XILDHIBAN Publications Xildhiban Publications

Home

Publications

About us

Gabayo & Guurow

Heesaha

Photo Gallery Contact us

Home

Publications

About us

Photo Gallery

Contact us

Wareysi VOA dood
ku saabsan qoraalka
Soomaaliga

Wareysi  ay laanta afka
Soomaaliga BBC la yeelatay C/casiis "Xildhiban"

Somali Radio

Barnaamijyada Idaacadda 04:00 GMT

Barnaamijyada Idaacadda 11:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 14:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 18:00 GMT
 

  4:00PM

  7:00PM

  8:00PM

Somali Links

Aminarts
Allpuntland
Allceeldheer
Dayniile
Dhagaxtuur
Hamarey
Hiiraan
Hornafrik

Markacadeey

Midnimo
Mareeg

Puntlandpost

Qaranimo

Shabelle

Somaliweyn

Somalitalk

Solamusic

Xamardaye

Universal TV


International News Agencies

Aljazeera

Arabnews

Reuters

Washington post

BBC
CNN

Ra'iisul wasaareyaashii soo maray Soomaaliya
C/llaahi Ciise Max'ud
Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare
C/llaahi Ciise Max'ud
1 July 1956-14 July 1960
Taariikh nololeedkii
 ra'iisul wasaare
C/rashiid Cali Sharmaarke
 12 July 1960-14 July 1964
C/risaaq Xaaji Xussein Xassan

Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare
C/risaaq Xaaji Xussein Xassan
14 June 1964-15 July 1967

Max'ed Xaaji Ibrahim Cigaal
Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare
Max'ed Ibrahim Cigaal
15 July 1967-21 Okt. 1969
Max'ed Cali Samatar
Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare S/Guud
Max'ed Cali Samatar
1 Feb. 1987-3 Sep. 1990
Max'ed Xawaadle Madar
Taariikh nololeedkii
ra'iisul wasaare
Max'ed Xawaadle Madar
23 Sep. 1990-24 Jan. 1990

 

Taariikh nololeedkii Brigadier General Max’ed Faarax Xassan "Ceydiid"


Taariikh nololeedkii Brigadier General
Max’ed Faarax Xassan "Ceydiid"

 

Xildhiban Publications;- Last update:  Wednesday - 29 September 2010

 Qoraa Sare Abdulaziz Ali Ibrahim "Xildhiban", Xigasho Buugga Madaxdii & maamulladii soo maraye Soomaaliya. Pages;- 176, 177, 178, 179,180.

Jeneral Max’ed Faarax Xassan Ceydiid wuxuu ku dhashay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee dalka Soomaaliya sanadku markuu ahaa 1934tii.

Wuxuu waxbarashadiisii dugsiga hoose & dhexe ku dhammeystay magaalada Muqdihso muddadii u dhaxeysay 1946dii – 1949kii, wuxuu horraantii sanadkii 1952dii-1953dii galay dugsigii tababarka ciidamada ee Dhanaane ee duleedka magaalada Muqdisho.

Sanadkii 1954-1956dii Jeneral Ceydiid wuxuu ka mid ahaa saraakiishii dhinaca waxbarashada loogu qaaday kulliyadda ciidamada ee magaalada Cesano, Rome ee dalka Talyaaniga. Sidoo kale wuxuu intii u dhaxeysay 1956dii tababar ku qaatay dugsigii tababarka ciidanka boliiska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, tababarkaas ka dibna wuxuu mar kale waxbarasho u tagay dalka Talyaaniga intii u dhaxeysay 1959kii – 1960kii, halkaas oo lagu siiyay dallacaadda sarkaalnimo.

Wuxuu sidoo kale waxbarasho u tagay Jeneral Ceydiid dalkii la oran jiray USSR intii u dhaxeysay 1963dii – 1966dii kulliyadda ciidamada Frunza ee dalkii Midowga Sofiyeeti ee “USSR”, haddana loo yaqaanno Ruushka.

Jeneral Ceydiid wuxuu soo qabtay xilalka kala ah;-

1. Taliyihii ciidamada saldhigga boliiska ee degmada Xudur ee gobolka Bakool
    intii u dhaxeysay 1957-1958dii.
2. Taliyihii ciidamada boliiska ee gobolka Banaadir sanadkii 1959kii.

3. Taliyihii ciidamada boliiska ee Jubbada Hoose eemagaalada Kismaayo sanadkii
    1959kii.
4. Taliyihii dugsiga Fort Bettego ee hadda loo yaqaan Xalane intii u dhaxeysay
    1960dii-1962dii.
5. Taliyihii tababarrada, howlgallada ee ciidamadii Qalabka Sida ee magaalada
    Muqdisho, sanadkii 1963dii.
6. U qeybsanihii dhinaca ciidamada ee Soomaaliya, safaaraddii ay Soomaliya ku
    laheyd dalka Ruushka sanadkii 1966dii.
7. Taliyihii dhinaca howlgallada ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed intii u
   dhaxeysay 1966dii-1968dii.
8. Taliye ku xigeenkii ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed ee Waqooyiga
   Soomaaliya ee magaalada Hargeysa 1968dii-1969kii.
9. Taliyihii dhinaca howlgallada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed intii u
    dhaxeysay bishii July-bishii November, sanadkii 1969kii.

Ka dib markii ay ciidamadu la wareegeen talada dalka Soomaaliya sanadkii 1969kii waxaa loo taxaabay xabsiga taariikhdu markii ay aheyd 23kii bishii Novembar sanadkii 1969kii, wuxuuna xirnaa illaa 21kii bishii Oktoobar sanadkii 1975tii oo xabsiga laga sii daayay. Waxyar ka dib markii xabsiga laga sii daayay sanadkii 1975tii waxaa loo magacaabay maareeyihii warshaddii daawada ee Aspima.

Sanadkii 1977 waxaa dib loogu celiyay ciidamadii qalabka sida ee Soomaaliya wuxuuna ka qeybgalay dagaalkii u dhaxeeyay Soomaaliya & Ethiopia, waxaana loo magacaabay taliyihii tababarrada ciidamada ee degmooyinka Balanballe & Golgodob, waxaana ka dib loo soo wareejiyay dugsigii tababarka ciidamada ee Hiilweyne ee magaalada Muqdisho.

Sanadkii 1978dii waxaa loo magacaabay la-taliyihii madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha ciidamada xilkaas oo uu hayay 1984tii, wuxuuna fadhigiisu ahaa madaxtooyada Soomaaliya ama Villa Somalia.

Jeneral Max’ed Faarax Ceydiid wuxuu ka mid noqday xubnihii Golihii Shacbiga Qaranka muddadii u dhaxeysay 1980kii illaa 1984tii, wuxuuna xubin ka noqday guddigii arrimaha difaaca ee guddi hoosaadyadii baarlamaanka Soomaaliya.

Sanadkii 1984tii waxaa loo magacaabay in uu dalka Hindiya safiir uga noqdo dowladdii dhexe ee dalka jamhuuriyadda Soomaaliya, xilkaas oo uu hayay illaa laga soo gaaro sanadkii 1989kii waqtigaas oo la sheego in Allaha u naxariistee Dr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble uu ugu tagay magaalada Mumbai ee dalka Hindiya si uu u hoggaamiyo garabka ciidamada ee jabhaddii USC oo dagaal kula jirtay dowladdii madaxweyne Max’ed Siyaad Barre.

Dabayaaqadii sanadkii 1990kii wuxuu Jeneral Ceydiid ku dooday in uu yahay guddoomiyihii garabka hubeysan ee ururkii USC ee Mustaxiil, wuxuuna magaalada Muqdisho soo galay maalmo ka dib markii xukunka laga tuuray madaxweynihii Soomaaliya Max’ed Siyaad Barre, ka dib kacdoon dadweyne oo ka bilowday magaalada Muqdisho oo uu hoggaaminayay Dr. Xussein Xaaji Max’ed “Bood”.

Jeneral Ceydiid wuxuu sanadkii 1992dii dhisay ururkii la oran jiray Somali Liberation Army, (SLA) oo ay ku bahoobeen Garabyada hubeysan ee ururrada kala ah sida: USC, SPM, SSNM, SDM, SAMO iyo SNU laguna dhisay Baardheere oo markii dambena isu badellay Somali national Alliance ama SNA.

Howlgalladii Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya sanadkii ee bilowday dabayaaqadii sanadkii bishii December, sanadkii 1992dii isla markaana dhammaaday horraantii bishii March, sanadkii 1995tii, wuxuu Jeneral Ceydiid dagaal qaraar uu la galay ciidamadii ka socday dalalka dunida ee Soomaaliya u yimid in ay gargaaraan dadkii Soomaaliyeed ee ay aafaayeen abaarihii & dagaalladii ka soconayay koofurta dalka Soomaaliya.

05tii bishii June sanadkii 1993dii waxay taageereyaashii Jeneral Ceydiid weerar gaadmo ah ku qaadeen askartii ka socotay dalka Pakistan, waxayna 24 ka mid ah ku dileen weerarkaas, ka dib weerarkaas lagu laayay ciidamadii nabad illaainta ku qasabtay Qaramada Midoobay in ay soo saarto qoraal lagu soo qabanayo hoggaamihii ururkii USC/SNA Gen. Max’ed Faarax Ceydiid.

Sidoo kale Jeneral Ceydiid waxay taageerayaashii dagaal kale isaga hor yimaadeen ciidamadii Rangers-ka ee dalka Mareykanka taariikhdu markii ay aheyd 03dii bishii Octobar sanadkii 1993dii halkaas oo lagu dilay 18 ka tirsan ciidamada Marines-ka ee dalka Mareykanka. 15kii bishii June sanadkii 1995tii wuxuu ku dhawaaqay in uu yahay madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya, xilligaas oo shir dib u heshiisiin dhinac ka mid ah dhinacyadii siyaasadda Soomaaliya isku hayay ay ku qabteen magaalada Muqdisho, ka dib markii Cusmaan Xassan Cali "Cusmaan Caato" uu ku dhawaaqay in xilkii uu hayay ee guddoomiyihii USC/SNA laga xayuubiyay taariikhdu markii ay aheyd 14kii bishii June sanadkii 1995tii.

Jeneral Ceydiid wuxuu ku geeriyooday magaalada Muqdisho ka dib markii dagaal dhiig fara badani uu ku daatay ay isaga horyimaadeen isaga & Cusmaan Caato taariikhdu markii ay aheyd 01dii bsihii August, sanadkii 1996dii, waxaana lagu aasay xaafadda Huriwaa ee magaalada Muqdisho maalin ka dib markii uu geeriyooday oo ku beegan 02dii August 1996dii, waxaa xilkii xagga hoggaaminta ee uu hayay kala wareegay wiilka uu dhalay Xussein Max'ed Faarax Ceydiid.

Jeneral Ceydiid intii aanu geeriyoon ka hor wuxuu qoray qoraalladan aan annigu lafteyda qaarkood arkay markii la daabacay horraantii sanadihii 90kii markii ay dagaallada ku dhexmarayeen isaga & madaxweynihii dowladdii KMG ahaa ee xilligaas Cali Mahdi Max’ed.

         
               Kulankii ugu horreeyay ee dib u heshiisiinta ee dhexmaray
      Cali Mahdi Max’ed & Gen. Max’ed Faarax Ceydiid. Muqdisho, Soomaaliya.

PUBLICATIONS;-

1988: Aideed 1988, Joint program of Action for joint patriotic forces with appendix, Guerilla Warfare and Tactics.
1989: M. F. Aideed 1988, the ugly revolution in the Horn of Africa, Somalia.
1988:M.F. Aideed 1988, the civil war in Somalia.
1988:M.F. Aideed 1988, the most shocking situation of Somali Republic. In press.
1988: The Manifesto, New United Somali Democratic Organization (NUSDO).
1989: M.F. Aideed 1988, Clarion Call.
1989: M.F. Aideed 1988, Clarion Call.
1989:M.F. Aideed 1988, Democracy in Somali-its roots and its future.
1990:M.F. Aideed, 1988, Statement of Brig. Gen. Mohamed Farah Aideed.
1989: M.F. Aideed, 1988, Clarion Call.
1989: M.F. Aideed, 1988, Clarion Call.
1989: M.F. Aideed, 1988, Operative plan.
1989: M.F. Aideed, 1988, Somali & Ethiopia.
1989: M.F. Aideed, 1988, Parliament in Somalia.
1989: M.F. Aideed, 1988, War Council Manual.
1989: M.F. Aideed, 1988, the bloodiest and the darkest days of Somalia.
1989: M.F. Aideed, 1988, Somali Dictator Said Barre’s new wicked survival strategy.
1989: M.F. Aideed, 1988, the recent up rising of Somali people.
1989:M.F. Aideed, 1988, the revival of Somali history, culture and cultivation.
1989:M.F. Aideed, 1988, the preferred future development for Somalia.
1989:M.F. Aideed, 1988, the latest criminal activities of Dictator Siad Barre.
1989:M.F. Aideed, 1988, Dear Brothers (Pamphlet)
1989:M.F. Aideed, 1988, The latest Deceitful move by the dictator Siad Barre (Pamphlet)
1989:M.F. Aideed, 1988, Dear Brothers (Second Phamphlet)
1989: Why dislodging Siad Barre at once in a must.

 

Isha Qoraalkan
C/casiis cali Ibrahim "Xildhiban"
xildhiban@hotmail.com
 

Ogeysiis: Qoraaladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto wargeys, hadii aad u baahato fadlan la xiriir bahda wargeyska Xamar iyo Xamardaye uu cinwaankeedu yahay www.xildhibanpublications.com ama qoraha caanka ah ee C/casiis Cali Ibraahim (Xildhiban)

 

Xildhibanpublications. London


 
WAXAY KUU DHIGEEN MA KUGU DHAQEEN

Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen

Taxanaha Taariikhda SOOMAALIYA

Taxanaha Taariikhda Soomaaliya

MAAHMAAHYO Murti & Madadaallo

Maahmaahyo Murti
& Madadaallo

Sooyaalkii suugaanta

Sooyaalkii suugaanta
Cabdulle Raage
Read more..

Xulka maansooyinka

Xulka maansooyinka
Read more.....

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Published 2009

Dalaan dalkiisa Damqasho Laheyn

Coming soon

Maamulladii & madaxdii soo
martay Soomaaliya

Xildhiban Publications
Presents

Xildhiban Publications
Presents

Abwaano & Fanaan ka hadlaya taariikh nololeedkii Cabdulle Raage Taraawiil

Kulankii Qoreyaasha Soomaaliyeed ee dalka Sweden


Masjidka
C/casiis magaalada Muqdisho

Home   |   Publications   |   About us   |   Photo Gallery   |   Contact us

_______________________________________________________

Copy Right xildhibanpublications.com ® All Reserved 2008