxii lagu wada hadlay qaar ka mid ah heshiisyadii nabad-raadinta ee la qabtay ilaa iyo 1991 si loo sameeyo dawlad qaran oo Somaliya ah. Waxa uu ku qoran yahay sida Somalidu u aragto, dibna u eegaysana sababta ay u dhacday in heshiisyada sidaas u badan ay natiijo uga soo bixi weyday.

Shirar, qabaa’il iyo kooxaysi

Waxa nidaamka qabiilku uu sharxayaa xidhiidhka bulshada ee Soomaalida iyo siyaasadda. Hase-ahaatee waxa uu ku milmay qaabka shirarka nabadda Somalida ee caalamku uu horkacaayo siyaabo ah in la kobciyo kooxaysiga. Dagaallada Soomaaliya waxa uu la soo baxay adeeg iyo tartan shaqsiya iyo danaysiga qabiilka.

Shirarka dib-u-heshiisiintu waxay ku fashilmeen in ay wax ka qabtaan dhibaatada jirta waxayna ay noqdeen meel loo maro inay kordhiyaan danaysigaa. Sida ay u sii koraayeen tirada kooxuhu 1990, in la qabtaa shir cusub waxa uu noqday guul kale, halkii uu ka sii xoojin lahaa waxii hore loo qabtay. Qof kasta oo shir dib-u-heshiisiin ah loo aqoonsaday inuu yahay hoggaamiye mudan waxa markiiba loo arkaa inuu yahay nin u fadhiye qabiilkiisa.

Qaar waxay abuureen koox kaliya in ay helaan taageero, markaa si ay kordhaan tirade ka qaybgale-yaasha oo ay sii dheeraadaan shirku. Qaar kale waxay uga soo qaybgaleen iyaga oo uu muraadkoodu uu yahay kaliya in ay is hortaagaan danaha uu leeyahay qof la tartamaaya. Nasiibdarro, midnimada qabiilka waxa beddeli kara shakhsiyaad si ay u gaadhaan awood siyaasadeed oo ay ku helaan faaiido u gaar ah.

In kasta oo ay jirtay inay sii badanaayeen ka qayb-galeyaashu, ma jiro shir ah dib-u-heshiisiin lagu gaadhay nabadgelyo waarta. Hoggaamiyihii dhintay Mohamed Farah Caydiid ayaa markii u horaysay soo saaray odhaahda ‘looma dhamma’. Odhaahdani marar badan ayaa la isticmaalay si loo baabi’iyo heshiisyada nabadda oo cudurdaar loogu helo in la sii wado dagaalka, inkasta oo ay badanaa macnaheedu yahay waxoogaa ayey ka badan tahay maqnaanshaha dhawr qof miiska wadahadalka.

Shirarkii dib-u-heshiisiinta ee hore

Labada ugu horeeyey shirarkii dib-u-heshiisiinta ee caalamiga ahaa ee la doonaayey in la dhiso dawlad Soomaaliya waxay ka dhaceen Djibouti Juun iyo July 1991. Waxa ka soo qaybgalay lix urur, dhammaantood u joogay qabiil iyo qabiil hoose. Hase-ahaatee runtii qabiilka waxa uu ahaa qalab la doonaayey in lagu gaadho muraadka qofka, intooda badani waxay madax ka ahaayeen xafiisyo dawladdii hore waxayna ay u tartamaayeen darajooyin la mid ah maamul cusub oo suurto-gal ah.

Waxa la saxeexay heshiis Ali Mahdi ka dhigaaya madaxweyne. Heshiiskan markiiba waxa diiday General Caydiid, oo ahaa qabiil hoose oo Hawiye ah oo ka duwan qabiil hoosaadka Cali Mahdi waxaanu diidanaa hoggaaminta Mahdi ee xisbiga mideynta Soomalida (USC). Waxayna dhelisay dagaal shacbi oo Muqadisho iyo koonfurta ku danbayay.

Shirkii weynaa ee ahaa dib-u-heshiisiinta qaranka ee labaad waxa Addis Ababa Maars 1993 ka abaabulay ururka quruumaha Midoobey (UN). Waqtigan waxa jiray 15 kooxood inay ka qaybgalaan. Qaar waxay ahaayeen ururo qabaa’il cusub, oo ay ka mid ahaayeen kuwa tirada yar oo aan joogin Djibouti, hase-ahaatee qaar badan oo ahaa kuwii ku xidhnaa Ali Mahdi ama Caydiid.

Dhaqdhaqaaqa Wadaniga ee Soomaaliyeed (SNM) ayaa lagu casuumay hase-ahaatee may ka soo qaybgalin. Waxa kaliya ee taagnaa saddex kooxood ilaa iyo shirkii Djibouti. Waxa lagu heshiiyey kulan lagu doonaayey in dawlad la dhiso hase-ahaatee waligeed lama hirgelin. Waqtigaa madaxda kooxaha waxay caan ku ahaayeen in loo yaqaan ‘qabqable-yaal dagaal’. Waxay UN ay Djibouti ku qabatay shir kale Maars 1994.

Waxaa mar kale kordhay ka qaybgale-yaasha, hase-ahaatee dhammaantood waxay ka mid ahaayeen mid ama xulufo, Xulufada Qaranka Somaliyeed (SNA) iyo xulufada Badbaadinta Somaliya ee Cali Mahdi (SSA). Waxa kooxaha qaybsani ay lahaayeen magaca kooxda ay xulufada la leeyihiin, sida USC/SSA iyo USC/SNA, Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliya (SPM)/SSA ama SPM/SNA.

Bishii Oktoobar 1996 madaxweynihii Kenya Daniel Arap Moi ayaa martigeliyey saddexda hoggaamiye ee ugu mudan Mogadisho, Cali Mahdi,Osman Atto iyo Hussein Caydiid (oo ka dhaxlay aabihii hoggaamiyaha SNA ka dib markii uu dhintay) oo ay soo raacaan xubno kale oo SSA. Inkasta oo lagu heshiiyey nabad sagaal qodob ah, waxqabad-kaasi wuu ku fashilmay inuu xaliyo wax uun waxaana sii socday kooxihii oo sii bata. Waxa bulshada adduunku ay awood u weyday in ay la xidhiidho hoggaamiye-yaal cusub ama ay soo jiidato kooxaha si ay matilaan qaybo midaysan. Kooxo ka goostay kooxaha jira ayaa mar kastaba loo ogolaa in ay yimaadaan.

Tiro ah labaatan iyo toddoba saxeexayaal ayaa ka mid ahaa dib-u-heshiisiintii saddexaad ee weyneed ee lagu qabtay Sodre, Ethiopia, Nofambar 1996 ilaa iyo Janaayo 1997, inkasta oo Xuseen Caydiid iyo afar kale xulufadiisa ahi ay diideen in ay ka soo qaybgalaan.

Shir afraad oo dib-u-heshiisiin ah oo ka dhacay Qaahira dhammaadkii 1997 waxa la arkay 28 saxeex oo ah in la raadiyo heshiis, kana mid ahaayeen Cali Mahdi iyo Caydiid. Hase-ahaatee markan hoggaamiye-yaasha kooxaha uu u dhaw Ethiopia sida Cabdillahi Yusuf ayaa ka noqday wadahadalka, iyaga oo u arkay inuu lid ku yahay shirkii Sodre ee Ethiopia ay taageeraysay walibana aad ugu dhawaa xubno ka mid ahaa Al Itixaad-koox Muslimiin ah oo mitid ah oo dagaal la galay Puntland iyo Ethiopia.

Min Carta ilaa iyo dastuurka fedaraalka

Shirkii xigay ee nabadda qaranku waxa lagu qabtay Carta, Djibouti, waxayna noqotay tallaabo cusub oo ah dib-u-heshiisiinta Somaliya. Iyada oo ay u qabteen dalalka dariska ah in ay ahaato hindise gobolka ah oo ka timid Hay’adda Dawladaha Horumarinta (IGAD), waxay hadaladu socdeen shan bilood, kuna dhammaatay Ogost 2000 soo saaridda iyo dhisidda Dawladda Ku meel-gaadhka ah ee Qaranka (TNG) oo uu hoggaaminaayey Abdulqasim Salaad Hassan. Haddii la barbardhigo shirarkii hore ee dib-u-heshiisiinta, waxa shirkii Carta ku jiray ka soo qaybgalayaal badan oo ahaa madaxda shicibka ee aan hubka sidan – aqoonyahanno, madaxda qabiilka iyo diinta iyo xubno ka mid ahaa bulshada ganacsatada Ah. Waxa ka qaybqaatay in yar oo ahayd qabqableyaasha aan sidaa u awoodda badneen, hase-ahaatee kuwa qabqableyaasha daran ee Mogadisho may iman, iyo waliba Cabdillahi Yusuf oo ku diiday in aysan laheyn qaab federaal.

Haddana waxa TNG ay ahayd dawladdii Somaliya u horaysay ilaa iyo1991 ee hantida aqoosiga caalamka, u suurtogelisayna in Somaliya ay dib u hananto kursigeedii UN iyo waaxyaha gobolka. Hase-ahaatee bulshada adduunku waxay ku fashilantay in ay TNG siiso taageero, oo ay qayb ka ahayd taageerada Ethiopia ee Cabdillahi Yusuf. Waxa Cabdillahi Yusuf kula kulmay 17 kale oo ahaa kooxaha iyo xulufo siyaasadda ee Somaliya Awasa, Ethiopia, Maars 2001 halkaas oo ahayd in lagu abuuray Dib-u-heshiisiinta Somaliya iyo Golaha Ilaalinta si loo diido waxii ka soo baxay Carta iyo TNG, iyo la abaabulo samaynta Dal Somaliyeed oo Federaal ah.

Si loo heshiisiiyo TNG iyo SRRC dii ka soo horjeeday, IGAD waxay bilowday dib-u-heshiisiin cusub ka hor intii aysan dhammaan muddadii TNG. Hawlgalkani waxa uu ku bilaabmay lix shir oo waaweyn oo ahaa dib-u-heshiisiinta Somaliya, Shirkii dib-u-heshiisiinta Somalida, lagu qabtayEldoret, Kenya, Oktoobar 2002. Waxa ka soo baxay hashiis ah xabad-joojin ay saxeexeen hoggaamiye-yaasha 24 kooxood hordhac u noqonaysa baahida ah in la dhiso qaab federal ah,oo beddelaaya qaabkii midnimada ee laga soo saaray Carta.

Kuwa saxeexay waxa ka mid ahaa qaar u jooga TNG, koox xoogweyn oo ah SRRC, tiro ah qabqableyaasha ugu awoodda badan iyo madax kala duwan oo ku xidhnaa kooxihii hore ka qaybgalay shirarkii hore. Kulankani waxa uu ka koobnaa 300 oo wafdi oo muddo laba sannadood ah la soo kala saaraayey. Tani waxay horseeday heshiis ah dastuur Federaal ku meel-gaadh ah iyo doorashada 275 xubnood oo baarlamenka ah, kuwaas oo ka bacdi Cabdillahi Yusuf u doortay madaxweyne TFG bishii Oktoobar 2004.

Labadooduba Carta iyo dastuurka federaalku waxay habka ‘4.5’ ee awoodda lagu qaybsanaayo kaas oo qabaa’ilka Somalida afar waaweyn iyo isu keenida dhammaan inta hadhay ‘0.5’. Habka waxa carqaladeeyey taageero la’aan ka timid maamulada Soomaaliland iyo Puntland.

Shakhsiyaad ka mid ah qabaa’ilka si weyn u dega goboladaa ayaa ka qaybgalay wadahadalka nabadda hase-ahaatee xad ayey lahayd awoodda ay u leeyihiin in ay ku matilaan goboladooda habka ah ‘4.5’.

Dib haddii loo eego

Qabanqaabooyinkii badnaa ee ahaa nabadda Soomaaliya iyo dib-u-heshiisiinta waxay soo saareen heshiisyo badan hase-ahaatee weligood may u abaarin dhibaatooyinka kala dhexyaal dadka iyo qabaa’ilka. Wareeg kasta oo wadatashi ah iyo shirar kooxaha iyo xubnaha bulshada caalamku waxay dib u soo celiyaan qaldaad isku mid ah oo la sameeyey hawlihii hore iyo heshiisyadii.

Waxay u muuqataa in Soomaalidu dib ay u eegto hawlgaladaa kaliya inay ku abuurto murugo, ma aha inay casharro ka bartaan, taas oo ah sababta waxyaalihii ka soo baxay ay marar dhif ah isbeddeleen, halka isku dheelitirka siyaasadu uu halkiisii uun yahay.

Abdulaziz Ali Ibrahim “Xildhiban” waa qoraa Soomaali ah oo muwaadinnimo British haysta. Waana nin u ololeeya hawlaha nabadda. Wuxuu bartay cilmiga siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah-Jaamacadda Florence. Wuxuu Agaasime ka yahay qooraalka la yiraahdo Xildhiban Publications.

Warsan Cisman Saalax waa qoraa arrimaha siyaasadda waxay baratay cilmu nafsiga iyo dhaqannada kala duwan. Waxay u ololaysaa hawlaha nabadda waxayna la shaqaysaa Somalida deggan London. 
 

Isha qoraalkan;
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban", London

xildhiban@hotmail.com

Ogeysiis: Qoraalladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto wargeys, haddii aad u baahato fadlan la xiriir bahda wargeyska uu cinwaankiisu yahay www.xildhibanpublications.com ama qoraha caanka ah ee C/casiis Cali Ibrahim (Xildhiban)


Xildhibanpublications. London

  

 

 
WAXAY KUU DHIGEEN MA KUGU DHAQEEN

Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen

.

Taxanaha Taariikhda SOOMAALIYA

Taxanaha Taariikhda Soomaaliya

 

MAAHMAAHYO Murti & Madadaallo

Maahmaahyo Murti
& Madadaallo

.

More Books ....

Coming soon

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA


Coming soon

Dal aan dalkiisa Damqasho Laheyn

Dalaan dalkiisa Damqasho Laheyn

Home   |   Publications   |   About us   |   Photo Gallery   |   Contact us

_______________________________________________________

Copy Right xildhibanpublications.com ® All Reserved 2008