|
|
Gaarriyena
ma naga tagay? Lix haloo u wada gaar ahaa goconayaa
mooyi!Maqaal xiiso badan oo uu qoray Qoraa Sare
Max'ed Daahir Afrax. 07/10/12
Xildhiban Publications.;- Siduu Good ku yiri gabay
Geesigu ma waaree, Gaarriyana ma naga tagey!
Laba sano oo keliya ayaa ka soo wareegtay markii aan
akhristayaasha Wardheernews la wadaagay murugadii ay
igu dhalisay geerida is daba-joogga ah ee sidii
tusbax g’ay ay godka ku sii hoobanayaan hormuudkii
hal-abuurka iyo abwaannada Soomaaliyeed. |
Kii
aan xilligaas tacsidiisa u fadhiney wuxuu ahaa
Saalax Xaashi Carab. Baroor-diiqdiisa waxaan ku
xusay magacyada taxane dheer oo aan wax badan ka
horreyn. Waxaa ka mid ahaa (Allaha u wada
naxariistee) Xuseen Aw Faarax, Xasan Shiikh Muumin,
Cabdulqaadir Xirsi Yamyam, Cabdillaahi Qarshe, Cabdi
Muxumud Amiin, Cumar Dhuule, Cabdulle Raage iyo qaar
kaloo badan. Labadii sano ee ka dambeyseyna waxaa ka
sii daba tagey tiro aan ka yarayn intii aan
maalintaas u murugoonayney. Qiyaastayda wuu yaryahay
toddobaad aan mid hor leh laga qayla-keenin.
Toddobaadkii dhawaa annagoo weli u fadhina tacsidii
Faysal Cumar Mushtee iyo Cabdi Jeylaani Marshaale oo
in yar ka horreeyey ayaa nalooka naxsaday
“Gaarriyana socoy”!
Geeridu waa xaq tanise waa gaw! – “Abidkii rag waa
goi’ jiree tanise waa gaw e”. Cali Jaamac Haabiil
ayaa ugu baroor-diiqay saaxiibkiis Xirsi Cilmi
Goonle. Meeriskan ka sokow, geerida Gaarriye waxay i
xasuusisay lixdii qodob ee uu Cali Jaamac taxay,
sheegayna inuu uga gami’la’yahay geeridii Xirsi:
“Geeridii Xirsay sheegayaan gacal ha waayeene”.
Lixdii qodob ee uu halqabsiga uga dhigay: “lix hal
oo u wada gaar ahaa gocanayaa mooyi”.
Sidii Jaamac geeridii saaxiibkiis Xirsi ay
xasuusisay lix sifoo qaali ah oo uu lahaa, ayay
anigana geeridii saaxiibkay Gaarriye waxay ii
xasuusisay “lix haloo wada gaar ahaa”!! Lix sifo oo
qaali ah oo uu maansayahannadeenna weli nool ku
yaryahay (hadduuba ku jiro) mid ay lixdaasi ku wada
kulansan yihiin. Marka aan mid-mid idiinku sheego
waan ku kalsoonahay intiinii Gaarriye ila tiqiin
inaad wada oran doontaan “been maad sheegin”. An
idiin tiriyo:
1. Wuxuu ahaa geesi an la gabban, cidnaba uga
haybaysan wixii ugu muuqda xaq iyo xalaal.
Maansaynta iyo nolosha caadiga ah labadaba si isku
mid ah ayuu ugu ahaa dhiirrane hadalkiisu dabka ka
cadyahay.
2. Wuxuu ahaa nin leh mabda’ joogtaysan oo aragti ay
hagayso. Mabda’iisu wuxuu ahaa xuma-diid, heer qaran,
heer qaaradeed iyo heer caalami intaba.
3. Wuxuu ahaa aftahan codkar ah. Wuxuu codkar ku
ahaa maansaynta iyo hadalka caadiga labadaba. Dadku
waxay u badan yihiin qof hadalka caadiga ah codkar
ku ah laakiinse an laba meeris oo maansa ah tixi
Karin iyo mid maansada wacdaro ku muujiya, laakiinse
hadalka caadiga ah af-garooc ku ah. Gaarriye wuxuu
ahaa nin labadaba la isu raaciyey.
4. Wuxuu ahaa gabayaa haddana aqoonyahan ah/cilmi-baadhe.
Wuxuu fursad u helay tacliin sare. Waxay ku caawisay
inuu cilmi-baadhis ku keeno hindise cusub: miisaanka
maansada; dhanka kalena khilaawayn (imagination) ku
hal-abuuro maansooyin loo riyaaqo. Waa sifo aanan
xasuusan gabayaa la wadaaga.
5. Wuxuu ahaa gabayaa haddana macallin ah. Labada
sifo ee kala ah aqoonyahanimada iyo aftahanimada
ayaa waxay ku caawiyeen inuu noqdo macallin fiican
oo ardayda wax ka dhaadhicin og, wax uu ka
dhaadhiciyana yaqaan.
6. Wuxuu ahaa bulshay gole-joog macaan oo marka uu
sheekaynayo asaga uun afkiisa la wada eego.
Tilmaan-bixintani ma aha iska male-awaal iyo
nin-jeclaysi saaxiibtinimo. Waxay ka soo maaxatay
xog-ogaalnimo hoose iyo aqoon dheer oo aan u lahaa
Maxamed Xaashi Dhamac. Gaarriye muddo dhawr iyo
soddon sannadood dhan ayaan ahayn saaxiib marba dal
ku kulma (Soomaaliya, Itoobiya, Yemen, UK, Norway,
kwd).
Toddobaataneeyadii qarnigii hore ayaan isku barannay
magaalada Muqdishu. Waxaa iskaaya baray hawlaha
suugaanta oo labadayada midba dhinac kaga jirey,
marna aan isku dhinac ka miisi jirney maadaama aan
ahayn aragti-wadaag. In badan oo ka mid ah
maansooyinkiisa caanka ah wuxuu sameeyey annagoo
wada fadhina, waxaan ka mid ahaa dadkii u horreeyey
ee uu u akhriyey intaan la faafin, talona ka
weydiiyey. Waxaad ku garan kartaan qaar aan ka mid
ahaa raggii uu magacooda ku halqabsan jirey. Tusaale:
“Afraxowse weligay yididiilo kama webin”.
Halkaasaad ka garan kartaan sababta keentay xanuunka
gaar ahaaneed ee ay igu damaqday geerida Gaarriye.
Sannadkii 1996kii, markii aan ku hawllanaa asaasidda
Naadiga PEN ee Qalinleyda iyo Hal-abuurka
Soomaaliyeed, Gaarriye wuxuu ka mid ahaa abwaannadii
ugu horreeyey ee igu dhiirrigaliyey, gacantana igu
siiyey. Anigoo jooga Nairobi oo saxiixyo baafinaya
ayaan maqlay inuu socdaal ku joogo Jibuuti. Halkaas
ayaan ugu tagey.
Laba fadhi oo dhaadheer oo aan Jibuuti ku wada
qaadannay 14kii iyo 15kii May 1996 ayuu igula aqbaly
fikraddii asaaska PEN, ka dib markuu ku qancay,
saxiixayna Axdiga International PEN oo aan u dhiibay,
kaas oo loo baahnaa inay saxiixaan 25 qoraa oo bud-dhige
u noqda asaaska Naadiga. Ilaa waqtigaas Gaarriye
wuxuu ka mid ahaa madaxda naadiga, asagoo imminka
ahaa Guddoomiyaha Laanta Somaliland.
Xasuusta iyo ka-taariikhaynta Abwaan Gaarriye way ka
weyntahay wax looga bogan karo sadarradaan kooban.
Waa wax mudan in buugaag laga qoro, maxfallo loo
abaabulo, da’da soo koraysa loo iftiimiyo si ay ugu
daydaan. Run ahaan wuxuu ahaa la-higsade. Intii
taakulaysay muddadii uu xanuunsanayey iyo inta
imminka ku dadaashay sagootiska uu mudan, kuwaas oo
ay ka mid tahay Dowladda Somaliand oo abaabul weyn u
gashay in dalkiisa loogu sameeyo aas qaran, waxay
naga mudan yihiin, haddaan nahay guud ahaan bahda
hal-abuurka gaar ahaanna naadiga PEN, bogaadin sare.
Gaarriye wuxuu ku kaftami jirey, “kolleyba marka aan
dhinto waa la i karaamayn doonaaye, inta aan
noolahay qaar ha la i sii amaahiyo, imminkay
karaamayntu waxtar ii leedahaye”.
Taas micneheedu wuxuu yahay, hal-abuurka iyo
maskax-maalka ummadda qiimaha weyn ugu fadhiya ha la
karaameeyo oo ha la daryeelo inta ay noolyihiin, iyo
dabcan markay geeriyoodaanba. Ha lagu daydo sida uu
arrintaas ugu dadaalo madaxweyne Ismaaciil Cumar
Geelle oo dadaalkiisa noocaas ah uu tusaale u yahay
daryeelka uu muddada tobanka sano ka badan ku
taakulaynayey, dhaxalkiisana ummadda ku gaarsiinayey
buuni Aw Jaamac Cumar Ciise, oo uu u gurmaday asagoo
la daalaa-dhacaya dhaxal aad u qaali ah.
Gaarriye naxariistii janno Eebbe ha ku abaal-mariyo,
ummadda uu ka geeriyoodeyna cawil khayr qaba ha ugu
beddelo.
mdafrax@gmail.com.
|
|
Isha
qoraalkan; C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban",
London
Ogeysiis:
Qoraalladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc
ah in aad daabacdo ama aad ku
soo bandhigto
wargeys, haddii aad u baahato fadlan la
xiriir bahda wargeyska uu cinwaankiisu yahay
www.xildhibanpublications.com ama qoraha
caanka ah ee C/casiis
Cali Ibrahim (Xildhiban)
Xildhibanpublications. London |
|
|
Home
| Publications |
About us
|
Photo Gallery |
Contact us
|
|
|