XILDHIBAN Publications Xildhiban Publications

Home

Publications

About us

Gabayo & Guurow

Heesaha

Photo Gallery Contact us

Home

Publications

About us

Photo Gallery

Contact us

Wareysi VOA dood
ku saabsan qoraalka
Soomaaliga

Wareysi  ay laanta afka
Soomaaliga BBC la yeelatay C/casiis "Xildhiban"

Somali Radio

Barnaamijyada Idaacadda 04:00 GMT

Barnaamijyada Idaacadda 11:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 14:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 18:00 GMT
 

  4:00PM

  7:00PM

  8:00PM

Somali Links

Aminarts
Allpuntland
Allceeldheer
Dayniile
Dhagaxtuur
Hamarey
Hiiraan
Hornafrik

Markacadeey

Midnimo
Mareeg

Puntlandpost

Qaranimo

Shabelle

Somaliweyn

Somalitalk

Solamusic

Universal TV

Xamardaye

International News Agencies

Aljazeera

Arabnews

Reuters

Washington post

BBC

CNN

More Somali Books
Coming soon

Date:  

Max'ed Xawaadle Madar


Taariikh nololeedkii ra'iisul wasaare
Max'ed Xawaadle Madar

Max'ed Xawaadle Madar wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa sanadkii 1939kii. Waxbarashadii wuxuu ka bilaabay Dugsigii hoose ee Fiishar la oran jiray 1949, Dugsigii dhexe (Amoud 1957-dii, Dugsigii Sare (Adan Technical College Yemen), wuxuuna ka qalin jabiyay Jaamacad ku taal  dalkii la oran jiray USSR, sanadkii 1967 qeybta Ingineernada.

Dowladdii dhexe ee Soomaaliya, wuxuu noqday Agaasimhii Howlaha Guud ee magaalada Hargeysa 1967dii, Wuxuu noqday wasiirkii Wasaarada Hawlaha Guud 1975-1981, Wuxuu noqday wasiirkii boosta iyo isgaarsiinta 1981 – 1983, Gudoomiyaha Gudiga dhaqaalah ee Golihii Shacabka ee Soomaaliya.

1984tii wuxuu noqday Wasiirka Qorshaynta 1984 – 1986, Guddoomiye xigeenkii Golihii Shacabka Soomaaliya 1990kii. wuxuu noqday ra'iisul wasaarihii dowladdii Somaaliya 1990, markii la riday dowladii uu madaxda ka ahaa isla markaana ku beegan waxyar ka dib markii ay dagaallada ka bilowdeen xarunta Muqdisho, wixii ka dambeeyey wuxuuna noqday nin deggan magaalooyinka London iyo Hargeysa.

Wuxuu guursaday labo xaas, wuxuuna ifka kaga tagay 9 caruur ah 5 wiil iyo 4 Gabdhood, Ilaahay ha u naxariistee wuxuu ahaa nin cibaado badan, oo salaad sax, ah nin akhlaaq wanaagsan, oo afkiiso iyo addinkiisuba laga nabadgalo.


Waxa kale oo door weyn uu ka qaatay shirarkii geeddi socodka nabadda Somaliland, wwuxuuna ka mid ahaa aasaasayaashii shirkadda isgaarsiinta SOLTECO. Allaha u naxariistee Max'ed Xawaadle Madar waxa uu guddoomiye ka ahaa in muddo ah guddidii dhaqaale ururinta Jaamacada Hargeysa.

Max'ed xawaadle Madar wuxuu ku geeriyooday magaalada London, waxaana lagu aasay magaalada Hargeysa 13kii bishii Janauray sanadkii 2005.

Isha qoraalkan;
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"

xildhiban@hotmail.com

Ogeysiis: Qoraalladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto wargeys, haddii aad u baahato fadlan la xiriir bahda wargeyska uu cinwaankiisu yahay www.xildhibanpublications.com ama qoraha caanka ah ee C/casiis Cali Ibrahim (Xildhiban)

Xildhibanpublications. London
 

 

 
WAXAY KUU DHIGEEN MA KUGU DHAQEEN

Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen

.

Taxanaha Taariikhda SOOMAALIYA

Taxanaha Taariikhda Soomaaliya

 

MAAHMAAHYO Murti & Madadaallo

Maahmaahyo Murti
& Madadaallo

.

More Books ....

Coming soon

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA


Coming soon

Dal aan dalkiisa Damqasho Laheyn

Dalaan dalkiisa Damqasho Laheyn

Home   |   Publications   |   About us   |   Photo Gallery   |   Contact us

_______________________________________________________

Copy Right xildhibanpublications.com ® All Reserved 2008