XILDHIBAN Publications Xildhiban Publications

Home

Publications

About us

Gabayo & Guurow

Heesaha

Photo Gallery Contact us

Home

Publications

About us

Photo Gallery

Contact us

Wareysi VOA dood
ku saabsan qoraalka
Soomaaliga

Wareysi  ay laanta afka
Soomaaliga BBC la yeelatay C/casiis "Xildhiban"

Somali Radio

Barnaamijyada Idaacadda 04:00 GMT

Barnaamijyada Idaacadda 11:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 14:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 18:00 GMT
 

  4:00PM

  7:00PM

  8:00PM

Somali Links

Aminarts
Allpuntland
Allceeldheer
Dayniile
Dhagaxtuur
Hamarey
Hiiraan
Hornafrik

Markacadeey

Midnimo
Mareeg

Puntlandpost

Qaranimo

Shabelle

Somaliweyn

Somalitalk

Solamusic

Universal TV

Xamardaye

International News Agencies

Aljazeera

Arabnews

Reuters

Washington post

BBC

CNN

More Somali Books
Coming soon

Date: 16 May, sanadka 2011 

Allaha u naxariisto abwaan Max'ed Gacal Xaayow


Halyeey kaalin lama ilaawaan ah ka galay
Fanka & Suugaanta Soomaalida


Innaa Lillaahi Wa'inaa Illeyhi Raajicuun

Isniin, May 16, 2011 "Xildhiban Publications;-

Maanta waxay aheyd maalin kale oo qalbiga suugaanleyda & hal abuureyaasha Soomaaliyeed ay buux dhaafisay maalin murugo leh, ka dib geeridii lama filaanka aheyd ee ku timid abwaan Max’ed Gacal Xaayoow, isla markaana gilgishay dareenka inta badan Qalinleyda & Suugaanleyda Soomaaliyeed.
 

Allaha u naxariistee abwaan Max’ed Gacal Xaayow wuxuu ku dhashay Muqdisho, ee caasimadda dalka Soomaaliya, wuxuuna ku barbaaray magaalada Cadalle ee gobolka Shabeellada Dhexe ee dalka Soomaaliya, halkaas oo lagu yaqaannay isna Allaha u naxariistee Sheikh Axmed Gabo wee tiriyay gabaygii caan baxay ee “Durriyaddaada dab looma duugee, kuwa dambaan u dariiq faleynaa”.

Dhinaca kale guurowyada caanka noqday ee uu tiriyay abwaankaasi waxaa ka mid ahaa;- Curin maanso, goob lagu cubtamay, Carab & Soomaali, Caalinkii ka dowliga ahaa Cadalle loo daaye.

Muddadii uu ku jiray suugaanta Soomaalida tirinta ama marinta Guurowga wuxuu tiriyay suugaan fara badan oo aan lagu arkin wax turxaan ah, haddii ay noqon lahaayeen aflagaaddo, inkaar, meel ka dhacyo nooca ay doonto ha ahaatee.

Inta aan xusuusnahay muddadii uu noolaa Allaha u naxariistee Abwaan Max’ed Gacal Xaayow wuxuu tiriyay guurowyada aan magacyadooda sheegi doono;- Aqoonyahan, Is bar qabo, Taariikh, Jaadka dhaqankeena, Xaasid how jabin, Aqal beena, Rabbi talo ku filan, Su’aal furan, Shey u roon ma ahan, Dhambaalkii nabadda, Farshaxan, Qaladkiina saxa, Libin, Dadku sidow maleynayay, Nabadda ku heshiiya, Waajibkaada aqoonso, Yaabka ka heshiiya, Aadan Cadde, Mandella, Afrikooy aan kuu digo, Xamar Cadde, Ha idin deeqdo sheekadu, Ramadaanka oofiya.

Allaha u naxriistee abwaan Max’ed Gacal Xaayow kuma akeyn tirinta guurowga & shiribka, wallow suugaantiisa ay laheyd dhinacyo fara badan ama uu ku maansoon jiray.

Qaran, Qof & Qoys, waxaan qabaa qabyaa u taal. Midnimaa wanaag lagu guntaa laguna goobaahe, in aad guda collowdaan in lays garabsadaa dhaanta.

Allaha u naxariistee abwaan Max’ed Gacal Xaayow wuxuu ka mid yahay abwaannada ay tabi doonaan dadka Soomaaliyeed isla markaana geeriyooday muddadii lagu jiray dagaallada sokeeye ee weli ka holcaya geyiga Soomaaliya, sida abwaannadii isaga ka horreeyay sida;- Xassan Cilmi Diiriye, Ibraahim Suleymaan "Ibraahim-Gadhle"; Cabdi Muxumad Amiin, Ibraahin Garabyare, Cabdi Deeqsi "Cabdi Sinemow"; C/qaadir Xersi Yamyam iyo Maxamed Cali Kaariye; Cabdullaahi Amiir Aw Kuuku, Xussein Aw Faarax, C/llaahi Qarshe; Max’ed Cumar Huryo, Cabdulle Raage Traawiil, Cumar Dhuule Cali, Cumar Macallin iyo Xassan Sh. Muumin,
Wixii ka dambeeyey dabayaaqadii sanadihii sagaashannada, Max’ed Gacal Xaayow wuxuu howshiisa ku soo koobay dhinaca u ololeynta nabadda maadaama dadka Soomaaliyeed ay u dhib qabaan nabad & dib u heshiisiin ka dhacda dalka Soomaaliya, aniga filayo maalin uu in dadka Soomaaliyeed ay u dhago nuglaan doonaan doorkii uu ka galay curinta suugaanta Soomaalida.

Allow kuu naxariiso

Qalinkii
Abdulaziz Ali Ibrahim "Xildhiban"

Xildhibanpublications. London


 

WAXAY KUU DHIGEEN MA KUGU DHAQEEN

Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen

.

Taxanaha Taariikhda SOOMAALIYA

Taxanaha Taariikhda Soomaaliya

 

MAAHMAAHYO Murti & Madadaallo

Maahmaahyo Murti
& Madadaallo

.

More Books ....

Coming soon

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA


Coming soon

Dal aan dalkiisa Damqasho Laheyn

Dalaan dalkiisa Damqasho Laheyn

Home   |   Publications   |   About us   |   Photo Gallery   |   Contact us

_______________________________________________________

Copy Right xildhibanpublications.com ® All Reserved 2008