XILDHIBAN Publications Xildhiban Publications

Home

Publications

About us

Gabayo & Guurow

Heesaha

Photo Gallery Contact us

Home

Publications

About us

Photo Gallery

Contact us

Wareysi VOA dood
ku saabsan qoraalka
Soomaaliga

Wareysi  ay laanta afka
Soomaaliga BBC la yeelatay C/casiis "Xildhiban"

Somali Radio

Barnaamijyada Idaacadda 04:00 GMT

Barnaamijyada Idaacadda 11:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 14:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 18:00 GMT
 

  4:00PM

  7:00PM

  8:00PM

Somali Links

Aminarts
Allpuntland
Allceeldheer
Dayniile
Dhagaxtuur
Hamarey
Hiiraan
Hornafrik

Markacadeey

Midnimo
Mareeg

Puntlandpost

Qaranimo

Shabelle

Somaliweyn

Somalitalk

Solamusic

Universal TV

Xamardaye

International News Agencies

Aljazeera

Arabnews

Reuters

Washington post

BBC

CNN

More Somali Books
Coming soon

Date:  

Allaha u naxariisto abwaan Cabdi Muxumed Amiin


Halyeey kaalin lama ilaawaan ah ka galay
Fanka & Suugaanta Soomaalida


Innaa Lillaahi Wa'inaa Illeyhi Raajicuun

Isniin, November 3, 2008 (XP): Ma dhinte waa Illaahay ruux kasta oo noolna waa dhimanayaa, waxaan anniga oo ku hadlaya magaca qoreyyaasha Soomaaliyeed halkan tacsi uga dirayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii, ehelladii & qaraabadii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Abwaan Cabdi Muxumed Amiin oo maanta lagu aasay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waxaa xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee xarunta u ah dalka Kenya Abwaan Cabdi Muxumed Amiin oo ka mid ahaa abwaannada caanka ah ee Soomaaliya.

Abwaanka ayaa geeriyooday kadib markii xanuun hayay aawgiis loo dhigay Isbitaal ku yaala Magaalada Nairobi, halkaasi oo uu xalay ku geeriyooday.

Abwaanka oo sanadkii 1935 ku dhashay magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaalida ee dalka Ethiopia wuxuu fanka ku soo biiray Sanadkii 1953-kii, iyadoo waqtigiisa inta badanna ku qaatay magaalada Muqdisho.

Alle ha u naxariistee Abwaan Cabdi Muxumed Amiin waxaa uu ka mid ahaa Fannaaniintii iyo Abwaaniintii laf-dhabarka u ahaa Kooxdii Waaberi, waxaana uu sameeyay Ruwaayado iyo
heeso badan oo caan baxay, kuwaasi oo aan ka xusi karno Riwaayaddii lagu dhaliilayay Dowladdii Mileteriga ahayd taasi oo ahayd LandCrouser, inkastoo horay uu u ammaanay dowladdaas isagoo u sameeyay heesta ceynaanka haay.

Hon. Cabdi Xaashi C/llaahi oo aaska Marxuumka ka qeybgalay ayaa Laanta Afka Soomaliga
ee BBC-da waxaa uu uga waramay taariikhdii Abwaan Cabdi Muxumed Amiin, wuxuuna
sheegay in marxuumka uu ahaa Fannaan Wadani ah oo mar walba ka hadla dhibaatada dadkiisa iyo dalkiisa ay qabaan, wuxuuna xusay in isagoo ah Maareeyaha Tiyaatarkii Qaranka ah uu u keenay Heestii LandCrouser, taasi oo uu xusay in ay ka hadleysay sida uu xiligaas dalka ugu soo batay Gaariga LandCrouser-ka oo qaali ahaa iyo sida ay dadka u baahan yihiin ee ay ugu tiirsan yihiin Raashin Galley ah oo Mucaawino ahaan loo keeno.

Xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi waxaa uu sheegay in markii uu Heestaas ka qabtay uu ku
yiri u dhiib Saado Cali Warsame maadaama sida uu u yiri ay Saado jilista ku wanaagsan tahay, “Saado waa ay diiday in ay heestaas ku luuqeyso, kadibna Abwaanka waxaa uu u dhiibay
Nimco Yaasiin, mar uu ii yimid oo uu ii sheegay in ay Saado diiday oo uu Nimco u dhiibay
ayaan ku iri Saado iigu yeer, kadibna waxaan ku iri Saado heestan ku luuqee, weyna iga ogolaatay, inkastoo ay markii hore ka baqday”ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi.

Alle ha u naxariistee Abwaan Cabdi Muxumed Amiin waxaa uu ifka kaga tegay 3 Wiil iyo 5 Gabdhood, waxayna dadka Soomaaliyeed ku xusuusan doonaan dhaxalkii uu uga tegay ee Faneed, kaasi oo uu ku soo koobay buug uu qoray oo la yiraahdo DIIWAANKA Hilin Hayaan.

                                             .
                 Buugga uu qoray Abwaan Cabdi Muxumed Amiin ee ka  ka hadlaya suugaantiisa

 Abwaan Cabdi Mux'ed Amiin oo ka hadlayay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da wuxuu ku yiri;-

Halkan Click sii Wareysi  ay laanta afka Soomaaliga BBC la yeelatay Allaha u naxariistee
                           Cabdi Muxumed Amiin

Halkan Click sii
Heestii Landcrusier Gado soo bari Galeey & Saado Cali Warsame

Halkan Click sii
Max'ed I. Warsame "Hadraawi" oo ka hadlaya shaqsiyaddii
                                   Cabdi Muxumed Amiin

Abwaannada & fannaaniinta Soomaaliyeed oo fekerkooda ka dhiibanaya shaqsiyaddii Allaha u naxariistee Abwaan Cabdi Mux'ed Amiini;-

Halkan Click sii Wareysi  ay laanta afka Soomaaliga VOA la yeelatay
                          Mustafe Sh. Cilmi, Faadumo Qaasim Hilowle & C/risaaq Gaadaco

Allow kuu naxariiso

Xildhibanpublications. London

 

 

 
WAXAY KUU DHIGEEN MA KUGU DHAQEEN

Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen

.

Taxanaha Taariikhda SOOMAALIYA

Taxanaha Taariikhda Soomaaliya

 

MAAHMAAHYO Murti & Madadaallo

Maahmaahyo Murti
& Madadaallo

.

More Books ....

Coming soon

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA


Coming soon

Dal aan dalkiisa Damqasho Laheyn

Dalaan dalkiisa Damqasho Laheyn

Home   |   Publications   |   About us   |   Photo Gallery   |   Contact us

_______________________________________________________

Copy Right xildhibanpublications.com ® All Reserved 2008