XILDHIBAN Publications Xildhiban Publications

Home

Publications

About us

Gabayo & Guurow

Heesaha

Photo Gallery Contact us

Home

Publications

About us

Photo Gallery

Contact us

Wareysi VOA dood
ku saabsan qoraalka
Soomaaliga

Wareysi  ay laanta afka
Soomaaliga BBC la yeelatay C/casiis "Xildhiban"

Wareysi ay laanta afka Soomaaliga ee Radio Warsan
Helsinki, Finland 
la yeelatay C/casiis "Xildhiban"

Wareysi wariye Feysal Sh. Aadan "Amiin" oo ka tirsan Radio Warsan uu siiyay VOA oo uu kaga waramayo kulanka qoreyaasha ee ka dhacay Helsinki, Finland

Somali Radio

Barnaamijyada Idaacadda 04:00 GMT

Barnaamijyada Idaacadda 11:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 14:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 18:00 GMT
 

  4:00PM

  7:00PM

  8:00PM

Somali Links

Aminarts
Allpuntland
Allceeldheer
Dayniile
Dhagaxtuur
Hamarey
Hiiraan
Hornafrik

Markacadeey

Midnimo
Mareeg

Puntlandpost

Qaranimo

Shabelle

Somaliweyn

Somalitalk

Solamusic

Universal TV

Xamardaye

International News Agencies

 

Aljazeera

Arabnews

Reuters

Washington post

BBC

CNN

More Somali Books
Coming soon

Feynuustii Fanka Soomaaliyeed, Faadumo Qaasim Hilowle
Rabbi ha u naxariistee

Feynuustii Fanka Soomaaliyeed, Faadumo Qaasim Hilowle
Rabbi ha u naxariistee

Feynuustii Fanka Soomaaliyeed, Faadumo Qaasim Hilowle
Rabbi ha u naxariistee

Feynuustii Fanka Soomaaliyeed, Faadumo Qaasim Hilowle
Rabbi ha u naxariistee

Feynuustii Fanka Soomaaliyeed, Faadumo Qaasim Hilowle
Rabbi ha u naxariistee.
06dii Oktoobar, sanadka 2011.
Waxaa lagu aasay magaalada London ee dalka Ingriiska taariikhdu markii ay aheyd
08dii bisha Oktoobar, 2011.
Samir & Iimaan Allaha naga siiyo.
Aamiin

Date:   06 October, sanadka 2011

Waayihii Fanka & Masraxiyadda ee Allaha u naxariistee "Feynuustii Fanka Faadumo Qaasim Hilowle"


"Innaa Lillaahi Wa'innaa Illeyhi Raajicuun".
Geeridu waa xaq, ruux kasta oo noolna waa dhimanayaa.

Waayihii Fanka & Masraxiyadda ee
Feynuustii Fanka Soomaaliyeed Faadumo Qaasim Hilowle.

Xildhiban Publications:- 06/10/2011.- Eebbe ha u naxariistee Faadumo Qaasim Hilowle, waxay ka mid aheyd fannaaniinta Qaranka Soomaaliyeed ee hobollada Waaberi ee muuqaalka quruxda badan lahaa, kooxdaas oo uu horay uga tirsanaa aabaheed Allaha u naxariistee Qaasim Hilowle, ahaana hobolkii salka u dhigay heesta "Soomaaliyeey toosoo, toosoo isku tiirsadayee, hadba kina taagdaranee, taageera waligiinee".

Allaha u naxariistee Feynuustii Fanka Soomaaliyeed, Faadumo Qaasim Hilowle waxay ka soo jeeddaa qoys si weyn looga qaddariyo bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda, sumcad weyna ku leh.

Eebbe naxariistee janno ha siiyee, Faadumo Qaasim Hilowle waxay aheyd ruux ku weyn guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda warfaafinta Soomaaliyeed.

Haddaba geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Allaha u naxariistee fannaanddaasi geeriyootay si weyn u naxdin galisay guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku dhaqan yihiin.

Waxaan hubaa in guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed ay aad & aad uga wada naxeen geeridii lama filaanka aheyd ee ku timid fannaanaddaasi Soomaaliyeed waxaana magaalooyin fara badan oo ku yaalla caalamkan daafihiisa ka soconaya munaasabado loogu murugoonayo Allaha u naxariisteen Feynuustii Fanka Soomaaliyeed, Faadumo Qaasim Hilowle.

Allaha u naxariistee Feynuustii Fanka Soomaaliyeed, Faadumo Qaasim Hilowle waxay aheyd ruux qiimo gaar ah ku leh bulshada Soomaaliyeed. Feynuustii Fanka Soomaaliyeed muddadii ay ku jirtay fanka & suugaanta Soomaalida waxay laheyd shaqsiyad cajaa’ib leh kuna adag hiddaha & dhaqanka Soomaalida, dhallinyaradana uga digi jirtay wax kasta oo liddi ku ah dhaqanka wanaagsan ee dadka Soomaaliyeed.

Allaha u naxariistee Feynuustii Fanka Soomaaliyeed, Faadumo Qaasim Hilowle waxay kaalin lama illoobaan ka ah ka soo qaadatay fanka & suugaanta Soomaaliyeed iyadoo lagu xusuusan doono heesihii ay kalligeed qaadi jirtay & kuwii tallantaaliga ahaa ee dhinacyada Waddaniga, Hanuuninta, Nebi ammaanka & Jaceylkaba lahaa.

"Rabbi ha u naxariistee Feynuustii Fanka Soomaaliyeed, Faadumo Qaasim Hilowle waxay dhaxalkii ay kala hartay aabaheed Qaasim Hilowle kaga tagtay carruurtii ay dhashay & kuwii ay sii dhaleen".

Heesaha la xusuusan karo ee qaluubta shacbiga Soomaaliyeed weli ka guuxaya waxaa ka mid ah;- Dalkeygoow dabeyshaadu waa macaan tahee dalkeygoow, Ceelka jiidowgiisee, Ideey ideey, igaaryoow ideey & Muxamed yaa rasuullalaa.

Guntii & gebagabadii anigu si gaar ah ayay ii taabaneysaa gaaridaas ku timid Rabbi naxariistii janno haka waraabiyee Feynuustii Fanka Soomaaliyeed, Faadumo Qaasim Hilowle.
 
Bal ila dhageyso wareysi aan qadka telefoonka kaga qaaday muddo sii horreysay, wuxuuna u dhacay sidatan;-

Click halkan sii si aad u dhageysato. Wareysigii C/casiis "Xildhiban" la yeeshay Rabbi naxariistee janno ha siiyee Feynuustii Fanka Soomaaliyeed Faadumo Qaasim Hilowle.


Waxaan ku soo xirayaa qoraalkan aan ugu talagalay Alle ha u naxariistee Feynuustii Fanka Soomaaliyeed, Faadumo Qaasim Hilowle;- Illoobimeyso taariikhda heerarkii kala duwanaa ee ay u soo martay halgankii dheeraa ee Horrumarinta & Hannaanka Masraxiyadda, Fanka & Suugaanta Soomaalida fannaanaddaasi geeriyootay ee waayihii qaraarka & macaanka lahaa ee taariikhda Soomaalida.

Haddaba innagoo xusuusan in noolaha dhammaantiis dhimanayo halkan tacsi tiirsanyo leh uu maamulka "Xildhiban Publications" uga dirayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Qoyskii, Ehelladii & Qaraabadii ay ka geeriyootay Feynuustii Fanka Soomaaliyeed Faadumo Qaasim Hilowle.
,

Allow kuu naxariisto
Aamiin.
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"

United Kingdom
Xildhiban Publications.
 

Alle ha u naxariistee Feynuustii Fanka Soomaaliyeed
Faadumo Qaasim Hilowle
Heestii:- Soomaaliyeey toosoo, Toosoo isku tiirsadayee.

Alle ha u naxariistee Feynuustii Fanka Soomaaliyeed
Faadumo Qaasim Hilowle
Heestii:- Aaway hee inankii is arkoonayee.

 

Rabbi naxariistee janno ha siiyee fannaankii
Quluubta & maskaxda Soomaalida hoyga ballaaran ku yeeshay
Qaasim Hilowle & Heestii qiimaha laheyd:-
"Hay oran iska tag ha iman, haddaan heybtaada soo helee".

WAXAY KUU DHIGEEN MA KUGU DHAQEEN

Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen

.

Taxanaha Taariikhda SOOMAALIYA

Taxanaha Taariikhda Soomaaliya

 

MAAHMAAHYO Murti & Madadaallo

Maahmaahyo Murti
& Madadaallo

.

More Books ....

_______________
 

Coming soon

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA


Coming soon

Dal aan dalkiisa Damqasho Laheyn

Dal aan dalkiisa Damqasho Laheyn

Xusuustii waayihii fan & masraxiyadeed Faadumo Qaasim Hilowle

Feynuustii Fanka Soomaaliyeed, Faadumo Qaasim Hilowle
Rabbi ha u naxariistee

Feynuustii Fanka Soomaaliyeed, Faadumo Qaasim Hilowle
Rabbi ha u naxariistee

Feynuustii Fanka Soomaaliyeed, Faadumo Qaasim Hilowle
Rabbi ha u naxariistee

Feynuustii Fanka Soomaaliyeed, Faadumo Qaasim Hilowle
Rabbi ha u naxariistee

Feynuustii Fanka Soomaaliyeed, Faadumo Qaasim Hilowle
Rabbi ha u naxariistee

Feynuustii Fanka Soomaaliyeed, Faadumo Qaasim Hilowle
Rabbi ha u naxariistee

 

 

Home   |   Publications   |   About us   |   Photo Gallery   |   Contact us

_______________________________________________________

Copy Right xildhibanpublications.com ® All Reserved 2008