XILDHIBAN Publications Xildhiban Publications

Home

Publications

About us

Gabayo & Guurow

Heesaha

Photo Gallery Contact us

Home

Publications

About us

Photo Gallery

Contact us

Wareysi VOA dood
ku saabsan qoraalka
Soomaaliga

Wareysi  ay laanta afka
Soomaaliga BBC la yeelatay C/casiis "Xildhiban"

Somali Radio

Barnaamijyada Idaacadda 04:00 GMT

Barnaamijyada Idaacadda 11:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 14:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 18:00 GMT
 

  4:00PM

  7:00PM

  8:00PM

Somali Links

Aminarts
Allpuntland
Allceeldheer
Dayniile
Dhagaxtuur
Hamarey
Hiiraan
Hornafrik

Markacadeey

Midnimo
Mareeg

Puntlandpost

Qaranimo

Shabelle

Somaliweyn

Somalitalk

Solamusic

Universal TV

Xamardaye

International News Agencies

Aljazeera

Arabnews

Reuters

Washington post

BBC

CNN

More Somali Books
Coming soon

Date:  

Cali Mahdi Max'ed


Taariikh nololeedkii madaxweyne
Cali Mahdi Max'ed

Last update:  Axad - 23 Sep 2007

Madaxweyne Cali Mahdi Max'ed wuxuu ku dhashay gobolka shabellada Dhexe ee dalka Soomaaliya sanadkii 1938dii.

Cali Mahdi Max'ed wuxuu sanadkii 1969kii ka mid noqday baarlamaankii Soomaaliya ee ugu dambeeyay ee si dmoqraadi ah loo soo doorto, ka dibna uu afgembiga dalka kula wareegay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allaha u naxariistee Max'ed Siyaad Barre.

Markii ay talada dalka xoogga kula wareegeen ciidamadu wuxuu u wareegay dhinacaa iyo ganacsiga wuxuu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaanno, wuxuu ahaa milkiilihii HOTEL MAKA AL-MUKARAMA.

Dagaalladii ka dhacay dalka Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyay ee maamulkii madaxweyne Max'ed Siyaad wuxuu ka mid ahaa xubnihii la magac baxay MANIFESTO ee soo saaray bayaankii looga codsaday in uu talada dalka isaga dego madaxweyne Siyaad Barre.

Dabyaaqadii sanadkii 1989kii wuxuu isaga cararay, waxyar ka dibna markii talada dalka laga qaaday waxay kooxdii uu ka tirsanaa ee Manifesto u doorteen in uu dalka ka noqdo madaxweyne KMG ah mudada ka horreysa shirweyne dib u heshiin oo loo qabto dadka Soomaaliyeed.

Shirkii 1aad ee lagu qabtay dalka Jabuuti ka dib waxaa loo doortay mar kale in uu dalka madaxweyne ka noqdo, nasiibdarrose wuxuu dagaal la galay General Max'ed Faarax Ceydiid oo uu damaciisu ahaa in nin ka mudan oo dalka madaxweyne ka noqdaa uusan jirin.

Dagaalkan oo bilowday 17kii bishii Novembar sanadkii 1991dii wuxuu dhammaaday 03dii bsihii Maarso sanadkii 1992dii.

Wuxuu dalka madaxweyne ka ahaa illaa laga soo gaaro 1995tii.

Bishii maarso sanadkii 1996dii waxaa loo doortay in uu noqdo guddoomiyihii ururkii USC/SSA ee beesha uu ka dhashay, ka dibna wuxuu madax ka noqday Isbaheysigii lagu magacaabi jiray Isbaheysiga Badbaadada Soomaaliyeed ee SSA.

Shir ka dhacay magaalada Sodere ee dalka Ethiopia sanadkii 1997dii wuxuu ka mid noqday guddoonka Golihii lagu magacaabi jiray Golaha Badbaadada Qaranka NSC.

Heshiiskii Qaahira ka dib, wuxuu guddoon wadaag ah la sameystay Xussein M. Ceydiid Guddoonkaasina waxaa lagu magacaabi jiray "LA GUDDOOMIYAHA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR", markii uu shaqeyn waayay maamulkooduna wuxuu si KMG ah uga fariistay siyaasaddii dalka.

Shirkii lagu qabtay dalka Kenya sanadkii 2002dii ayuu ka qeyb galay markii uu arkay sida ay wax u socdaan oo uu ku tilmaamay wax aan la aqbali karinna wuxuu dib ugu soo noqday Muqdisho oo aheyd fariisinkii uu degganaa.


Ali Mahdi Max'edCali Mahdi Max’ed
wuxuu ka mid yahay madaxda Soomaalida ah ee lagu eedeeyo in ay wax ka ogaayeen ama wax ka saxiixeen sunta loo yaqaanno “Toxic Weste” ee lagu shubay biyaha dalka jamhuuriyadda Soomaaliya & deegaanno ka tirsan bartamaha illaa koofurta Soomaaliya wixii ka dambeeyay markii la riday xukuumaddii madaxweyne Max’ed Siyaad Barre ee horraantii sanadkii 1991dii waqtigaas oo ku beegan markii loo doortay madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya.

Suntan oo lagu arkay xeebaha dalka Soomaaliya ka dib markii sanadkii 2004tii ay dabeylihii la oran jiray Tsunami ka dhaceen xeebaha Indian Ocean, haddana Cali Mahdi Max’ed wuxuu si xoog leh u beeniyay eedaha loo soo jeediyay wareysiyo uu siiyay laamaha warbaahinta ee howlgalla gudaha & dibedda dalka Soomaaliya, iyadoo waqtigan la arkayo waxyeellada ay gaarsiisay dadka Soomaaliyeed & kororka noocyada cudurrada ee aan horay loogu arkin ama looga aqoonin ee ku soo badanaya dalka jamhuuriyadda Soomaaliya.


Bishii April sanadka 2007da waxaa loo magacaabay shir guddoomiyihii shirkii dib u heshiisiisiinta ee lagu qabtay magaalada Muqdisho ee ku soo gebagaboobay 31dii bishii August 2007, shirkaas ka dibna wuxuu safar u raacay ergadii ka qeyb gashay shirkaasi oo uu hoggaaminayay madaxweynaha dowladda hadda jirta ee C/llaahi Yuusuf Axmed.

Isha Qoraalkan
C/casiis cali Ibrahim "Xildhiban"
xildhiban@hotmail.com

 

Ogeysiis: Qoraaladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto wargeys, hadii aad u baahato fadlan la xiriir bahda wargeyska Xamar iyo Xamardaye uu cinwaankeedu yahay www.xildhibanpublications.com ama qoraha caanka ah ee C/casiis Cali Ibraahim (Xildhiban)

 

 

Xildhibanpublications. London

 

 

 
WAXAY KUU DHIGEEN MA KUGU DHAQEEN

Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen

.

Taxanaha Taariikhda SOOMAALIYA

Taxanaha Taariikhda Soomaaliya

 

MAAHMAAHYO Murti & Madadaallo

Maahmaahyo Murti
& Madadaallo

.

More Books ....

Coming soon

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA


Coming soon

Dal aan dalkiisa Damqasho Laheyn

Dalaan dalkiisa Damqasho Laheyn

Home   |   Publications   |   About us   |   Photo Gallery   |   Contact us

_______________________________________________________

Copy Right xildhibanpublications.com ® All Reserved 2008