Daahfurkii buugga "Halgan &
Hagardaamo" ee uu qoray madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo lagu soo bandhigay
magaalada London, December 28 - 29, 2011.
Magaalada London ayaa hoodo iyo ayaan u yeelatay inay
noqoto goobtii afraad ee daahfurka buugga lagu soo bandhigo shalay & maanta oo
taarriikhdu tahay 28-29-2011. Kitaabku wuxuu ka xogwarramayaa Taariikh
nololeedkii qoraaga Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf.
Waa kitaabkii ugu horreeyey (Intaan ognahay ) ee uu madaxweyne Soomaaliyeed qoro
isagoo nool kaddib markii uu xilka toos uga degay. Waa qoraal daahfurayaa oo
ifinayaa dhacdooyinkii badnaa ee isdaba-joogga ahaa ee ka socday dalka
Soomaaliya lixdankii sano ee ugu dambeeyey (1950-2010). Waa dhacdooyin uu
qoraagu isagu intooda badan goobjoog ka ahaa.
Dhacdooyinka buugga ku xusan waxaa ku jira qisooyin badan oo leh murugo iyo
tiiraanyo, ciil iyo caro, hoog iyo halaag, jab iyo naaso-beel. Sidoo kale waxaa
geeddi socodkaas dheer ee nolosha la socday kuwa badan oo watay faraxad, gallad
iyo abaal, nabad iyo naruuro, raynrayn iyo riyaaq.
Cutubyada buuggu ka kooban yahay waxaa laga carrabbaabi karaa:
-Korrinkiisii iyo muddadii uu geeljiraha ahaan jiray
– Habkii uu ciidanka ugu biiray sannadkii 1950kii
– Waxbarashadii ciidanka ee uu dalka iyo dibedda ku soo qaatay
– Kaalintii uu ka qaatay dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya sannadkii 1964kii,
halkaasoo uu ku mutaystay dallacaad iyo billad geesinnimo
– Dilkii Madaxweyne Cabdirashiid iyo cidda tuhunku galay!
– Afgembigii Oktoobar 1968 iyo Xabbiskii loo taxaabay Cabdullaahi Yuusuf iyo
Maxamad Faarax Caydiid 1969-1975. lix sano oo xukun la'aan ah
– Dagaalkii 2aad ee Itoobiya iyo Soomaaliya oo Cabdullahi Yuusuf Masuul looga
dhigay Aag muhiim ahaa
– Jabkii laga dhaxlay guuldarradii dagaalkii 1977 iyo qorshe xumadii lagu galay
– Asaaskii Jabhadda /SSDF iyo mucaaradii hubaysn
– Xabbiskii labaad ( lix sano oo kale oo dalka Itoobiya lagu xiray 1985-1991) l
- Asaaskii dawlad goboleedka Puntland iyo kaalintii uu ku lahaa
- Loolankii doorashadii Madaxweynaha ee lagu qabtay dalka Kenya sannadkii
2004
- Dawladihii 1aad iyo 2aad ee TFG:da
– Iscasilaadii Madaxweyne Cabdullaahi iyo
– Taariikho kale oo aad u tiro badan oo halkan lagu soo koobi karin.
– Waa qoraal aan leexleexad iyo duurxul lahayn oo toosh ku ifinayaa arrimo
badan oo qarsoodi ahaa
– Waa qoraal aan si kale lagaga ciil-lbeeli karin ilaa dhawr goor lagu
celceshado
oo laga durduurto
Waxaa madasha qayb libaax ka qaatay oo soo bandhigay qalabka hiddaha iyo
dhaqanka gabdhaha Soomalaiyeed ee jaaliyadda Puntland ee reer London.
Goobta waxaa kale oo lagu soo bandhigay suugaan badan ( gabayo, buraamburro iyo
faallo laga bixiyey kutubta qaar ka mid.
Dhammaan dadkii madasha joogay waxay si wanaagsan u iibsadeen buuggii Halgan iyo
Hagardaamo ee uu madaxweyne Cabdullahi Yuusuf soo diyaariyey. Qaar badan waxay
nuqullo dheeraad ah u iibiyeen asxaabtooda deggen magaalooyin kale oo talefoonka
iska soo daba dirayey si ay ugu iibiyaan nuqulka ay u baahnaayeen oo deggen
meelo.
Waxaa goobta ka hadaly masuuliyiin badan oo ay la soo shaqeeyey xilliyo kala
duwan
Madaxweyne yuusuf. Dadkii badnaa ee bogaadina tiyo hambalyada u diray madaxweyne
Yuusuf waxaa ka mid ah masuuliyiinta ay ka mid ahaayeen Mudane Abshir Muuse,
Mudane Cabdullaahi Cumar ( Ina Libaax sanka taabte), abwaan Axmaed Sheekh Jaamac,
Caasha Xaaji Diiriye, Abdulkadir Faarah Jibril, Abdiwali Maxamuud Gurey, Faa’isa
Hassan Hirsi, Amina Daaud Timayare, Ahmed Tigana, Sucaado Ismaaciil iyo qaar
kale oo badan. Waxaa hambalyo iyo bogaadin gaar ah mudan guddigii qabaqaabada oo
suurtageliyey bernaamajka. Dadkaas waxaa ugu hilin cuslaa: Aadan Buryar,
Cabdiwaaxid Axmad Jaamac, Axmed-Dayib N. Keenadiid, Sahra Cabdu Muuse, Jawaahir
Cabdulqaadir iyo qaar kale oo badan.
Waxay hambalyo iyo bogaadin dadweynihii reer London u gudbiyeen madaxweyne
Yuusuf oo soo bandhigay qoraal dhaxalgal ah oo ummaddenna u noqonaya kayd qaali
ah.
Sidoo kale waxaa bogaadin iyo hambalyo la guddoonsiiyey shirkadda Scansom oo ku
guulaysatay soo saariida iyo daabacaadda buuggan iyo buugtii kale ee tirada
badnaa ee madasha lagu soo bandhigay. Bandhiga xiga waxaa bishan Jaanaayo
bartamaheeda lagu samayn doonaa magaalooyinka kala ah Lecister, iyo Birmingham,
UK.
Barnaamijka waxaa si wanaagsan usoo tebiyay warbaahinta Soomaalida ee ka
hawlgasha London, UK oo ay ka mid ahaayeen telefishinnada Universal, Royal,
Somali Channel iyo SNTV (telefishinka qaranka).