|
Xildhiban Publications;-
19 September, 2012. Proff. Cumar Max’ed Xassan oo loo
yaqaanay " Gaalaguul ", waxa uu ku dhashay magaalada Balcad,
10kii bishii April, sanadku markuu ahaa 1940kii.
Proff. "Gaalaguul " wuxuu ku soo barbaaray isla magaalada
Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe ee dalka Soomaaliya,
wuxuuna markii dembe isagoo dhallinyaro ah wax barasho u soo
aaday dalka Talyaaniga, halkaas oo uu ku qaatay waxbarasho
dhinaca jaamacadda ah isaga oo ka qalin jabiyay Ganacsiga &
Dhaqaalaha.
Dhinaca kale wuxuu ka qalin jabiyay isla jaamacadda
magaalada Firenze, halkaas oo uu ka qaatay shahaadada
Siyaasadda & Sharciga, taas oo u sahashay in uu macallin ama
barre ka noqdo jaamacad ku taalla dalkaasi Mareykanka.
Proff. Cumar Max’ed Xassan " Gaalaguul " wuxuu si gaar ah
macallin uga noqday jaamacadda Dhaqaalaha, Siyaasadda &
Xuquuqda caalamiga ee dalkaasi.
Muddo dheer ka dib, Proff. Cumar Max’ed Xassan " Gaalaguul "
wuxuu deegaan ku yaashay dalalka Canada & Talyaaniga wuxuuna
xiriir la yeeshay xubno ama siyaasiyiin Soomaaliyeed oo
dibed joog ahaa si talada dalka Soomaaliya looga qaado
hoggaamiyihii hore ee Kacaanka Max’ed Siyaad Barre.
Proff. Cumar Max’ed Xassan " Gaalaguul " wuxuu ahaa ninkii
ka diiwaan galiyay ururkii USC magaalada ROME ee dalkaasi
Talyaaniga ururkaas oo noqday kii ku guuleystay in uu talada
dalkaasi ka qaado madaxweyne Siyaad Barre, sanadkii 1991dii.
Dagaallo dheer ka dibna waxaa maanta Soomaaliya ka hirgalay
hannaanka dimoqraadiyadda ee uu muddada dheer doonay in uu
ka hana qaado dalka Soomaaliya.
Proff. Cumar Max’ed Xassan " Gaalaguul ", maadaama uu
sanadihii ugu dambeeyay ka maqnaa dalka Soomaaliya, haddana
marna maskaxdiisa kama saarin mustaqbal wanaagsan oo ka
hanaqaada Soomaaliya.
Proff. " Gaalaguul ", wuxuu ka mid ahaa xubnha maskaxda
furan una fekera si madaxbannaan si ay xaqiijiyeen xubnihii
xiriirka dhow la lahaa ama u dhawaa, iyagoo qiray in uu ahaa
nin hufan xambaarsanna sharaf & maamuus ruuxi ah, sida
xaaskiisa Mauela Marriotti Hassan.
Allaha u naxariistee Proff. Cumar Max’ed Xassan " Gaalaguul
" wuxuu ku geeriyooday magaalada Firenze ee dalka talyaaniga
taariikhdu markii ay aheyd 19kii bishii September, sanadkan
2012.
Eebbe naxariistii janno ha siiyo.
Aamiin
United Kingdom
Xildhiban Publications.
Isha Qoraalka
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
Copyright
© Xildhiban 2012
All rights reserved.
|